Skip to main content

Qaar kamida Suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Boorama oo si ula kac ah meel uga dhacay Mid kamida Ururada saxaafadeed ee gobolka Awdal ugu caansan

Tisqaadmedia( Boorama ) Wariyaal si ula kac ah u badalay magaca ururka suxufiyiinta madaxa banaan ee gobolada galbeedka


Ururka magaciisu yahay Awdal Salal independence journalist association loon soo gaabiyo ASIJA ayaa waxa aasaaskiisa lahaa Qaar kamida suxufiyiinta ka hawl gala gobolada galbeedka ujeedka loo aasaasayna waxa uu ahaa in , Suxufiga Lawyacado Jooga ilaa ka Gebilay jooga uu mideeyo se aanu ku koobnaan gobolka Awdal taa badalkeegana uu noqdo urur saxaafadeed ka shaqeeya wadajirka midnimada bahda saxaafada gobolada galbeedka somaliland




Waxaase ayaan daro ah misena ceeb ku ah saxaafada gobolka Awdal inay magacii Ururka ASIJA ku badaleen urur ay ku magacaabeen ARIJA taasina waxay u muuqataa arin lagu wiiqayo hadafka midnimada wadajirka saxaafadeed ee galbeedka somaliland Ururka ASIJA waxa uu mar labaad bulshada ku wargelinayaa inuu yahay ururka Xaqa ah Suxufiyiinta madaxa banaan ee gobolada galbeedka Wixii intaas ka soo hadhaana noqonayso ASIJA diid

Asija waxa la aasaasay daba yaaqadii sanadkii dhamaaday ee 2020 halka ururka lagu xumaynayo magaca ASIJAna maanta boorama lagaga dhawaaqay , suxufiyiinta arinkaas ku kacdayna aanay ka fiirsan ku dhawaaqista magacan cusub waxaanay arintani keenaysaa in sharciga lagu kala bixi doono

Maadaama ururkan cusubi yahay magicii ASIJA oo si dadban loo badalay .

Gudoomiyaha ASIJA
Suxufi Ishqi

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g