Skip to main content

SABABTA AY SALKA KU HAYSO TOOGASHO MACALIN BERBERA WAX KA DHIGAA KU DHAAWACAY GUDDOOMIYAHA WAXBARASHADA GOBOLKA SAAXIL OO AY GURI WADA GALAYEEN

Berbera (BTP)- Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa ka hadlay toogasho ka dhacday magaalada Berbera, taasoo sababtay dhaawaca Guddoomiyihii Waxbarashada gobolka Saaxil Ibraahin Digaale oo mid ka mid ah Macallimiinta deegaankaas oo ay guri wada degganaayeen xabbad kaga dhuftay Bawdada, kaasoo dhaawiciisa loola soo cararay shalay dhinaca Caasimadda Hargeysa.

“Macalinka iyo Guddoomiyuhu isku aqal bay galayeen. Guddoomiyihii waxa loo qaaday Hargeysa oo shalay (dorraad) waxa halkan timi Wasiirka Waxbarahada oo qaadday. Isagiina (Macallinka) waa la qabtay. Markii aan weydiiyey waxa uu u toogtay wuxuu igu yidhi; ‘Tuug baan moodayey oo sidaasaan xabbadda ugu riday’, wixii uu isticmaalayna Baaskoolad bay ahayd.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo xalay Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey sida kiiskaasi u dhacay isagoo Fahmi ku sugan gudaha magaalada Berbera ee xarunta gobolkaas.
Badhasaabka gobolka Saaxil oo hadalkiisa sii watay, ayaa ku dooday in kiiskaasi baadhis ku jiro, isla markaana ay Ciidanka Boolisku Saldhigga Booliska Berbera ku xidheen ninkaas Macallinka ahaa ee Guddoomiyaha toogtay, waxaanu Fahmi oo arrintan ka hadlayaa yidhi; “Laakiin, waxa kiiskiisa gacanta ku haya CID-da oo baadhaysa. Waa Macallin wax ka dhiga Dugsiyada Berbera. Haddana wuxuu ku xidhan yahay Saldhigga Booliska ee magaalada Berbera, kiiskiisana waa la baadhayaa.”
Sidoo kale, Wargeyska Himilo waxa uu Khadka Taleefanka isla xalay kula xidhiidhay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Cabdi Cali, isla markaana waxaannu wax ka weydiinnay toogashadani sidii ay u dhacday iyo sababta ka dambaysay ama ay salka ku haysaa waxay tahay ee uga soo baxay baadhistooda, waxaanu yidhi; “Kiiskaas weli baadhis baa ku socota kamana hor-dhici karo, waxna kaagama sheegi karo illaa ay baadhistu dhammaanayso.”
“Labada nin guri bay wada-galayeen, Macallinkuna wuxuu ka tirsan yahay Macallimiinta gobolka, waanu xidhan yahay oo gacantaannu ku haynaa, Guddoomiyihii Waxbrashada gobolka Saaxil-na Hargeysuu idinla joogaa oo shalay (dorraad) baa la soo qaaday.” Sidaa ayuu yidhi oo uu Wargeyska Himilo u sheegay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saaxil Cabdi Cali.
Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Waxbarashada oo aanu intaas dabadeed isku daynay inaanu dhinaceeda wax ka weydiinno maadaama oo macalinka iyo Guddoomiyuhuba maamul ahaan hoostgaan wasaaradda ay madaxda ka tahay, isla markaana ay iyadu magaalada Berbera ka soo qaadday Guddoomiyaha la dhaawacay, nooma suura-gelin inaanu ku helno khadka telefonka gacanta oo aanu ka wacnay xalay.
Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay nooceeda ee dhexmarta masuul iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda Waxbarashada, waxaanay ku soo beegmaysaa laba todobaad ka dib markii sidan oo kale gudaha magaalada Gabiley uu askari k atirsan ciidanka booliska gobolka toogasho ku dilay taliyihii Saldhigga degmada Arabsiyo oo markii dambe cusbitaalka Hargeysa ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu askarigaasi ku toogtay. Askariga falkan geystay oo gacanta lagu dhigay, ayaa maalin ka dib lagu xukumay dil toogasho ah ka dib amar ka soo baxay madaxweynaha Somaliland oo ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan sharci loo horgeeyo.


Waraysigan waxa qaaday wargeyska Himilo

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.