Skip to main content

Ra’iisul wasaaraha Somalia iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Nairobi gaaray

Borama{ BTP} Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya  iyo dowladda Kenya.

Wefdiga Ra’iisul wasaaraha la socda waxaa ka mid wasiiru dowlaha Gaashaandhigga, wasiiru dowlaha Amniga Qaranka iyo wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed  iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya  gaaray maqribadii caawa, waxaana ku soo dhoweeyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya iyo saraakiil ka tirsan dowladda Kenya.
Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa kulan magaalada Nairobi isla caawa kula qaatay Wasiirka Warfaafinta iyo Danjiraha IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Aftey, Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa maalinta berrito ah ku sii jeeda magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi, halkaas oo ay uga qey-gali doonaan shir looga hadli doona amniga gobolka iyo khatarda argagixisada.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa madaxda sarre ee waddanka Burundi kula kulmi doona Bujumbura, si ay uga wada hadlaan arrimo dhowr ah oo labada dalka quseeya.


Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.