Skip to main content

Shabakada Boramanews ahna mida dadku u yaqaanaan Beennews ayaa ah Mid ku caan baxday aflagaadada iyo cayda Masuuliyiinta beesha makaahiil ka soo jeeda

Kadiye Media ( Boorama) Shabakada Boramanews ahna mida dadku u yaqaanaan Beennews ayaa ah Mid ku caan baxday aflagaadada iyo cayda Masuuliyiinta beesha makaahiil ka soo

Shabakada la yidhaa Boramanews ayaa ah mid waayadii ugu danbaysay hormuud ka ahayd cayda iyo aflagaadada loo geysto beelwaynta makaahiil ee dagan gobolka Awdal waxayna ku caan baxday soo tebinta beenta iyo probogaandada iyadoona shaqsiyaadka masuuliyiinta ah ee beesha makaahiil ka soo jeeda cay iyo aflagaadooyin badheedha kusoo daabaca websiteka shabakadan ayaa shaqsiyaadka lihi waxay ka soo jeedaan beesha xeebjire ee beelwaynta habar cafaan kuwaasi oo ku dhaqan dalka dibadiisa iyadoona shabakadani leeyihiin laba nin oo walaalo ah laguna kala magacaabo Axmed iyo Mustafe



Shabakadani ayaa wadata Magaca Magaalada Borama ee caasimada Gobolka Awdal balse waxay si ku talagala u bilaabeen sidii sharafta iyo sumcada uga dili lahaayeen magaalada Boorama waxaana astaan u ah shabakadani soo gudbinta warar naxli iyo qabyaalad salka ku haysa iyo isir nacay ay u hayaan beesha makaahiil labada wiil ee shabakadani lihi ayaa ilaa hada ujeedadoodu cadayn iyo waxyaabaha ay ka helaan cayda iyo aflagaadada masuuliyiinta beesha makaahiil



Hadaba Fariintaydu waxa ay tahay in cidkasta oo  ku abtirsata magaca beesha makaahiil ay ka fogaadaan booqashada shabakadani maadaama shabakadu tahay mid loo samaystay cayda iyo aflagaadada beesha makaahiil . sidoo kale makaahiilka borama dagan ayaa waxa loogu baaqayaa inay ka waantoobaan la macaamilka shabakadani xiliyada ay rabaan in wararkooga shabakada loogu daabaco siyaasiyiintana waxaanu ugu baaqaynaa in aanay waraysi siiyaan wariyayaasha shabakadan ee Borama jooga xitaa baahi haday shabakadaa u qabaan danta tolkooga hoos ha u eegaan

Faaladan waxa Qoray wariye Nuux kadiye
Oo Borama ku sugan

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida ...

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash...

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi  Abdinasir Muhumed Hassan Buuni Waa siyaasi Qunyar socod ah kaasi oo la soo dabaashay Marxalado siyaasadeed oo kolba dhinac isku rogayay Mar uu Mucaarad ahaa iyo Hada oo uu ka mid yahay Bahda Xukuumada Somaliland Kuwooga aadka isha loogu hayo Marka ay taagan tahay ka hadalka dhanka Warbaahinta  Abdinasir Buuni oo Markii u danbeysay ahaa Afhayeenka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa magacaabistiisu waxa ay sabab u ahayd inuu markiiba caan ka noqdo deegaanada somaliland iyo guud ahaanba marxalada siyaasadeed ee isbadbadalka badnayd  Difaacida Xukuumada Somaliland ayuu hadh iyo habeenba u taagnaa waxayna arintaasi meesha ka saartay in Gabi ahaanba dhaliisha xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyagoona Ninkaasi ku tilmaameen inuu ku yahay Laf dhuun gashay oo meel loo dhaafi karaaba jirin Xaalku waxa uu Gaadhay Buuni iyo Mucaaradka inay iskugu soo hadhaan Fagaaraha ka had...