Skip to main content

Posts

WAAR MASHAARIICDA QAAR LAGA QUUSTAA JIREE MIYAAD QORSHE KALE QAABAYN KARI WAYDEEN ? QORMO XASAASI AH

  In dhow ba waxaan la soconaa kooxo danaynaya Abuuritaanka kooxo lidi ku ah qaranka JSL gaar ahaan Degmada Boorama .    Kooxahaasi waxay si aad ah waliba u danaynayaan in galbeedka Boorama waxoogaa mashruuca ka dilaaciyaan .   Isku day yada ilaa imika la sameeyay waxa ka mid ah ee bilahan January February 1) Waxa lasoo tuuray warka ah in galbeedka magaalada gaar ahaan aaga cunaqabad hawlo laga jab hada laga bilaabay , se wax jira lasoo waayay .   2) waxa talaabadii 2aad hadana la beegsaday mid ka mida dadwayne ka cabanayay khasaare kasoo gaadhay Master plan ka Boorama mid ka mida oo qurba joog ahaa , qurba joogtii kale ee london ay ka wada yimaadeen lama beegsan , sida uu ii xaqiijiyayna waxa uu ii sheegay in kiisas kale loo haysto    3) waxa iyadna aan maqlaynay in habeenkii bisha 4 teedii in qolo wali aqoonsigooda ayna laamaha amniga iyo maamulka Boorama inala wadaagin in ay rasaas ka rideen xaafada shacabka Boorama , waxaan subaxnimadii ...
Recent posts

Muuse Biixi oo soo saaray Liiska Guddiga Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal kana Kooban 24 Xubnood !

Kadiye Media : Muuse Biixi oo soo saaray Liiska Guddiga Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal kana Kooban 24 Xubnood ! Gudoomiyaha Ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse biixi Cabdi ayaa soo saaray amase magacaabay Guddiga Ololaha doorashooyinka Xisbigaasi gaar ahaan Gobolka awdal Xubnaha Gudigaasi ayaa ka kooban 24 Xubnood oo iskugu jira Rag iyo haween waxaana Gudoomiye looga dhigay Siyaasi ruug cadaa Wasiir Axmed xaaji daahir Cilmi oo lagu xasuusto heerkii ololihiisa doorasho uu gaadhsiisanaa sanadkii 2010 xiligaasina uu raacsanaa Madaxweynihii Hore ee somaliland Dahir rayaale Kaahin Xubnahan waxa ku jira rag siyaasiyiin ah oo kaalin laxaadleh  kaga qayb qaadan doona Ololaha doorashooyinka somaliland ee sanadkan

Hadii aad Tahay Qof ku xidhan Wariye Nuux kadiye waa Muhiim inaad Akhrido Qoraalkan oo ku saabsan Macluumaadka uu Asxaabtiisa la Wadaago!

Kadiye Media :   Nuxurka Qoraalkani waxa uu yahay inaanan Qofna la qancin karin hadii aad qancisana ku kale ayaa kaaga baahan inaad qanciso Labada Dhinac bal ila eeg Muuqaalo kala duwan ayaa soo dhigay Bartaydan Facebook Midi wuxuu ahaa 1: ree Awdal haka tashadaan Somaliland iyo Somalia oo dantooda haka fikiraan intii ay labadaasi maamul ku daba jiri lahaayeen  Muuqaalka Wariye Nuux kadiye kaga hadlay Danaha shacabka Awdal ee dadbadani saluugeen qaabka ka hadalka Arintani iyaga oo inta badan dadka ku xidhan wariye nuux kadiye u arkeen mid qaranimada soomaliland waxyeelaya oo dad kicin u badan taasi oo dhinaca kale shacabka Gobolka Awdal iyo kuwo kale oo Soomaalidaa kale kamida ah ay muuqaalkani si wayn u mahadiyeen una soo dhaweeyeen iyaga oo u arkay in dantoodu ku jirto in ay ka tashadaan Soomaliland iyo Soomaaliyaba Daawo Muuqalkan Muuqaalka kalena waxuu ahaa 2: Kuwa caadifadaysan ee Somaliland neceb jiritaankeeda ha iskaga Guuraan maadaama soomaliland tahay wa...

Soomaalidu Wakhti Hore waxay ahaayeen Qoys laakiin waxa kala Geeyay Gumeystayaal reer Galbeeda kadib markii Africa la soo galay

Kadiye Media Sida aan ka wada warqabno dadka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen intooda badan dad Xoolodhaqato ah,kuwaas oo dhaqdo Sedexda nooc ee Xoolaha ee ay Maantaba dhaqdaan,Waxa ayna Xoolahooda u daaq geyn jireen meel alaale iyo meeshii uu roob ka da’o oo ka tirsan dhulka ay Soomaalidu ka degto Geeska Africa Iyada oo aysan jirin wax soohdin ah oo kala celisa. Sida ay sheegaan Taariikhyadanadu, Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad sida Hal qoys oo kale ah, maadaama Diin, dhalasho iyo dhaqan ahaanba wadaagaan waana sababta keentay in aysan ilaa Maanta aqoonsan xaduud beenaadkii uu sameeyey Gumeystihii, halkaas oo dhulkii midka ahaa u qeybiyey ilaa Shan qeybood sida Koonfur, Waqooyi oo Somaliland ah, Jabuuti Soomaali-galbeed iyo NDF Sida aadba ka dhegeysan doontaa Video-yadan soo socda degaanada ay Soomaalidu ka degto Geeska Africa waxa ay ahaayeen mid inta aysan imaan Nimankii reer Yurub mana jirin wax soohdin ah oo u dhaxaysay dadka Soomaaliyeed,mana jirin wax la yiraahdo Koonfu...

Shacabka Ree Awdal garoon diyaaradeed ma yeelan doonaanmise Madaarka Hargeysa ayay adeegsan doonaan?

Kadiye Media :Madaar ama Garoon diyaaradeed ayaa ah mid lagama maarmaan u ah bulsho kasta oo dacalada dunida ku kala firiqsan iyadoona madaarku uu sahlayo waxyaabo kala duwan oo lagama maarmaan u ah bulsha kasta Deegaano farabadan oo ku yaala dhulka soomaaliyeed ayaa ah kuwo leh garoomo diyaaradeed waxna laga dhoofiyo lagalana soo dagi karo dadkana u sahlaya inay si fudud ugu safraan kuna tagaan halka ay rabaan Dulucda faaladan koobani ayaa ah mid salka ku haysa su,aalo dhawra oo ay is waydiinayaan shacabka ku dhaqan gobolada Awdal iyo salal su,aashaasina waxa ay tahay Shacabka Ree Awdal garoon diyaaradeed ma yeelan doonaan mise Madaarka Hargeysa ayay adeegsan doonaan? Hadaba Magaalada boorama ee xarunta gobolka Awdal waxa ku yaala madaar ama garoon diyaaradeed oo lagu magacaabo Aden isaaq Axmed wuxuuna garoonkaasi ku yaalaa meel ka baxsan magaalada gudeheega mudo 10 sano ka hor waxa uu madaarkaasi ahaa mid si caadiya u shaqayn jiray bulshaduna kala soo degi jireen badeeca...

Dhulka danta Guud oo Ganacsato laga iibiyaa ama Dawladuba dhisto saw Bulshada Faaido usoo kordhin mayso ?

Kadiye Media Waxa jira boqolaal dhul dan guud oo ay dawladu maamusho amase gacanteeda ku jira kuwaasi oo ah hanti qaran oo ma guurto ah mustaqbalkana hadii loo baahdo laga dhisi karo Xarumo waxbarasho, Caafimaad, wershado ama sidoo kale xarumo dawladu leedahay Hadaba waxa jira  dhul danguud oo dawladu maamusho masuulna ka tahay kuwaasoo 20sano ahaa meelo banaan dawladuna awoodi wayday inay dhisto kuwaasoo markii danbe laga iibiyay ganacsato ama maaql qabeeno caana kuna soo kordhiyay waxqabad bulshada iyo dalkuba ay ka manaafacaysteen dhulkaasi la iibiyay waxa uu horseeday bilic , shaqo abuur dadkuna ay mahadiyeen maxaa yeelay ganacsatadu ama maal qabeenadu waa kuwa ka qayb qaadan karo dhismaha iyo horumarka dalka maadaama ay bulshada kusoo kordhinayaan ganacsiyo iyo waxyaabo kale Fikir ahaan waxa ay ila tahay in dhulka danta guud laga iibiyo Ganacsatada ama shaqsiyaadka kale si ay goobahaa la iibiyay u qurxiyaan uguna soo kordhiyaan wax bulshada iyo dalkaba manfac u leh wa...

Xadhiga Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon Muxuu Salka ku Hayaa ?

Kadiye Media- --Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo kamida Wariyayaasha caanka ka ah Geyiga soomaalidu Degto islamarkaana ka soo Jeeda Gobolka Togdheer caasimadiisa Burco ayaa waxa maanta xadhig loogu geystay Magaalada Hargeysa kadib markii uu safar ku tagay magaalada Muqdisho Hadaba cabdimaalik sheekh Muuse Coldoon ayaa waxa uu caan ku yahay u samafalka dadka danyarta ah iyo kuwooga dhibaatadu haysto ayaa waxa uu xadhigiisa salka ku hayaa kadib markii uu dhawaan ka dagay magaalada Muqdisho isaga oo taageero u muujiyay madaxweynaha Cusub ee soomaaliya maxamed cabdilaahi farmaanjo taageeradaasi ayaa noqotay mid uu kusoo bandhigayay baraha bulshada isaga oo markastana soo gudbinayay xaaladihii ugu danbeeyay ee doorashada soomaaliya iyo taageerada uu u hayay madaxweyne farmaanjo cabdimaalik coldoon ayaa markii uu guuleystay madaxweyne farmaanjo dareenkiisa ku cabiray inuu magaalada muqdisho kaga qayb galo dabaaldagyada iyo farxadii ka dhalatay guushii uu Madaxweynaha cusub ee soo...