Skip to main content

Waa Kuma Xasan Cali Cismaan ' Siyaasi ku caan baxay Waxqabadka iyo u Adeegida Bulshada Awdal QORMO KA WARAMAYSA WAXQABADKIISA

Kadiye Media ( Boorama) Waa Kuma Xasan Cali Cismaan ' Siyaasi ku caan baxay Waxqabadka iyo u Adeegida Bulshada Awdal QORMO KA WARAMAYSA WAXQABADKIISA


Xasan Cali Cismaan wuxu ka mid ah shakhsiyaadkii lahaa hindisaha iyo yagleelka jaamacadda (Camuud) ugu faca iyo filka weyn dhulka Somalida ka dib burburkii dawladdii dhexe ee Jamahuuriyadda Somaaliya ee uu gadhwadeenka ka ahaa Jaale Maxamed Siyaad Barre. Shakhsiyaadkaan ayaa kala ahaa: Xasan Cali, Cabdisalan Ilburo, Saleemaan Walhad, Idiris Muxumad Sacad iyo Axmed Siciid Cismaan. Dhammaantood fadhigoodu wuxu ahaa Khaliijka Carabta walow ay waddamo ahaan kala duwanaayeen. Shakhsiyaadkan kor ku xusan ayaa la kaashaday shakhsiyaad kale oo markaa guda dalka joogay, Ilaahay mahaddii waa ay ku guulaysteen inay dhidibada u joojaan Jaamacadda Camuud. Waxana jaamacadda ka baxay kumannaan dhallinyaro u laylyan koobidda baahiyaha bulshada. Ardaydaan ka baxay Jaamacadda Camuud waxay ku baahsan yihiin dhammaan deegaamada geyiga Soomaaliyeed.
Xasan Cali wuxu mar kale qayb ka ahaa dhismaha jidka la mahadiyay ee isku xidha Boorama iyo Dila. Hay'ad magaceeda la odhan jiray ARNA oo u igmanayd dhismaha jidadka oo uu gudoomiye ka ahaa Cabdiraxmaab Maxamuud Muuse (Cabdi Quraab) ayaa markii dambe lagu wareejiyay oo looga dhigay hoggaan, balse waxa markii dambe loo beddalay magaceedii ASARDA. Xasan iyo kolanyo ka kooban qaybaha bulshada ayaa dhexda u xidhay sidii la iskugu xidhi lahaa Boorama iyo Hargaysa. Intaan la bilaabin dhismaha jidkan laamiga ah ee isku xidha Dila iyo Boorama waxa aad Hargaysa gaadhaysay adiga oo burbursan, balse hadda sidaan ka wada ogsoonnahay waa lagu reeyay. Jidkan ayaa waxa lagu dhisay qaadhaan laga ururiyay qaybaha bulshada oo dal iyo dibadba ahayd. Waxan xasuustaa markii dugsiyada iyo jaamacadaha ay marayeen Xasan iyo asxaabtii ku wehelinaysay dhismaha jidku hadaladdii ruxi jiray quluubta ardayda oo aanad garanay goor ay godladeen isla markaana si dhakhso ah ay u ballan qaadayeen qof walba hayntiisa. Gallad Eebbe weeyee jidkii maanta waa lagu caano-maalay.


Xasan Cali Cismaan waxa mar kale loo igmaday inuu maareeye ka noqdo Hay'adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland. Hay'addan oo ay yarayd in la maqlaa markii hore ayuu baray bulshada Somaliland, magaceeduna wuxu gaadhay dal iyo dibad. Waxa lagu xasuusan doonaa xilli xafiiseedkiisa dhismaha jidka Ceerigaabo oo ahaa mid qaylo-dhaan cod dheer lagu baaqay si loo dhiso, waayo Ceerigaabo waxay ka go'antahay Somaliland inteeda kale oo maysan lahayn jid isku xidha. Sidoo kale, waxa lagu xasuustaa dhisma jidka Kala-baydh iyo Wajaale, Kala-baydh, dayactirka jidka Berbera iyo Dila iyo jidad kale oo aan halkan ku soo koobi karin. Dhammaan jidadkaas aan soo sheegay iyo qaar badan oo aanan xusin waa lagu diirsaday waana la mahadiyay.
Dhanka kale, Xasan Cali Cismaan waxa uu hadda u mindiyo lisanayaa dhismaha gegida diyaaraha ee Boorama taasi oo ay badan tahay baahida loo qabo isaga oo gadhwadeen ka ah hay'ad Magaceedu yahay Hay'adda Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Gobollada Salal iyo Awdal loona soo gaabiyay (SAIDA).

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g