Skip to main content

Posts

Showing posts from 2020

Madaxweyne Biixi kormeero kusoo sameeyay goobo muhiima isaga oo kalsooni buuxda ka muuqato

Tisqaadmedia( Boorama ) Madaxweyne biixi oo maalintii labaad boorama ku sugan Madaxweyne Muuse biixi ayaa maalintii labaad Boorama ku sugan waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray wado laami ah oo loo dhisay mid kamida xaafadaha caasimada ku yaala sidoo kale mudanuhu wuxuu kormeer ku tagay xafiiska gobolka looga taliyo , xarunta Dawlada hoose ee Boorama, xafiiska wasaarada maaliyada iyo sidoo kale xarunta shirkada biyaha boorama Muuse biixi ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay somaliland ee gobolka awdal kormeer qaran ku sameeya taasina waxa ay daba socotaa kalsoonidii bulshada Boorama ku qaabileen maalintii shalay ahayd

Aqoonyahan Agaasime Ahmed cabdi ismaaciil oo casho sharaf u sameeyay dhalinyarada xulka gobolka awdal

 Tisqaadmedia( Boorama )  Agaasimaha wasaarada horumarinta biyaha somaliland Aqoonyahan Mudane Ahmed cabdi ismaaciil ayaa noqday masuulkii ugu horeeyay ee xil ka haya dawlada misena si shaqsi ah casuumad u sameeyay dhalinyarada xulka kubada cagta gobolka Awdal kulankaasina waxa uu ahaa mid uu agaasimuhu ku dhiirigalinayay dhalinyarada sidii ay qaab ciyaareed wanaagsan usoo bandhigi lahaayeen guulna usoo hoyaan gobolka cagaaran ee tacliintuna weheliso HALKAN KA DAAWO

Taariikh nololeedka profser Cali khaliif galaydh oo jigjiga ku geeriyooday

 Taariikh Nololeedkii marxuum Prof. Cali Khaliif Gallaydh oo Jigjiga ku geeriyooday. Dr. Cali Khaliif Galaydh waxaa uu ahaa siyaasi Soomaaliyeed, waxaana uu mar soo ahaa Reysal Wasaaraha Soomaaliya (2000-2001), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1965-1967)  iyo Wasiirka Warshadaha (1980-1982). Cali waxa uu ku dhashay gobolka Sool, halkaas ayuuna qeybta hore ee noloshiisa kusoo qaatay inteeda badnayd, ilaa uu ka dhameystay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd, ilaa markii dambe uu Dugsigiisa Sare ku dhameystay degmada Sheekh. Waxaa uu ahaa aqoonyahan darajada tacliinta maadiga ah ka gaadhay Ph.D. Waxaa uu ahaa Macalin iyo qof muddo dheer soo ahaa shaqaale dowladdeed, oo qeybo kale duwan dowladnimada ah kasoo shaqeeyay. Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu in mudda ah kasoo shaqeynayay qeybaha waxbarashada Soomaaliya, isaga oo macalin iyo bare kasoo ahaa machadkii  Somali Institute of Public Administration (SIPA) ee Maamulka Dowliga ah lagu baran jiray, halkaas oo uu markii dambe ka noqday agaasime. Cali

Allaha u naxariisto Aqoonyahan siyaasi Cali khaliif galaydh oo jigjiga ku geeriyooday

 War Dag Dag ah: Alah Unaxariiste waxaa goordhaw ku Geeriyooday Magaalada Jig Jiga Reysul Wasaarihii hore ee Dowladii Kmg aheyd Cali Khaliif Galey

Sheeko xiiso gooniya xambaarsan Maxamad Case Imisa Jeer Buu u Tanaasulay Makaahiil

Tisqaad-Maxamad Case iyo Makaahiil waa labo oday oo walaalo ah. Inkasta oo aanay isku hooyo ahayn, Waxa ay ku Abtirsadaan Aabbo Makadoor Sh. Samaroon.  Da' ahaan waxa waynaa oo curad ah, Maxamad oo ay Carabi dhashay. Magaca Hooyadii waxa la odhan jiray Safiya Alcaqiili, halka Makaahiil hooyadii ahayd Asnaaqish Tadhase oo ka soo jeedda bulshada Xabashida. Taariikh ahaan waxa la sheegaa inuu Maxamad walaalkii, Makaahiil Makadoor, mar walba oo ay wax isku qabtaan u tanaasuli jiray.  Inta la ogyahay waxa ka mid ah:  _5 Qarni ka hor markii uu Barre Abokor u tanaasulay Ina adeerkiu Cali Muuse_dari (Makayldheere) kadib markii ay isku qabteen ugassnimada, iyada oo uu Barre lahaa xilka curadnimada iyo hoggaaminta dhaqanba.  _ Badhtamihii qarnigii 20aad, oday dhaqmeed uu Ugaas Dooddi hor socday kuna xidhnaa hoggaanka Ethiopia ayaa xadka keenay duleedka Borama. Ugaaska xilligaa waxa laga reebay odhaahdii caanka ahayd (Dhagax iyo Buur iyo Maxad Case waxan ahayn kamaan tegin) . Waxgaradkii M. C

