Skip to main content

Labadii wariye ee ree Awdal kuna xidhnaa Xabsiga dhexe ee borama waa sidee xaalkoogu

BOOQASHADII XABSIGA EE MAANTA WAXA AAN MARKHAATI U HAYSTAA AYDAAX MAXAMED {MACALINKA}.

Maanta Gelinkii Hore, Mar Ay Goorsheegtu Ku Beegnayd Abbaaro 11:30AM Ayaan Xabsiga Hoose Ee Boorama Ku Booqanay 2-da Suxufi Ee Maalintii 20-aad Ku Xidhan Halkaasi.


Markii Aanu Dhiibanay Dalabkayagii Booqashada Ee Ku Aadenaa Dadka Aanu Soo Siyaaranay, Daqiiqado Kooban Kadib Ayaa 2-da Ganjeel Ee Gudaha Xabsiga Midkood Waxa Nagaga Soo Baxay 2-da Suxufi Ee Axmed Ciiltire Iyo Maxamed Dabshid,

Intii Ay Xagayaga Ku Soo Socdeen Way Dhoola-Cadaynayeen, Xaqiiqo Ahaan Waxa Ay Ahayd Farxad Aanu Is-Dhaafsanay Qacdii Hore Ee Aanu Indhaha-ba Iska Qaadnay.

,
Wejiyadoodu Ma Ahayn Sidii Toddobaadkii Hore, Balse Run Ahaantii Waxa Aad Ka Dheehanaysay Muuqaalka Cad Ee Lagu Yaqaano Marka Uu Qofku Maalmo Si Fiican U Nasto Jidh Ahaan Iyo Maskax Degan Oo Faraxsan.

Markii Ay Soo Gaadheen Qolka Martida Ee Aanu Ku Sugaynay Anaga Oo Sara-Taagan, Ee Aanu Is-Dhaafsanay Salaanta Xiisaha Badan Iyo Kal-Gacaylku Ka Muuqdo Ee Laabta-Laabta-Saar,

Kadib Ayaa Waxa Aanu Wada Qaadanay Waqti Fiican Oo Hadal, Qosol Iyo Kaftan-ba Leh,

Maadaama Maanta Oo Ahayd Maalin Axad Ah Aanay Ka Mid Ahayn Maalmaha La Booqdo Maxaabiista Ee Ay Yartahay Fursada Aad U Heli-Karto Waqti Ahaan In Aad La Qaadato Maxbuuska Aad Booqatay Oo Dadka-ba La Kala Horo,

Ayaa Ugu Horayn Kulankii Aanu Wada Qaadanay Waxa Ay Noo Cabireen Dareenkooda Oo Aan Ku Tilmaami Karo Mid Aan Ka Dhicin Kani Aynu Dibeda Ku Qabno Xagga Xorriyada,

Waxay Noo Sheegeen In Markasta Iyo Maalinkasta Meesha Dhexdeeda LooLa Dhaqmo Sidii Ay Ugu Jeclaayeen In LooLa Dhaqmo,

Waxa Ay Intaasi Noogu Dareen In Ay Fursad Fiican U Heleen Cibaadada RABBI Ee Mar-marka Qaar Ay Inaga Mashquuliso Aduunyadu Inta Aynu Suuqyada Joogno,

Midkood Wuxu Nagula Kaftamay In Midka Kale Uu Hurdo Ka Dhargay Oo Xabsigu Aanu Uga Dhicin Sidii Nin Degen Hutelka Saw Oo Xiliga Uu Doonaba Hurdada Iska Galaaya,

Waxaanu Ka Soo Baxnay Xabsiga Anaga Oo Aad Ugu Faraxsan Iyaga Oo Weliba Sii Daymoonayna,

Iyaguna Waxay Ku Noqdeen Qaybtii Ay Ka Degenaayeen Xabsiga Iyaga Oo Anagiiba Naga Sii Farxad-Badan.

Arimahaasi Oo Dhana Waxa Aan Markhaati U Haystaa Cammeraman Aydaax Macalinka Aydaax Mohmed Oo Ka Mid Ahaa Asxaabtii Saaka Igu Wehelinaysay Booqashadii Xabsiga.

Thanks You A Lot For Your Reading My Package.
Ibraahin Suxufi
Boorama.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g