Skip to main content

Maxaad ka taqaan Salaanta gaarka ah ee Madaxweyne Farmaanjo sida joogtada ah bulshada kula macaamilo

 Madaxweynaha Somalia Maxamed Abdilaahi Farmaanjo oo muda xileedkiisu dhamaaday sanadkii 2021 ayaa haatan waxa u buuxsantay sanadkii shanaad ee uu xilka hayo 

Mudada uu talinayay Farmaanjo waxa laga bartay caadooyin iyo dhaqamo aan hore looga arag siyaasiyiinta kale e soomaalida , kuwaasi oo ay kaw ka tahay dhismaha ciidanka qaranka iyo dib usoo celinta qabkii soomaalida lagu yaqaanay intaasi oo ay u dheertahay hab dhaqanka uu ula macaamilo dalalka shisheeye


Hadaba Macduucani waxaanu diirada ku saari doonaa  qaabka uu madaxweyne farmaanjo u bixiyo salaanta mararka uu safarka ku baxayo , kulamada madaxda caalamka iyo siyaasiyiinta soomaalida xataa marka uu ka qayb galayo  munaasabadaha kala duwan Madaxweyne farmaanjo ayaa waxa uu caado ka dhigtay Nooc salaan isaga gaar ah oo aanay cid kale la wadaagin taasi oo soo jiidatay indhaha shacabka Somaaliyeed ,  dadka indha indheeya arimaha siyaasada ayaa salaanta uu adeegsado madaxweyne farmaanjo ku tilmaamay Mid muujinaysa qabka iyo kalsoonida uu naftiisa ku qabo  , 

Sawirada ka muuqda muqaalka ayaa waxa ay iskugu jiraan kuwo dalalka dibada iyo kuwo dalka gudihiisa islamarkaana si isku mida madaxweynuhu u adeegsanayo salaantan soo jiidashada leh Boorama cable ayaa mudo badan baadhitaan ku waday habkan uu farmaanjo dadka ku salaamo inay tahay wakhti kaliya ku kooban hase ahaatee waxaanu soo xaqiijinay salaantani ay weheliso dhoola cdayntu tahay mid madaxweynuhu cid walba kula dhaqmo amase kula macaamilo 

Waxaana xusid mudan inta uu bilawday xanuunkan karoonuhu waxa gabi ahaanba meesha ka baxday habkii labada gacmood la isku salaami jiray taa badalkeegana dusha sare la iska wado salaamo , laakiin madaxweyne farmaanjo waxa u noqday mid salaanta u badalay tani sawirka ka muuqata , inkastoo salaantan madaxweynuhu adeegsado dad badani ku macneyeen  inay tahay mid ay dhaqan ahaan aad u isticmaalaan dadka hindada ah 


Daawo Warbixintan Oo Muuqaal ah 


Waxa Qoray oo diyaariyay Wariye Nuux Xaaji Cumar 


Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g