Skip to main content

war deg dega madaxweyne siilaanyo oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu ku tagay dalka ingiriisa oo uu kaga qayb galay shirka maalgashiga somaliland

Hargeysa{ BP} Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland Axmed maxamed maxamuud siilaanyo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu dalkaasi ingiriiska kaga qayb galay shir Quseeya arimaha maalgashiga ee soomaliland





Madaxweyne siilaanyo oo warbaahinta kula hadlayay qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha magaalada hargaysa halkaasi oo uu kula hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu ka warbixiyay madaxweynuhu safarkii ay dalka uga baxeen waxaanu yidhi{ bismilaahi raxmaani raxiim asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu aad baan ugu faraxsanahay aniga iyo waftiga ila socdaa aanu dalka ku soo noqonay isaga oo nabada illahay mahadii weeyi shirka aanu tagnay waxa uu ahaa shir loo qabtay maalgashiga somaliland sidii loo maal gashan lahaa somaliland iyo hormarkiisataasoo wax wayn ka tari doonta  shirka ayaa waxa uu ahaa shir wayn oo ay ka qayb galeen dawlada ingiriiska waxa uu ahaa shir aad looga soo qayb galay waanan ku so guulaysanay , geesta kale madaxweyne siilaanyo ayaa waxa uu ka hadlay warar maal-mihii danbe la isla dhex marayay oo sheegayay in madaxweyne siilaanyo uu ka tanaasulay doorashada madaxtinimada taasi oo uu beeniyay kuna tilmaamay daacaayado mar walba la sameeyo waxaasi wax ka jira maaha inta uu sharcigu ii ogol yahay waan taaganahay wax alla iyo wax aan qabaa ma jirto dalkayga waan u shaqaynayaa isku s
isku soo wada duuboo intaasi ka dib ayaa waxa ay warbaahintu madaxweyne siilanyo su,aalo waydiisay halkaasina uu kaga jawaabay



Daawo warkaasi oo faahfaahsan





Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.