Skip to main content

Beelaha J/Yoonis ee G/Awdal oo cambaareeyay warar deel qaaf ah oo ka been sheegayay masiirka siyaasadeed ee beelaha oo dhawaan la baahiyay.

Bayaankan cambayraynta ah oo ay maanta soo saareen salaaiinta, waxgaradka iyo dhalinyarada beelaha Jibriil Yoonis ee gobolk Awdal ayaa waxa ay ku cambaareeyeen war ay ku tilmaameen been abuur oo lagu daabacay shabakadaha iyo joornaalada maxaliga ah ee kala ah hubaal, oodwayne, Waaheen iyo Ogaal, qormadaas been abuurka ah ayaa waxa ay ka been sheegaysay masiirka siyaasaded ee beelaha J/Yoonis.

Bayaankan Cambaaraynta ah ayaa u qornaa sidan:

Waxa aan aad uga xunahay in laga been abuuro beelaha J/Yoonis isla markaana lagu tilmaamo kuwo masiirkooda siyaasadeed lagu go’aamiyo qoraal been abuur ah oo ay qoreen dad aanan samaha ehel u ahayn isla markaana ujeedadoodu ahayd inay abuuraan muran iyo tuhun soo kala dhex gala beelaha.

Waxa aan cambaaraynaynaa qormooyinkaasi lagu qoray bogaha warbaahinta ee aan soo sheegnay, waxana aan leenahay gabi ahaanba waa mid aan waxba ka jirin oo majaro habaabinaya rabitaanka beelaha iyo mustaqbalkooda siyaasadeed iyo hormarka iyo wadaniyada dhaqanka u ah beelaha J/Yoonis.

Waxa aan sidoo kale cambaaraynaynaa tifaqyo-tir la’aanta warka been abuurka ah ee lagaga been sheegay beesha kaasi oo ay ka dhex muuqdeen in meel lagaga dhacay duqayda dhaqanka ee beelaha, isla markaana gaf kale oo wayn oo ku jiray uu ahaa in qoraalkaas lagu soo saaray magacda AHUN, cuqaal aan maanta noolayn, waxana ay taasi daliil cad u tahay in qoraalkan ay baahiyeen dad aanan aqoon u lahayn beelaha, isla markaana dano gaar ah oo isku dirnimo iyo kala kaxayn ah la damacsanaa beelaha J/Yoonis.

Waxa aan mar kale u sheegaynaa masuuliyiinta ka madaxda ah baraha warbaahinta ee aan soo sheegnay inay ka waantoobaan been abuurka, isla markaana ka saaraan warka beelahan khuseeya ee been abuurka ah barahooda, sidoo kalena ay ka bixiyaan raaligalin,

Waxa ay beelaha J/Yoonis qirsan yihiin ahmiyada uu leeyahay ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta ka jirta dalka, sidaasi aawadeed, waxa aan sheegaynaa inay naga go’an tahay inaan sharciga la tiigsano cid walba oo ka masuul ahayd maqaaladaasi been abuurka , meel ka dhaca iyo deel qaafka ah ee lagaga been sheegay gabi ahaanba beelaha J/Yoonis.


Magacda ku saxeexnaa bayaanka:-
  1. Suldaan Cabdi salaan Maxamed Guray·2 Suldaan Xasan Xaddi3· Cheif Caaqil Barkhad Geeddi Faahiye
    3· Caaqil Daahir Obsiiye
    4· Caaqil Xasan Maydhane
    5· Caaqil Jibriil Aw Siciid
    6· Caaqil Meecaad Carraale
    7· Caaqil Cabdi Cabdilaahi Qayaad
    8· Caaqil Cilmi Cabdi Caddawe
    9· Abibakar Siciid Cali
    10· Mudane Xuseen Cawaale
    11· Faarax Cumar Jibriil
    12·Ibraahim Cilmi Boon
    13· Xuseen Cige Guuled
    14· Cali Daahir Cabdi
    15· Cabdiraxmaan Farax diriwaal
    16· Mustafe Miicaad Allale
    17· Xasan Nuur Allaale
    17· Yuusuf Bashiir Maxmuud
    18· Axmad Maxamud Kayd
    19· Maxamud Awcali Jibiil
    20  Maxamed Rashiid Cige
    ·21 Rashiid Cabdale Saalax
    22· Nuur Xiis Ducaale
    23· Maxamed Cilmi Axmed
    24· Siciid Cabdi Guray
    25· Maxamed Guray Jaamac
    26· Xasan Xadi Axmed
    27· Mustafe Nuur Timacade
    28· Cabdale Farataag
    29· Axmed Muxumed Sacad
    30· Maxamud Cumar Sheekh Ibraahim
    31· Dr. Mooge Urdoox
    32· Cumar Jamac Oday
    33· Cabdirasaaq Mawliid Cali
    34· Sheikh Cilmi Faraax Rooble

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.