Skip to main content

Warbaahinta Gobolka Awdal oo iskugu Timi Kulan la isku jilbo aastay oo saacado ka socday Borama kaasi oo uu ka soo Baxay war lagu Farxo

Kadiye Media ( Boorama) Warbaahinta Gobolka Awdal oo iskugu Timi Kulan la isku jilbo aastay oo saacado ka socday Borama kaasi oo uu ka soo Baxay war lagu Farxo

Waxa Maanta Boorama kulan iskugu yimi dhamaanba saxaafadii Gobolka Awdal oon u kala hadhin yar iyo waynba kulankaasi ayaa ahaa mid saacado dhawr ah socday islamarkaana ka dhacay Hotelka Haldoor ee boorama ayaa Nuxurkiisu ahaa sidii ay wariyayaasha Gobolka awdal iskugu laab xaadhan lahaayeen dhamaanba xanaftii iyo isjiidjiidkii dhex yaalay taasi oo ay reebtay doorashadii Maamulka isaaq ku kala qaybiyay shacabka Gobolka Awdal ee xariirta ah .

SAWIRKA WARIYAYAASHII KU KULMAY BORAMA



Wariyayaasha ayaa dhamaantoodba waxa ay balan qaadeen inay ka shaqaynayaan Horumarka iyo isku soo dhawaynta shacabka gobolka Awdal wixii khaladaad hore oo dhacayna dib loo sixi lahaa lagana wada shaqayn lahaa wanaaga iyo ka shaqaynta danaha gobolka Awdal .

Xaqiiqo ahaan kulankii warbaahinta gobolka awdal yeelatay wuxuu ahaa mid lagu lafa guray dhacdooyin kala duwan iyadoona ta ugu muhiimsani ahayd Midnimadooda iyo wadajirkooga sidii loo xoojin lahaa loogana fogaan lahaa in bulshada lagu faafiyo Warar xumaan ah kuwaasi oo milgaha gobolnimo hoos u dhigaya loona soo gudbin lahaa warar ku salaysan dhinaca wanaaga gobolka iyo Horumarkiisaba Kulanku wuxuu ku soo dhamaaday in dhamaanba wariyayaashii halkaasi ku sugnaa is wada cafiyeen si kal iyo laab ah

Natiijadii isku imaanshaha warbaahinta gobolka Awdal ayaa kusoo dhamaaday Guul iyo wada shaqayn aad u wanaagsan in la bilaabo wixii ka bilawda taariikhda maanta oo ah 23/1/2018

Faaladan wariye Nuux Kadiye oo kulankaasi Goob joog ahaa ayaa idin soo diyaariyay

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g