Skip to main content

Taariikh nololeedka profser Cali khaliif galaydh oo jigjiga ku geeriyooday

 Taariikh Nololeedkii marxuum Prof. Cali Khaliif Gallaydh oo Jigjiga ku geeriyooday.

Dr. Cali Khaliif Galaydh waxaa uu ahaa siyaasi Soomaaliyeed, waxaana uu mar soo ahaa Reysal Wasaaraha Soomaaliya (2000-2001), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1965-1967)  iyo Wasiirka Warshadaha (1980-1982).

Cali waxa uu ku dhashay gobolka Sool, halkaas ayuuna qeybta hore ee noloshiisa kusoo qaatay inteeda badnayd, ilaa uu ka dhameystay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd, ilaa markii dambe uu Dugsigiisa Sare ku dhameystay degmada Sheekh. Waxaa uu ahaa aqoonyahan darajada tacliinta maadiga ah ka gaadhay Ph.D. Waxaa uu ahaa Macalin iyo qof muddo dheer soo ahaa shaqaale dowladdeed, oo qeybo kale duwan dowladnimada ah kasoo shaqeeyay.

Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu in mudda ah kasoo shaqeynayay qeybaha waxbarashada Soomaaliya, isaga oo macalin iyo bare kasoo ahaa machadkii  Somali Institute of Public Administration (SIPA) ee Maamulka Dowliga ah lagu baran jiray, halkaas oo uu markii dambe ka noqday agaasime.

Cali Khaliif waxaa lagu xasuustaa agaasimidda barnaamijyo hormarineed oo Soomaaliya ka socday 1970-aadkii ilaa 1980-aadkii, isaga oo si gaar ahaa u maamulayay Mashruucii Sonkorta ee Jubba.

Galeydh waxa uu sanadkii 2000 noqday xildhibaan, iyada oo uu isla waqtigaas noqday Raysal Wasaarihii ugu horeeyay ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cali Khaliif Galaydh waxaa 2014-kii loo doortay Madaxweynaha Maamulkii Khaatumo oo aanay DowladdII Federalka KMG Soomaaliya ahaydna aqoonsan, tii ka dambeysay ee rasmiga ahayd ee la sameeyay 2012-kiina aanay aqoonsan.

Cali waxa uu dadaal xooggan ku bixiyay in la helo maamul u gaar ah gobolada Sool iyo Sanaag oo ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland, balse markii danbe waxaa uu la heshiiyay Somaliland gaar ahaan xukuumaddii Axmed Siilaanyo, waxaana uu dhintay haatan iyadoo aan la fulin heshiiskii lala galay.

Waxbarashadiisii:

1962-kii ayuu Cali Khaliif Galeydh dhameeyay Dugsigiisii Sare ee Sheekh, oo ka tirsan gobolka Togdheer.

1965-kii, waxa uu Cali dhameeyay Waxbarashadiisii Jaamacadda ee Heerka 1-aad, taas oo uu ku qaatay Jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka.

1969-kii, Cali waxa uu Jaamacadda Syracuse University ee magaalada Newyork, Dalka Mareykanka ku diyaariyay Darajadiisii 2-aad ee Jaamacadda.

1972-kii ayuu Galeydh Ph.D-diisa ku diyaariyay isla Jaamacadda Syracuse University ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku gaadhay aqoonta tacliin maadiya tan ugu sareysa aduunka.

Waayo-aragnimadiisii dhanka Shaqada

1965-1967-kii, Cali Khaliif Galeydh waxa uu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya.

1970-1973-kii, Cali waxa uu ahaa sarkaal ka tirsanaa Machadkii Barashada Maamulka Dowliga ee Somali Institute of Public Administration (SIPA), qeybtiisa Tababarka Cilmi Baarista.

1973-1974-kii ayuu soo ahaa Agaasimaha Guud Machadka Barashada Maamulka Dowliga ah ee  SIPA.

1974-1976-kii waxa uu soo ahaa Agaasimaha Guud ee  Warshaddii Sokorta Jowhar ee SNAI.

1976-1980-kii Cali waxa uu ahaa Guddoomiyaha Fulinta ee Mashruucii Sokorta Jubba.

1980-1982-kii, Cali Khaliif Galeydh waxa uu ahaa Wasiirka Warshadaha  Soomaaliya, xiligaas oo ay si weyn uga socdeen dalka mashruucyo ay ka mid ahaayeen warshadeynta dalka.

1982-1984-kii waxa uu saaxiib fiican la ahaa Xarunta Arrimaha Caalamiga ah ee Jaamacadda Harvard.

1984-1986-kii, Waxa uu sidoo kale lahaa saaxiib fiican ee Xarunta Daraasadaha Bariga Dhexe ee Jaamacadda Harvard.

1986-1989-kii, waxa uu Lataliye u ahaa Shirkado gaar loo leeyahay oo Mareykanka ka jira, Hay’adda Gargaarka ee Mareykanka (USAID), iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Hormarinta .

1989-1991-kii, Galeydh waxa uu Caawiye Professor kasoo ahaa qaar ka mid ah jaamacadaha Mareykanka ku yaala.

1991-1994-kii Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu ahaa Ku Lamaane Professor, qeybta Maamulka Dowliga ah ee Syracuse University ee magaalada Newyork, dalka Mareykanka.

1994-1996-kii, waxa uu Cali ka ahaa Jaamacadda Syracuse University Professor dhiga Maamulka Dowliga ah iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Xigasho: Mustaqbal MediaTaariikh Nololeedkii marxuum Prof. Cali Khaliif Gallaydh oo Jigjiga ku geeriyooday.

Shirar badan oo aayo-ka-tashi ah ayuu ka soo qeyb qaatay oo ay ka mid ahaayeen kii 1991 ka dhacay Burco iyo midkii 1993kii lagu qabtay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Xigasho: Mustaqbal Media

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g