Skip to main content

Maxaa ku cusbaa shirweynihii xisbiga Kulmiye hargeysa ku qabsaday

 Tisaaad- Maxaa ku cusbaa Shirweynaha afraad ee KULMIYE?


Hargeysa -- Waxyaabihii ku cusba shirweynaha afraad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa waxaa  kow ka ahaa ka qayb galka weftiyo kala duwan oo ka socday dalalka deriska, gaar ahaan dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, iyada oo dalka Itoobi uu ka socday wefti heer xisbi iyo heer wasiir ah, halka uu dalka Jabuutina uu ka socday wefti shirka ka qayb galay.



Ka qayb galayaasha shiweynaha xisbiga KULMIYE oo isugu jiray Ergooyin, marti sharafta, warbaahinta, iyo hawl waddeenada xisbiga KULMIYE oo dhammaantood laga baadhay xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, waxaana heegan ahaa hawl wadeeno caafimaad oo hubinayay badqabka caafimaad ee dadka gelayay hoolka uu ka socday shirweynaha afraad ee xisbiga KULMIYE.


Guud ahaan saddexda maalmood ee shirku socday ayuu jawigiisu ahaa mid ay habsami ay u daadihinayeen xubnaha shirguddoonku laguna hagayay hannaan Dimuquraadi ah oo waafaqsan xeerka xisbiga iyo shuruucda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.


Shirweynaha afraad ee xisbiga KULMIYE ayaa lagu ansixiyay kuraastii ugu badneyd ee haween ku yeeshaan golaha dhexe ee xisbiyada Qaranka, iyada oo xisbiga KULMIEYE shirweynihiisa afraad ku ansixiyay in gobol kasta haweenku yeeshaan boqolkiiba labaatan xubnaha golaha dhexe (20%).


Sidoo kale, waxa Shirweynuhu isbedel ku sameeyey qaabka uu ku imanayo xoghayaha guud ee xisbiga oo markii hore kamid noqon jiray hoggaanka Xisbiga, hase yeeshee hadda ku imanaya hab magacaabis ah.


Waana shirweynihii xisbi qaran ee ugu horreeyay ee xubno isu tanaasulay ay ka wada qayb galeen shirweynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE,ayay isu tanaasuleen Madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil iyo wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Somaliland Maxamuud Maxamed Xasan Saajin iyadoo Madaxweyne ku xigeenku uu ballan qaaday in uu dhisi doono wasiirka uu u tanaasulay.


Xigasho:- khadar horyaal

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida ...

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash...

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi  Abdinasir Muhumed Hassan Buuni Waa siyaasi Qunyar socod ah kaasi oo la soo dabaashay Marxalado siyaasadeed oo kolba dhinac isku rogayay Mar uu Mucaarad ahaa iyo Hada oo uu ka mid yahay Bahda Xukuumada Somaliland Kuwooga aadka isha loogu hayo Marka ay taagan tahay ka hadalka dhanka Warbaahinta  Abdinasir Buuni oo Markii u danbeysay ahaa Afhayeenka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa magacaabistiisu waxa ay sabab u ahayd inuu markiiba caan ka noqdo deegaanada somaliland iyo guud ahaanba marxalada siyaasadeed ee isbadbadalka badnayd  Difaacida Xukuumada Somaliland ayuu hadh iyo habeenba u taagnaa waxayna arintaasi meesha ka saartay in Gabi ahaanba dhaliisha xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyagoona Ninkaasi ku tilmaameen inuu ku yahay Laf dhuun gashay oo meel loo dhaafi karaaba jirin Xaalku waxa uu Gaadhay Buuni iyo Mucaaradka inay iskugu soo hadhaan Fagaaraha ka had...