Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah