Skip to main content

Posts

Showing posts from 2021

Boorama xiliga Jiilaalka waxay noqotaa magaalo qabaw badan

 Bisha December ee sanadkastaa waxay Boorama u tahay xili qabaw darani soo dhaco taasoo sababta in xataa biyuhu ay fadhiistaan oo barafoobaan iyadoona bishaasi tahay xili jiilaal ah  Qabawga badan ee bishaasi mararka qaar ayay dadku ugu yeedhaan dhaxantii dameeraha laynaysay, isbadalka cimiladaasi qabaw ayaa waxay saamayn isku mid ah ku yeelaataa bulshada kuwooga ladan iyo kuwa danyarta ah , inkastoo mid kastaa dhankiisa diyaar garaw sameeyo ka hor inta aan la gaadhin December , dadku waxay iibsadaan dharka dhaxanta looga gaashaanto sida bustayaal , koodhadh iyo funaanado xataa mararka qaar dadka awoodaa waxay heli karaan agabka electronicga ee biyaha lagu diiriyo amase gurigaba diirimaad ka dhiga  Hadaba ujeedka qoraalkaygu maaha ka sheekaynta jawiga bishaasi ay gaarka u leedahay balse waxa jira dad u baahan in la xasuusto inta lagu guda jiro qaboobaha ka dhaca magaalada Boorama  kuwaasi oo ah danyarta siiba caruurta , darbijiifta , iyo kuwa xiska ka xanuunsan ee magaalada dhexdeeda k

Tababar ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta garyaqaanada gobolada galbeedka somaliland oo Boorama ka furmay

  Tababar ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta garyaqaanada gobolada galbeedka somaliland oo Boorama ka furmay

Wariyihii warbixintiisu badashay nolosha qoys danyar ah oo Boorama ku nool

Waxaan halkan ka bogaadinayaa Saaxiibkay wariye Saxafi Wacays Yare runtii hawl uu bilawgeedii sameeyay ayaanu aragnay natiijadii ka dhalatay , wacays wuxuu ahaa saxafigii ugu horeeyay ee warbixinta ka soo sameeyay Gabadhaas yar ee siman xili shaqo adag ku qabanaysay magaalada Boorama , warbixintii uu ka gudbiyay xaalada siman waxay badashay nolosheedii iyo mida qoyskeegaba . Waxbarasho ayay heshay , guri ayaa loo dhisay , maantoo ugu danbaysayna gaadhi bajaaj ayaa loo iibiyay qoyska si ay masaariifta ugala soo baxaan Taasi waxay ku tusaysaa saamaynta Social media leeyahay waana ta sababtay nolosha qofkan inay waji kale u yeesho Saxafi Cabdilaahi Daahir Wacays guuleyso hawshana halkaasi ka sii wad illaahay miisaanka xasanaadka hakugu daro Bilad sharaf ayaad mudan tahay Nuux Kadiye ayaa qoray

Markii ugu horeysay Taariikhda deegaanada Soomaalida waxa jaamacada Adal ee Boorama ka qalinjabisay Arday Baratay caafimaadka Indhaha

 Markii ugu horeysay Taariikhda deegaanada Soomaalida waxa jaamacada Adal ee Boorama ka qalinjabisay Arday Baratay caafimaadka Indhaha 

Siyaasiyiinta Somalia maxay ka baran karaan siyaasiyiinta somaliland hab dhaqankooga

Muhimadda Iskaashiga Bulshada ee Toosinta iyo Sixitaanka Himilada Qaranka. W/Q:- Maxamed-Sadiiq Xaaji Yuusuf Dubad

Somaliland waa dal Muslima oo dimuqraadi ah. Taas macnaheedu waxay tahay inta Illaahay kasokaysa dadwaynaha ayaa iska leh awooda kamadanbaysta ah ee siyaasadeed. Nidaamkaa dimuqraadiga ahina waxa uu difaac ka yahay in uu si sahlan ku samaysmo nidaamka kaligii talisku. 

Way Timid Maalinteennii 12 Sano Aynu Sugaynay: Laba Xaaladood oo Kala Duwan!! Waxa qoray Qoraa Abdirisaaq sandheere

Sawirkani waa aniga iyo Hooyaday Layla Axmed. Waa Dorraad ( 12 Sept. 2021) iyo qalinjebintaydii Jaamacadda Cammuud. Muuqaalku waa farxad farxad kale ku lammaan. Halgan nololeed iyo hammi hirgalay ayuu muujinayaa. Waa xaalad gaar ah, qalinka kuma muujin karo dareenka uu gudbinayo. Sawirka iyo turjumaaddiisu waxa ay igu xanxantaynayaan ama i xasuusinayaan maalin aan sii fogayn oo xaalad kale iyo goob kale aannu aniga iyo Hooyaday wada joognay. Waa dhammaadkii sannadkii 2008dii. Waa aniga iyo Hooyaday. Aroor hore ayaannu aqal Soomaaligayagii ka toosnay, laxooxdii ayay dubtay, dhawr xabbo oo qallalan ayaan cunnay. Sacihii aannu shaaha ku caddaysan jirnay ayaan ka maalnay. Aniga iyo hooyo waxaannu u baxaynaa Magaalo, oo qorshuhu wuxuu ahaa aniga in magaalo aroortaas la i geeyo. Dhawr calal oo hun ah ayaan bac yar ku ritay, hooyana way lammaanayd oo gabadh yar ayay xanbaarsanayd. Waannu diyaargarawnay. Waxa aannu tagnay Istaanka caanaha laga qaado ee tuuladayada Qorijabka ( Oogada, Madarka).

Eng Xasan wuxuu la nool yahay bulsho aan ogayn hibadiisa naadirka ah

 Eng Xasan waraabe waa wiil hal abuur leh xaqiiqdii wuxuu waayay dadkii ka faaidaysan lahaa khibradiisa curinta cajiibka leh  Xasan wuxuu sameeyay fikiro dhawr ah oo maskaxdiisa ka soo maaxay kuwaasoo qaarkood laga manaafacaadsan karo laakiin cid dhiirigalisa oo gacan qabata ma helin  Mida kale ganacsatada gobolka Awdal iyo bulshaduba waxay noqdeen kuwa aan ishoodu qaban dadkooga hibada iyo hal abuurka illaahay ku manaystay  ● Wuxuu sameeyay  qalab loogu talagalay goobaha baro kantaroolada ku yaalaan ama albaabada hotelada lagu xidhi karo si Automatically ayuu u shaqaynayaa halkii albaabku mar walba birta laga qaadi lahaa ● Wuxuu hirgaliyay agabka ka hortaga fayraska corana waa meel muraayad leh oo qofku dhex marayo isaga oo iska buufinaya fayraska dharkiisa saaran ama la socda ●Curintiisa cusubina Waa dinisoor uu gacantiisa ku farsameeyay dhaq dhaqaaq ayay samaynaysaa waa cajiib Qiimee qofkaaga si aad qiimo u yeelato Nuux Kadiye

Haddii ay daan idinku ka qayb qaadan Magaaladu Nadiif noqon Mayso " Maayarka Boorama.

 

Xildhibaan Ficilo cajiiba ka sameeyay magaalada Boorama xili lagu guda jiray ololaha nadaafada

Boorama oo maalinta sabtida isku soo bixi doonta iyo Maayarka oo baaq bulshada usoo diray

 

Sheekhul baladka Somaliland Sheekh Cabdilaahi sheekh cali jawhar oo tagay masjid Harawa

 

Dhalinyar ku dhawaaqay urur hadal hayn ka abuuray bulshada Somaliland

  108916101351424_108916118018089

Xitaa Warka Sugan Wuxu U Baahanyahay Xaqiijin

Bilowga Qisada Nebi Suleymaan {CS} Ee Suuratu-Namli Waxay ina Baraysaa Anshaxa Wanaagsan Ee Warbaahinta, Kormeer Uu Ku Sameeyey Shimbiraha ayuu Ka Dhex Waayey Hud-hud, Kadibna Waxa Uu Balanqaaday in Uu Ciqaabidoono Hadii Keeni-waayo Cadayn Ku Sahabsan Waxa Uu Ku Maqanyahay, (Accuracy):- Wax yar Kadib Markii Uu Yimiday Hud-hudku Waxa Uu Ku Wargeliyey Nebiga {CS} in Uu Ka Yimid Saba oo Uu Ka Sido WAR-SUGAN, Waxa Uuna Intaasi Ku Daray Faallo Ku Sahabsan Waxa Uu Soo Arkay, (Verification):- Suleymaan {CS} isla Markiiba Ma Qaadan Go'aan Ku Aaden Warka Sugan Ee Wuxu Bilaabay inuu iska Xaqiijiyo, Wuxuna Ku Yidhi Waan Eegi-doonaa in aad Run Sheegayso iyo in aad Been Sheegayso, Kadibna Waaka Kitaabka U Dhiibay Sidaa Lagu Helay Warka Saxda ah Ee La Xidhiidha Reer-Saba, OGOW, Sugnaanta Warka iyo Xaqiijinta Xogtu Waa Laba Tiir oo Ka Mid ah Mabaadi'da Aasaasiga ah Ee Anshaxa Saxaafada.......... Warka Sugan Socon-maayo Hadii aan La Xaqiijin Xogta Ku Jirta, Suurada Xujraat Laftarkeedu Waxay in

Wuxuu ahaa Dil Foox xun oo ay ka Argagaxeen shacabka Boorama

 

Qaabkuu u dhacay Dilka Ardaygii Askarigu Boorama ku toogtay , Jaamacada Amoud maxay ka tidhi

 

Siyaasi Ruush oo soo bandhigay sababihii dhalinyarada Boorama ku kalifay inay calanka Somalia qaataan

   

Oday Xareed oo kamida xildhibaanada golaha guurtida somaliland deegan ahaana Awdal ka soo jeeda waxa uu si aan ka gabasho lahayn runta ugu sheegay beesha isaaq

 

Maayarka cusub ee Boorama ayaa shaqada dawlada hoose ka bilaabay halkii uu shacabka ugu shaqayn lahaa oo ah xarunta

 

Faalo uu Qoray Khadar Mohamed oo la xidhiidha arinta calanka somalia

  Reer Hargeysa Oohinta Aad La Ooyeysaan Calanka Boorama Caruurtu Ku Qaadatay . Cabdi Xaashiga Muqdisho Jooga Ee Mujaahidka Ah Iyo Dr Beylaha Maaliyada Ee Muqdisho Jooga Ee isna Cadow Aad Leedihiin Markaan Dhuuxno Dee Mooyi Waxaad U Jeedaan Tigree Oo 5 Million ayaa Baacsanaya Amxaaro 30 malyuun ah Halkaasina Ku Darsoo Iidoorka Sadexda Magaalo Degan Hadaan Ku Yaacno Eebe ayaa Og Waxaan Ina Kala Gaadhi Ee Ilmaadeerayaal Inta Aduunka La Laabayo Ixtiraam,Walaalnimo iyo Islaanimo Aan Ku Wada Joogno.. Wa bilaahi tawfiiq !!!! Khadar Mohamed  

Gobonimo?Xorriyad ? Siyaasi Ruush ayaa qoray

Kuwii shalay wax ku bartay cashuurtii ummadii Soomaaliyeed, kuwii wax ku noqday, shaqo ku helay,kana faa'iiday jiritaankii dowladdii Soomaaliyeed. Kuwii deeqaha caalamiga ah iyo cashuurtii ummada Soomaaliyeed loogu dhisay dekedo, airports, iyo wadooyinka. Kuwii dhaqaale ahaan loo kool koolin jiray, haday noqoto cashuur dhaafyo, iyo haday noqoto hirgalintii Hargaysa laga hirgaliyey bangigii amaahda ee Soomaaliya,oo ganacsato badani ka taajirtay. Kuwii lahaa xilalka wasiiradii ugu tunka waynaa, ayaa hadana ahaa kuwii ugu cabashada badnaa,odhanjirayna waxbaa naga maqan, ayaa hadana ahaa kuwii saluugay dowladii ummada Soomaaliyeed oo ay tiro ahaana ka ahaayeen 7% to 10%, waxay waxaa loo sameeyey oo dhana ku sheegi jireen dulmi iyo cadaalad darro! Waxay samaysteen, jabhad bilaa ujeeda ah, oo bilaa ajendayaala,nasiib wanaag dowladii waxay ka dhacday Xamar iyaga oo isasoo dhiibaya. #Isla kuwaasi oo dowladd sheeganaya ayaa doonaya inay ciqaabaan caruur waalidkoodii ku tabceen oo ay waxbar

Waxaan la yaabanahay ninka ree Awdala ee marka uu kantaroolka Boorama dhaafo xiniinyaha la soo baxa

 

Waala is xisaabinayaa maalinba talaabada aad qaado waala qorayaa wasiir Cumar dheere oo xildhibaanada Boorama la dardaarmay

 

Waa lagu qasban yahay in lala shaqeeyo Maayarka iyo ku xigeenkiisa wasiir Seed

 

Wasiir Maxamuud saajin oo qado sharaf u sameeyay xildhibaanada golaha deegaanka Boorama wuxuuna soo jeediyay in Maayarka lala shaqeeyo

 

Maxamed Abiib ma u qalmaa in la doorto ?

  Ree Awdal waxaan kula talin lahaa iyadoon qabiil loo eegin inay doortaan una codeeyaan Musharax Maxamed Abiib Waa ninka kaliya ee yaqaan halka uu u socdo waa ninka kaliyee xaqa gobolka ka maqan soo ridi kara waa ninka kaliya ee badheedhi kara Waa raga aanu leenahay way dhaami doonaan nimankii 15ka sano waxba inoo qaban waayay Maxamed waa waayo arag waa siyaasi aan ogahay inaanu jirin mid isaga la mida Waar Gadabuursoow Maxamed waa kii aad ku hamiyayseen inuu mar uun mugdiga siyaasaded inaga saari lahaa

Madaxweyne ku xigeenka somaliland iyo wufuud wasiiro ah oo gaadhay deegaanada Boon , Qun-u jeed

 

Musharaxiinta isku sidkan ee Muuse fiin iyo baha faroole oo munaasabad balaadhan loogu sameeyay magaalada Boorama

 

Boorama uma baahna shaqsi ka shaqaysta balse waxay u baahan tahay Qof u shaqeeya, Musharax Ahmed aw-aadan oo xafiisyo ka furtay xaafada sheekh cali jawhar

 

Maxamed Abiib waa siyaasiga kaliyee xaqa u leh inay shacabka Awdal codkooga u siiyaan iyadoon qabiil ahaana loo eegayn

 

Xildhibaan Musharax Maryan Geelle oo laba xafiis ka furtay xaafada siteega Boorama

 

Musharaxiinta beesha ree Axamed uga sharaxan xisbiga Kulmiye oo xafiisyo ka furtay xaafada sheekh cali jawhar

 

Musharaxiinta isku sidkan ee beesha ree dudub uga sharaxan xisbiga Kulmiye ayaa soo dhawayno diiran kala kulmay deegaanada galbeedka iyo waqooyiga Boorama

 

Haweenay musharaxad ah oo hadal yaab leh kala kulantay odayaal ay u sheegtay inay u sharaxan tahay xildhibaan deegaanka Boorama

 

Muxuu yahay Ujeedka safarka Madaxweyne ku xigeen saylici Boorama deg dega ugu yimi

 

Musharaxiinta beelaha Xeeb jire ku matali doona baarlamaanka iyo deegaanka gobolka Awdal oo xafiisyadii ololaha boorama ka furtay

 

Musharixii ugu horeeyay gobolka Awdal ee xadhiga ka jara xafiisyada uu ku ololeyn doono

 

Xisbiga Kulmiye oo magaalada Boorama musharaxiinta uga qayb galaya doorashooyinka Baarlamaanka iyo Deegaanka

 Tisqaad ( Boorama )  Xisbiga Kulmiye oo si wayn iskugu abaabulaya gobolka Awdal iyo waftigii ugu cuslaa oo Boorama soo gaadhay madaxweyne ku xigeenka afar wasiir iyo afhayeen xisbiga Kulmiye ayaa kulan la yeeshay musharaxiinta xisbiga ku matali doona baarlamaanka iyo deegaanka gobolka Awdal

Qaar kamida Suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Boorama oo si ula kac ah meel uga dhacay Mid kamida Ururada saxaafadeed ee gobolka Awdal ugu caansan

Tisqaadmedia( Boorama ) Wariyaal si ula kac ah u badalay magaca ururka suxufiyiinta madaxa banaan ee gobolada galbeedka Ururka magaciisu yahay Awdal Salal independence journalist association loon soo gaabiyo ASIJA ayaa waxa aasaaskiisa lahaa Qaar kamida suxufiyiinta ka hawl gala gobolada galbeedka ujeedka loo aasaasayna waxa uu ahaa in , Suxufiga Lawyacado Jooga ilaa ka Gebilay jooga uu mideeyo se aanu ku koobnaan gobolka Awdal taa badalkeegana uu noqdo urur saxaafadeed ka shaqeeya wadajirka midnimada bahda saxaafada gobolada galbeedka somaliland Waxaase ayaan daro ah misena ceeb ku ah saxaafada gobolka Awdal inay magacii Ururka ASIJA ku badaleen urur ay ku magacaabeen ARIJA taasina waxay u muuqataa arin lagu wiiqayo hadafka midnimada wadajirka saxaafadeed ee galbeedka somaliland Ururka ASIJA waxa uu mar labaad bulshada

Cabdilaahi Xuseen caateeye oo loolan culus kala kulmay rag kula tartamayay musharaxnimada xildhibaan ee golaha deegaanka Boorama

 Tisqaadmedia ( Boorama ) Musharaxa xisbiga kulmiye ku matali doona golaha deegaanka Boorama oo beeshiisa ka helay cod aqlabiyad leh Ninkani waxa la yidhaa Cabdilaahi Xuseen caateeye waa mid kamida dhalinyarada boorama ugu caansan sidoo kale cabdilaahi waa madaxa mashruuca maamul daadajinta dawlada hoose Cabdilaahi ayaa waxa uu hankiisu ahaa inuu isku so sharaxo xildhibaan golaha deegaanka boorama balse waxa markiiba ka hor yimid duufaano hor leh oo caqabad ku noqotay hankiisa siyaasadeed , wuxuu la kulmay loolan iyo tartan adag se ugu danbayn wuu ka soo dabaashay xayndaabka beeshiisa doorasho iyo codbixin dhex martay isaga iyo ragii damacu ku jiray waxay ay keentay in cabdilaahi xuseen noqdo musharaxa xildhibaan xisbiga kulmiye golaha deegaanka caasimada boorama

Deeq lacageed iyo Agab kala duwan oo la soo gaadhsiiyay dadka araga naafada ka ah ee Boorama iyo Maayar saleebaan oo balan qaad u sameeyay dadkaasi

 Tisqaadmedia( Boorama ) Deeq lacageed iyo Agab kala duwan oo la soo gaadhsiiyay dadka araga naafada ka ah ee Boorama iyo Maayar saleebaan oo balan qaad u sameeyay dadkaasi

Eng Maango oo iska soo sharaxay xisbiga waddani doorashada golayaasha deegaanka Boorama

 

Qaar kamida Culumada Hargeysa ayaa magaalada berbera shahaado sharaf ku gudoonsiiyay Maayarka magaaladaasi

 Tisqaadmedia ( Boorama )  Duqa Barbara Oo Shahaado Ka Gudoomay SH Maxamuud Naxwe Oo Culimada Dalka Ka Tirsan

Guddiga Qandaraasyada soomaliland oo soo indho indheeyay mashaariic tiro badan oo ka socota gobolka Awdal caasimadiisa Boorama

 Tisqaadmedia ( Boorama ) Guddiga Qandaraasyada soomaliland oo soo indho indheeyay mashaariic tiro badan oo ka socota gobolka Awdal caasimadiisa Boorama 

Gabadh tacadi xun lagula kacay dadkuna si wayn uga xumaadeen oo hargeysa shaqo fiican ka heshay

 Tisqaad-  Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee jsl oo la kulmay gabadh dhawaan laga duubay muuqaal tacadiya

Xisbiga Kulmiye ayaa wasiir Maxamuud saajin u magaabay Gudoomiyaha guddiga xulista xildhibaanada gobolada Awdal,maroodijeex iyo saaxil

 Tisqaad-  Wasiir Maxamuud saajin ayaa gudoomiye looga dhigay guddiga soo xulista iyo diyaarinta musharaxiinta xildhibaanada golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka gobolada Awdal , Maroodijeex, saaxil iyo deegaanada hoos yimaada

Magaalada Jigjiga oo lagu soo gabagabeeyay shir ujeedkiisu ahaa maalgashiga deegaanada somalida Ethiopia

 TisqaadMedia ( Boorama )  Magaalada Jigjiga oo lagu soo gabagabeeyay shirkii maalgashiga deegaanadaasi

Warbixintan ku daawo Calanka Soomaliya cidii aliftay

 Tisqaad- Calanka Soomaliya iyo warbixin la xidhiidha cidii samaysay

Naxariistii Jano allaha ka waraabiyee waxa Boorama Aasqaran loogu sameeyay Marxuum Ganacsade Xaaji xaamud jibriil oo kamid ahaa Odayaashii Boorama ugu caansanaa

 Tisqaad( Boorama )  Allaha u naxariistee waxa Boorama ku geeriyooday Marxuum Xaamud jibriil faarax oo ahaa ganacsade caan ka ah magaalada marxuumku wuxuu ahaa qof wanaagsan alle ka cabsi badan dadka masaakiintana si xoog leh u caawin jiray wuxuu ahaa qof shaqo badan waxaana lagu xasuusan doonaa inuu ahaa qof ay ku waynayd sadaqo bixinta Illaahay janooyinkiisa haku casuumo eheladii qaraabadii qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan allaha ka siiyo si gaara waxaa uga tacsiyadaynayaa siyaasi Cali xaamud jibriil , Sahra xaamud jibriil iyo dhamaan ilma xaamud jibriil meelkasta oo ay joogaan

Eng- Cabdinaasir Maango oo noqday musharaxii ugu horeeyay gobolka Awdal ee lacag jeebkiisa ku tabarucay arimaha danta guud

 

Waxyaabo dumarku isku qurxiyaan iyo kuwo ay dadku si maalinle u cunaan oo laga sameeyo Doofaarka haragiisa, hilibkiisa ,lafihiisa

  Booramapress ( Boorama ) Warbixin cajiiba oo laga diyaariyay doofaarka iyo waxyaabaha laga farsameeyo iyadoo muuqaal ah hoos ka fiirso