Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Sool, ciidamada Somaliland ayaa saaka aroortii la wareegay gacan ku haynta tuulada Tukaraq.
Ciidanka Somaliland ayaa weeraray tuuladan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan inay ku sugan yihiin tuulada Tukaraq.
Tuulada Tukaraq oo hoos timaada Degmada Laascaanood ayaa waxay aheyd meel ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland, oo horeyna dhawr jeer ugu dhexmaray dagaallo khasaaro sababay.
Tuulada Tukaraq ayaa 86-KM waxa ay u jirtaa caasimadda Puntland ee Magaalada Garowe, waxayna ka mid tahay tuuladan deegaanada hoostagga Magaalada Laascaanood.
Puntland kama aysan hadlin weli la wareegitaanka ciidanka Somaliland ay la wareegeen gacan ku haynta tuulada tukaraq ee Gobolka Sool.
Xigasho Websiteka Tvga Universal
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah