Skip to main content

Sheeko xiiso gooniya xambaarsan Maxamad Case Imisa Jeer Buu u Tanaasulay Makaahiil

Tisqaad-Maxamad Case iyo Makaahiil waa labo oday oo walaalo ah. Inkasta oo aanay isku hooyo ahayn, Waxa ay ku Abtirsadaan Aabbo Makadoor Sh. Samaroon.  Da' ahaan waxa waynaa oo curad ah, Maxamad oo ay Carabi dhashay. Magaca Hooyadii waxa la odhan jiray Safiya Alcaqiili, halka Makaahiil hooyadii ahayd Asnaaqish Tadhase oo ka soo jeedda bulshada Xabashida.



Taariikh ahaan waxa la sheegaa inuu Maxamad walaalkii, Makaahiil Makadoor, mar walba oo ay wax isku qabtaan u tanaasuli jiray. 


Inta la ogyahay waxa ka mid ah: 

_5 Qarni ka hor markii uu Barre Abokor u tanaasulay Ina adeerkiu Cali Muuse_dari (Makayldheere) kadib markii ay isku qabteen ugassnimada, iyada oo uu Barre lahaa xilka curadnimada iyo hoggaaminta dhaqanba. 

_ Badhtamihii qarnigii 20aad, oday dhaqmeed uu Ugaas Dooddi hor socday kuna xidhnaa hoggaanka Ethiopia ayaa xadka keenay duleedka Borama. Ugaaska xilligaa waxa laga reebay odhaahdii caanka ahayd (Dhagax iyo Buur iyo Maxad Case waxan ahayn kamaan tegin) . Waxgaradkii M. Case arrintaasi may ogolaan. waxay diideen in tolka xuduud loo kala sameeyo, haseyeeshee waxba way ka qaban kari waayeen xadkii Reserved Erea. Dabadeed qoysas badan oo Maxamadcase ah ayaa u guuray dhinaca Ethiopia si aan xidhiidhka tolnimo u go'in. Taa baddalkeeda, odayaal isugu jira Habarcafaan iyo reer Nuur ayaa iyaguna ku baaqay in xadka shisheeyuhu dhigay aan lagu kala goyn tolnimada. Kadibna waxa ay go'aamiyeen in illaa Jabuuti oo uu markaasi Jaamac Saylici wakiil uga ahaa Fransiiska, la dego, si garab iyo gaashaan loogu noqdo Maxamadcasaha Jabuuti.


_ Sannadkii 1960 kii, xildhibaankii u horreeyay ee cod ku soo baxa Somalia, ee Idaacadda laga sheegay, waxa uu ahaa General Muuse Rabbiile Good oo markaa ahaa wiil dhallinyar ah. Xaaji Abubakor Cumar oo la tartamayay ayaa Samaroon isugu yeedhay kuna dhaartay inuu Muuse 40 ka yaryahay, dabadeedna Muuse Rabbiile waxa lagu qanciyay inuu u tanaasulo adeeerkii Xaaji Abubakar, ducadii buu sidii ku qaatay, kadib waxbarasho ciidan ayuu dalka Ingiriiska u tegay. Kadib waxa uu ka mid noqday generaalladii waawaynaa ee Siyaad Barre afganbiga kala qaybqaatay. Sidaasuu ku noqday wasiir aan dhicin ahna xubin golaha sare ee kacaanka ka mid ah. 

_ Sannadkii 1993kii, markii Borama lagu shirayay, waxgaradka Maxamadcase waxa ay ku doodayeen in dalka loo sameeyo madaxwayne iyo Raysal wasaare, laguna kala qoro Isaaq iyo Samaroon, Balse rag uu hormuud u ahaa Prof. Suleimaan Axmad Guuleed ayaa ku adkaystay in walaalaha Isaaq lagu tixgaliyo lana ogolaado Madaxwayne ku xigeenka. Maxamadcase isaga oo khilaaf iyo ragaadin nabadeed ka fogaanaya ayuu tanaasulay. 

_ Horraantii sannadkii 2017, Duqii hore ee degmada Saylac, Xuseen Iidle Barkhad ayaa u tanaasulay mayorka degmada Sacad Daahir Cige, kadib markii ay isku qabteen hoggaanka degmada, iyada oo khilaafkooda meelo degmada ka baxsan laga hurinayay. Tan iyo xilligaana Xuseen Iidle waxa uu la taliye gaar ah u yahay Guddoomiye Sacad oo dhawr jeer uu ka badbaadiyay inuu hoggaanka degmada waayo. 

_ Doorashadii madaxnimo ee 2017kii, waxa gobolka Awdal ku guulaystay xisbiga Kulmiye oo horreeyay ku dhawaad 2kun oo cod, haseyeeshee markii sanaadiiqda codadku soo dhammaystirantay ee commissionku xidhmay  waxa 12kii habeennimo la keenay sanaadiiq cusub oo laga shakiyay lana cancel gareeyay, balse kadib markii taageerayaashii Waddani rabshad iyo qas ku hanjabeen, lana ogaaday in natiijada guud ee Qaranka lagu kala tegay ayaa shuruud la'aan loogu ogolaaday taasaana keentay in uu Wadani Awdal ku horreeyo inkabadan kun cod. 

_ 01 October 2020, madaxwayne Xigeenka Somali land Cabdiraxmaan Saylici ayaa xilka guddoomiyaha 4aad ee xisbiga Kulmiye uga tanaasulay walaalkii Maxamuud Saajin, wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaynta. Waxaanu ku baaqay inuu dhisi doono haddii Allah ku simo.


Maxamed Jeex Aw Yoonis

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g