Skip to main content

Posts

Showing posts from 2023

Maydadka Shuhadada oo ku Qudmay Jidadka Qaza

  Muuqaallada meydadka ayaa caadi ka noqday in lagu Arko marinka Qaza tan iyo toddobaadadii la soo dhaafay, ilaa iyo Hada Dad Kor u dhaafaya 20,915 ayaa ku shahiiday Duqeymaha Gumeystaha Israel ka wado dhulka Falastiiniyiinta Dhaawucuna wuxuu kor u dhaafayaa  54,918 kuwaasi oo u badan carruur iyo haween.Waana Mida keentay  maydadka lagu Arkayo Marinka Gaza? Warbaahinta Aljazeera oo isha ku haysay meydadka shuhadada falastiiniyiinta lagu arkayo wadooyinka Xaafada Beit Hanoun ee waqooyiga Marinka Gaza, halkaasi oo dadka ay awoodi waayeen inay aasaan, sababo la xiriira duqeymaha Xoogan ee Gumeystaha Israel ku hayo, gaadiidka gurmadka deg dega ayaa awoodi waayeen inay yimaadaan halkaasi si maydadka u asturaann  Wakaaladda Anatolia oo soo xiganaysa dad goob joogayaal ah iyo ilo maxalli ah ayaa sheegtay in meydadkan ay ku hareen waddooyinka tan iyo markii uu billowday weerarka dhulka ee Israa’iil ay ku qaadday Gaza 27-kii Oktoobar ee sannadkan sii dhamaanaya Waxaana la sheegayaa in wadooyink

Xisbiga Waddani oo iska fogeeyay Eedeymo la xidhiidha inay faraha kula jiraan Xaalad abuur ka dhan ah Somaliland

Musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa magaalada London kaga dhawaaqay Halgan Cusub kaasi oo ah xoojinta Kaambaynka Doorashooyinka isku sidkan ee Somaliland lana qabanayo sanadka soo socda 2024 Cirro ayaa sheegay ujeedka socdaalka ay u joogaan dalka ingiriiska inay tahay sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxda dalkaasi si ay uga waramaan xaalada somaliland ku sugan tahay wakhti xaadirkan " Xisbiga Waddani mawqifkiisu mar walba wuu cadaa waxaanu qaranka kala simanahay difaaca iyo shacbigiisa , Shacbiga Somaliland waxaan u cadaynayaa inaan ahay Musharax waxaanan jaaliyada u sheegayaa inaanan kursiga ku doonayn xabad , Xoog iyo dhiig midna waxaan ku doonayaa tartan iyo doorasho xor iyo xalaal ah Cirro oo hadalka sii wata ayaa yidhi Kursiga aan doonayo waxa igala Qiimo badan Qof Muwaadina oo noloshiisa waaya , Suurtagal maaha inaan dagaal sokeeye galo amase aan taageero Musharax cirro oo ay hareero joogaan masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga waddani ayaa waxa ay kulan la yeeshee

Maayarka Borama waa Nin ay Kalsooni Badani ka Muuqato

 

Kulan la isku waydiinayay Hoos u dhaca ku yimid Heerka Aqoonta Gobolka Awdal oo Borama ka qabsoomay

 

Cirkaa soo dhacaya waala dagaalamayaa Qolada waxaas leh Dadka Maqlayaa anagu Ma Nihin , Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mohamed Kaahin Ahmed ayaa Jawaab lama filaan ah hawada u mariyay Beesha Garxajis iyo xisbiga waddani Wasiir kaahin hadaladiisa waxa ka mid ahaa  Madaxweyne la doorto oo One Man one Vote lagu doorto Dahir Riyaale Kaahin baa u Horeeyay Ahmed Siilaanyaa kala wareegay Muuse biixi baa ku xigay Nina Guriga Hooyadii Codka kalamuu imanin Nina Guriga reerkooga kalama uu Imanin Kursi. Cida Madaxtooyada Galaysaa Cod ummadu leedahay buu ku tagayaa Xeer Qaranku leeyahayna wuu ku tagayaa Anigaan wax ka badali karin Muse biixi oo Madaxweyne ah baan wax ka badali karin  Cidii arintaasi wax ka badalaysa waa cid ruxruxaysa Qaranimada iyo Nabadgalyada Somaliland  Aragtida iyo Rayiga wayny ku kala duwanaan karnaa Qarankana waynu wada Yeelan karnaa   