Maxaa ku cusbaa shirweynihii xisbiga Kulmiye hargeysa ku qabsaday

 Tisaaad- Maxaa ku cusbaa Shirweynaha afraad ee KULMIYE? Hargeysa -- Waxyaabihii ku cusba shirweynaha afraad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa waxaa  kow ka ahaa ka qayb galka weftiyo kala duwan oo ka socday dalalka deriska, gaar ahaan dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, iyada oo dalka Itoobi uu ka socday wefti heer xisbi iyo heer wasiir ah, halka uu dalka Jabuutina uu ka socday wefti shirka ka qayb galay. Ka qayb galayaasha shiweynaha xisbiga KULMIYE oo isugu jiray Ergooyin, marti sharafta, warbaahinta, iyo hawl waddeenada xisbiga KULMIYE oo dhammaantood laga baadhay xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, waxaana heegan ahaa hawl wadeeno caafimaad oo hubinayay badqabka caafimaad ee dadka gelayay hoolka uu ka socday shirweynaha afraad ee xisbiga KULMIYE. Guud ahaan saddexda maalmood ee shirku socday ayuu jawigiisu ahaa mid ay habsami ay u daadihinayeen xubnaha shirguddoonku laguna hagayay hannaan Dimuquraadi ah oo waafaqsan xeerka xisbiga iyo shuruucda dalka Jamhuuriyadda Somalila

Siyaasi ismaaciil Buubaa ayaa sheegay qaabka xisbiyada somaliland u dhisan yihiin ay tahay nidaamkii Hantiwadaaga kacaankii soomaliyeed

Prof- Ismaaciil Hure buubaa oo kamida siyaasiyiinta somaliland kuna jira xisbiga mucaaradka ee waddani ayaa isaga oo ku sugan dalka turkiga una jooga arimo caafimaadkiisa la xidhiidha  Ismaaciil ayaa mudo ku dhaw dhaw laba biloodba ka maqan somaliland

Ethiopian parliament votes to cut ties with Tigray region leaders

 Tisqaadmedia- Ethiopian lawmakers have ruled that federal officials should cut off contact with leaders of the northern Tigray region, which defied Prime Minister Abiy Ahmed last month by holding elections his government deemed “illegal”. The decision, announced late on Tuesday by the House of Federation, the upper house of parliament, furthers the breakdown in relations between Abiy and the Tigray People’s Liberation Front (TPLF), which dominated Ethiopian politics before Abiy came to power in 2018 and is still in command in Tigray. The House of Federation “decided the federal government should sever any kind of relationship with the Tigray regional state assembly and the region’s highest executive body”, according to a statement aired by the state-run Ethiopian Broadcasting Corporation. The statement noted that the federal government would continue to work with local institutions in Tigray to provide “basic services” to the region, meaning the decision did not amount to a complete r

Quruxda jidka isku xidha Jaamacada Amoud iyo magaalada Boorama inteeda kale ( SAWIRO)

 Tisqaadmedia( Boorama ) Halkan waa jidka isku xidha jaamacada camuud iyo magaalada Boorama inteeda kale waana biriij baahi wayn ay u qabeen shacabka boorama maadaama uu biriijkani noqday mid isku socodka gaadiidka iyo dadka aad u xoojiyay 

HOGAANKA XISBUL XAAKIMKA KULMIYE OO LAGU KALA CALAFQAADAY IYO WASIIR SAAJIN OO KAMID NOQDAY XUBNAHA CULUS EE KULMIYE

 Tisqadmedia( Boorama)  Isku daya inaad ila fahantaan arintan la xidhiidha Hoggaanka loo doortay Xisbiga kulmiye 5ta sannadood ee soo socda. iyo sida loo qaybsaday Waa run oo 3 xubnood oo madaxweynuhu ku jiro waa beesha dhexe mar walbana iyadaa qaadata tirada ugu badan ee xilalka dawlada ama xisbiyada siday doonaan haku qaybsadaane waad fahanteen ayaa filayaa iyadoo ay sidaasi tahay 2 xubnood oo ka mida hogaanka xisbiga kulmiye waxa la siiyay beelaha darifyada Waa Awdal iyo Sool Hogaanka xisbiga iyo beelaha ay ka soo jeedaan waa sidan Gudoomiyaha xisbiga Muuse biixi ( ISAAQ - HABAR AWAL )   Gudoomiye ku xigeenka koowaad maxamed kaahin ( ISAAQ- HABARJECLO ) Gudoomiye ku xigeenka labaad Ahmed cabdi dheere ( ISAAQ- HABARYOONIS ) Gudoomiye ku xigeenka sadaxaad xuseen aadan ( HARTI -DHULBAHANTE ) Gudoomiye ku xigeenka afaraad maxamuud saajin ( SAMAROON -JIBRIIL YOONIS ) sidaasina waxa loogu qaybsaday saamiga xisbiga talada haya ee somaliland Wixii qalad ee ku aragtaan idinka ayaa sixi doona

Sheekh xasan deheeye oo jawaab kulul hawada u mariyay wasiir ku xigeenka arimaha gudaha sheegayna inuu maxkamad la tiigsanayo badhasaabka Awdal

Tisqaad( Boorama) Sheekh xasan deheeye oo si kulul ugu jawaabay wasiir ku xigeenka arimaha gudaha soomaliland sheegayna inuu maxkamad la tiigsanayo badhasaabka gobolka Awdal

War cusub oo ka soo kordhay khilaaf u dhexeeya badhasaabka Awdal iyo culumada boorama kaasi oo salka ku hay aflagaado diimeed

Tisqaad ( Boorama)   War cusub oo ka soo kordhay khilaaf u dhexeeya badhasaabka Awdal iyo culumada boorama kaasi oo salka ku hay aflagaado diimeed HOOS KA FIIRSO WARKAASI OO FAAHFAAHSAN

Dawlada Hoose ee Boorama oo wadooyin Muhiima ka hirgalinayso laba xaafadood kuwaasi oo shaqadoodu socoto

Tisqaad( Boorama) Laba xaafadood oo boorama ku yaala ayaa loo dhisayaa wadooyin halbowlayaal ah kuwaasi oo dadku baahi u qabeen HALKAN KA DAAWO