Skip to main content

Madaxda Shacabka Jamhuuriyada Somaliland oo go,aamo lagu Farxo maanta soo saaray

WAR-SAXAAFADEED:04/01/2018
Kal-fadhigii labaad (2aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay hoolka shirarka golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer oo ay yeesheen ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay laguna lafo-guray qodobo muhiim u ah qaranka iyo shacbiga Somaliland.


Waxaanay u dhignaayeen Qodobada ka soo baxay shirku:-

1. In Dawladda Somaliland ay gardaro cad u aragto faro-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay hawada Somaliland, sidoo kalena ay qaar ka mid ah maamulkeedu soo galaan xuduudaha Somaliland, taasina maaha mid ay Somaliland u dulqaadan doonto wixii hadda ka danbeeya.

2. In la xoojiyo go’aankii wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu ay ka soo saartay joojinta dhulka danta guud ee qaranka.

3. In la joojiyo qabyaalada loo isticmaalo warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl-gasha.

4. In  xubnahan hoos ku xusan loo saaro inay ka shaqeeyaan xal u helidda qiima dhaca shilinka Somaliland, xubnahaas oo kala ah:-

 Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Yuusuf Maxamed Cabdi,

 Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad

 Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad

 Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sh Cabdilaahi Suufi

 Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali iyo

 Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale)

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida ...

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash...

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi  Abdinasir Muhumed Hassan Buuni Waa siyaasi Qunyar socod ah kaasi oo la soo dabaashay Marxalado siyaasadeed oo kolba dhinac isku rogayay Mar uu Mucaarad ahaa iyo Hada oo uu ka mid yahay Bahda Xukuumada Somaliland Kuwooga aadka isha loogu hayo Marka ay taagan tahay ka hadalka dhanka Warbaahinta  Abdinasir Buuni oo Markii u danbeysay ahaa Afhayeenka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa magacaabistiisu waxa ay sabab u ahayd inuu markiiba caan ka noqdo deegaanada somaliland iyo guud ahaanba marxalada siyaasadeed ee isbadbadalka badnayd  Difaacida Xukuumada Somaliland ayuu hadh iyo habeenba u taagnaa waxayna arintaasi meesha ka saartay in Gabi ahaanba dhaliisha xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyagoona Ninkaasi ku tilmaameen inuu ku yahay Laf dhuun gashay oo meel loo dhaafi karaaba jirin Xaalku waxa uu Gaadhay Buuni iyo Mucaaradka inay iskugu soo hadhaan Fagaaraha ka had...