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (Abàan waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash

Hiil aanu Garxajis ka waynay Oromaan ka Helnay Afhayeenka Beesha Habar Awal ayaa sidaa Yidhi

 

Aqoonyahan ree Borama ah oo si Kulul ula hadlay Huwanta Daarood isaga oo walibana u Hanjabay

 

Wadamada Carabta iyo Xabad Joojinta Marinka Gaza

 Wafdi ka Socda dalalka carabta ayaa booqasho ku jooga Wadamada xubanaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  Ujeedada waftigani ayaa salka ku haya Qorshaha la xidhiidha inay  xabad joojin ka Hirgaliyaan dagaalka ka Socda Marinka Gaza, iyo sidii gargaarka bani'aadanimo  loogu ogolaan lahaa in lala gaadho dadka halkaasi ku dhibaataysan  Wafdigan oo lagu aasaasay shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ka dhacay Dalka Sucuudiga Riyaad, ayaa waxaa ka mid ah wakiillo ka kala socda Dalalka Masar, Indonesia, Jordan, Nigeria, Maamulka Falastiiniyiinta, Qadar, Sacuudiga, Turkiga iyo xoghayaha guud ee hay'adda OIC.  Wafdiga ayaa  socdaalkooda ku bilaabay Dalka Shiinaha, halkaas oo ay kula kulmeen Diblomaasiyiinta ugu saraysa dalkaasi  Waftigan ka socda wadamada Carabta ayaa waxa ay xooga saarayaan sidii dalka Israel loogu cadaadin lahaa inay joojiso duqeymaha islamarkaana loo hirgalin lahaa xabad joojin labada dhinac ah sidoo kale waftigu waxa d

War Culus oo laga soo sheegayo Magaalada Saylac

Wararka ka imanaya Magaalada Xeebta ku taala ee Saylac ayaa sheegaya in xubnaha Golaha deegaanka Magaaladaasi ay maanta si Wadajir ah u doorteen Maayar Cusub oo Hogaan u noqon doona Degmada Saylac  Waxaana ay Xildhibaanadu Cod Aqlabiyad ah Xilkii uga qaadeen Maayarkii Hore ee Magaaladaasi Yusuf Cawaale Dahir kadib markii khilaaf iyo Muran badani Hadheeyay Golaha deegaanka Saylac  Maayarka Cusub ee la doortay ayaa lagu Magacaabaa Mahmuod Wacays kaasi oo si rasmi ah Maanta xilkaasi ula wareegay Munaasabad ka dhacday Dawlada Hoose ee Degmada Saylac  Arintani ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xili dhawaan Badhasaabada Gobolada Somaliland kulan kula yeesheen Magaalada Hargeisa wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland kulankaasina ujeedkiisu ahaa sidii loo fasixi lahaa Mooshinada iyo kalfadhiyada ka dhanka ah Maayarka magaalooyinka waawayn taasi oo ay hore u hakisay xukuumada somaliland ,  Balse arinta ka dhacday magaalada saylac waxa ay bar bilaw u noqonaysaa duufaanta isbadal doonka maayarada magaal

Shacabka Borama ayaa si layaab leh u soo dhaweeyay Magacaabida Wasiir Abdinasir Buuni

 

Mashruuca la gu garab taagnaa Khaatumo ee looga boodayay Awdal State Xildhibaan Rabiile Xaaji Abiib ayaa Qoray

