HOGAANKA XISBUL XAAKIMKA KULMIYE OO LAGU KALA CALAFQAADAY IYO WASIIR SAAJIN OO KAMID NOQDAY XUBNAHA CULUS EE KULMIYE
Tisqadmedia( Boorama) Isku daya inaad ila fahantaan arintan la xidhiidha Hoggaanka loo doortay Xisbiga kulmiye 5ta sannadood ee soo socda. iyo sida loo qaybsaday
Waa run oo 3 xubnood oo madaxweynuhu ku jiro waa beesha dhexe mar walbana iyadaa qaadata tirada ugu badan ee xilalka dawlada ama xisbiyada siday doonaan haku qaybsadaane
waad fahanteen ayaa filayaa iyadoo ay sidaasi tahay 2 xubnood oo ka mida hogaanka xisbiga kulmiye waxa la siiyay beelaha darifyada Waa Awdal iyo Sool
Hogaanka xisbiga iyo beelaha ay ka soo jeedaan waa sidan
Gudoomiyaha xisbiga Muuse biixi ( ISAAQ - HABAR AWAL )
Gudoomiye ku xigeenka koowaad maxamed kaahin ( ISAAQ- HABARJECLO )
Gudoomiye ku xigeenka labaad Ahmed cabdi dheere ( ISAAQ- HABARYOONIS )
Gudoomiye ku xigeenka sadaxaad xuseen aadan ( HARTI -DHULBAHANTE )
Gudoomiye ku xigeenka afaraad maxamuud saajin ( SAMAROON -JIBRIIL YOONIS )
sidaasina waxa loogu qaybsaday saamiga xisbiga talada haya ee somaliland
Wixii qalad ee ku aragtaan idinka ayaa sixi doona
Nuux kadiye
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah