Skip to main content

Fariin ku socota Beesha Maxamed Case oo ka Tirsan Beelaha Gadabuursi ee dagan Gobolada Awdal, iyo salal

Tisqaadmedia ( Boorama) Fariin ku socota Beesha Maxamed Case oo ka Tirsan Beelaha Gadabuursi ee dagan Gobolada Awdal, iyo salal '

Marka Hore waad salaaman tihiin dhamaantiinba intiina Akhrisanaysa faaladan Kooban oo salka ku haysa Fariin ku socota Beesha maxamed case ee dagan Gobolada Awdal iyo salal waxaana idinku salaamayaa salaanta islaamka Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu salaan kadib

Beesha Maxamed case ee ka soo jeeda beelwaynta Gadabuursi waa beesha ugu balaadhan ee deegaanka ku ah xeebaha Gobolada Awdal iyo salal waana beel facwayn oo magac iyo sumcadba ku dhex leh guud ahaan soomaliland iyo Gobolada awdal iyo salal waana beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne ku xigeenka Soomaliland mudane Cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici beeshaasi taariikh soo jireena ayay leedahay hadaba aan u dhaadhaco dulucda fariintayda



Waxa aynu walaalayaal ka warqabnaa xaaladaha inagu gadaaman wakhti xaadirkan waana marxalad xasaasi ah oo gayigeena ka jirta Soomaliland inkastoo maanta maxamed case ahaan aad ku fadhidaan kursiga labaad ee soomaliland ugu sareeya hadana waxa waajib idinka saaran yahay sidii aad u noqon lahaydeen shacab baraarugsan oo dantooda , maslaxadooda meel uga soo wada jeesta kana war haya xaalada ay ku sugan yihiin deegaanada xeebta ah ee aad deegaanka balaadhan ku tihiin , daah idinkama saarna xaaladaha dabiiciga ah ee abaartu kaw ka tahay waad ka war haysaan ,xaalada siyaasadeed ee mandaqadana waad ka warhaysaan hadana waxa loo baahan yahay shacab ahaan iyo deegaan ahaan bal inaad si guud madaxa isku galisaan kana arinsataan sidii loo wajihi lahaa labadaasi marxaladood ee aan halka sare ku soo sheegnay, illaahay ayaanu ka baryaynaa in abaartaasi uu inaga dulqaado shacab ahaana waxa idin saaran masuuliyad ah sidii dadkiina aad ugu gurman lahaydeen una gaadhsiin lahaydeen wixii aad awoodaan  shacabka awdal ahaana iyagana waajib ayay ku tahay in dadkooga ay kala qayb qaataan gurmadka abaarahaasi , Maxamed Casoow maanta hadii ay jiri lahayd wado hagaagsan oo isku xidha Borama iyo Lughaya xaqiiqatan waxa maarayn loo heli lahaa abaaraha soo noqnoqday balse wado la,aanta jirtaayi waxay sabab u tahay in dadka deegaankaasi duruufo kala duwan ay soo wajahdo lana daalaa dhacaan xataa waxa suuro gala in dadka halkaas dagani ay magaalooyinkaasi iskaga soo guuraan iyaga oo Boorama nolol ka soo raadsanaya Hadaba sidii arintaasi wax looga qaban lahaa waxa muhiim ah in la helo wado isku xidhaysa Boorama iyo Lughaya sidoo kalana waxa muhiim ah sidii aad shacabka Gobolka awdal iyo dawlada soomaliland uga dhaadhicin lahaydeen in laga tanaasulo wado isku xidhaysa Saylac iyo Boorama sababtoo ah ka shacab ahaan waxa aanu aaminsanahay in wadada lawyacado iyo borama aanay dan noogu jirin taa badalkeedana aanu jeclaan lahayn sidii aad noogu jeexi lahaydeen fikir ah in wadadaasi  gabi ahaanba aan joojino lagana tanaasulo wadadaasi una badalano wadada isku xidhaysa Borama iyo magaalada Lughaya  ahmiyada koowaadna laga dhigi lahaa sidii halkaasi dad loogu deegaamayn lahaa loogana dhigi lahaa magaalo xeebeed dhaqdhaqaaq ganacsi laga abuuri karo

Maxamed casoow siyaasada halka ay marayso waad la socotaan ku baraarug sanaada sidii Lughaya u noqon lahayd magaalada Labaad ee ugu wayn beesha Gadabuursi mustaqbalkana u noqon lahayd magaalo xeebeedka Gobolada galbeedka soomaliland waxaana waajib idinku ah sidii aad hawshaasi dardar u galin lahaydeen lughayina u noqon lahayd magaalo dhaqdhaqaaq leh dabcan ogaada beelaha bariga soomaliland gaar ahaan beesha habar yoonis waxa ay waayadii ugu danbaysay bilawday in ay dhisaan wado isku xidhaysa magaalada ceerigaabo iyo magaalo xeebeedka Maydh iyadoo sidaasi tahay ayaa  waxay bilaabeen dardar ku aadan sidii dekada maydh loo hawl galin lahaa arintanina waxay ku soo beegan tahay xili xaalado siyaasadeed ka jiraan Soomaliland arintaasina Maxamed casoow tusaale inay idin noqoto ayaa rajaynayaa


Gaba gabadii Tolkay Maxamed casoow waxaan idinku dhiirigalinayaa inaad bilawdaan qurbajoog ahaan iyo qolqol joog ahaan sidii aad u bilaabi lahaydeen wado isku xidhaysa magaalada Boorama iyo magaalo xeebeedka Lughaya waana arin u baahan inaad guntida dhiisha iskaga xidhaan

Xaqiiiqo ahaan maanta hadii aanu eegno dhismaha wado isku xidhaysa Saylac iyo Boorama dan inoogu jirtaa ma jirto waayo saylac waxa ay ku dhawdahay inay faraheena ka baxdo waxaana taasi ugu wacan dadkii halkaasi daganaa way ka soo baxeen oo boorama ayay soo galeen waxaana halkaasi isku balaadhiyay beesha ciise arintaasna qofna kama qarsoona sidaaa darteed maxamed casoow baraaruga oo bilaabo hawl magaceedu yahay LughayatoBoorama Mustaqbalkana idinka ayaa ku faaidi doona tolkiin gadabuursina rajo wacan ayaad u beerteen

Faaladan Nuux kadiye ayaa diyaariyay

Fadlan la wadaag walaalkaa


Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g