  Indhaha iyo Dhagaha Fur! Waxa jiray masuuliyiin Dhaqan, Culimo iyo Siyaasi ba lahaa, kuwaas oo halgankii dhulbahante intii u socday taageero la barbarjoogay. Raggaasi waxa ka mid ahaa Boqor Buurmadow, Xil Khaliif, Jaamac Shabeel, Barkhad Batuun iyo kuwo kale. ma qarsan jirin kama na gaban jirin badheedhahooda. Ayaandarro, dhamaan intaa kor ku xusan, waxa ay sida fiinta hal mar u ga qayliyeen, hadalkii Ugaaska guud ee Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid iyo Garaad jaamac Garaad Cali. Maxay tahay sabobtu? Ma Khaatumo ayaa Awdal State ka xaq leh? Ma Garaadada Dhulbahante ayaa ka karaamo badan Ugaaska Gadabuursi? Hadalka Kujare ba waan isweydiinaa maxaa qodobka la isku weydiin waayay? Hadalka uu caawa ku hadlay Boqor Bùurmadow ayaa daaha ka faydaya mashruuca la gu garab taagnaa Khaatumo ee looga boodayay Awdal State. Waa mashruuc dowladdo shisheeye daaha gadaashiisa ka hagayaan, waa mashruuc dhaqaale, waa mashruuc ay ku midaysanyiin beelaha kala ah "Ogaadeen, Gadhxajis iyo Dhulbahante&

Ninka Caanka ah ee Mr Beast oo Nolosha lagu Aasay

 Youtuberka Caanka ah ee Mr Beast ayaa soo dhigay bartiisa Youtube Muuqaal uu Ciwaan uga dhigay 7 Maalmood ayaan Nolosha isku Xabaalay muuqaalkan ayaa soconaya 18 Minute waxa uu ka soo dhex hadlayaa Naxashka Xabaasha Waana Challenge Halis badan oo uu Naftiisa la doontay si uu uga helo Views  Daawo 

Siyaasi Shirwac oo sheegay inaanay jirin cid kaga haboon Afhayeenka xisbiga Kulmiye

 

Wiilkan waxa uu Mustaqbalkiisa ku waayay Mudaharaad Borama ka dhacay

Wiilkan Magaciisu waa Fadxi Mohamed Cige waa aabe haysta Afar Caruur ah waxa uu ka mid ahaa dhalinyarada Muruqmaalka Borama noloshiisii waxa badashay kadib markii uu ka qayb galay Mudaharaad Borama ka dhacay oo saamayn ku yeelatay Mustaqbalkiisii kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay mid kamida labadiisa Lugood  Fadxi ma haysto dhaqaale uu isku daaweeyo kuna maareeyo Nolosha Qoyskiisa xaalad adag ayuuna ku sugan yahay  Kala xidhiidh 0634555325 si aad u caawiso 

Ree Quljeed oo sheegay inay birta ka aslayaan Cidii Nabadgalyo daro gobolka Awdal la timaaada

 

Aqoonyahan Maxamed Suldaan Saleebaan Cali oo si weyn u taageeray, uguna mahadnaqay ex-wasiir Cabdi Cismaan Dhego-weyne

 Aqoonyahan Maxamed Suldaan Saleebaan Cali oo si weyn u taageeray, uguna mahadnaqay ex-wasiir Cabdi Cismaan Dhego-weyne oo dhawaan laga qaaday xilkii wasiirka wasaaradda Maalgashiga iyo wershadaha somaliland. ----------------------------------------------------------------------------- “Ninkii timir abuuriyo ninkii tiin talaalaba taariikhdu wey werin." ----------------------------------------------------------------------------- Wasiir Cabdi Cismaan Dhego-weyne wuu gutay maanta waajibkii ka saarnaa metalaada dadkiisa intii uu awoodi karayay muddadii uu hayay xilka wasiirnimo. Masuulka wanaagsani waa ka la dareenka ah dadkiisa ee og waayaha ay ku sugan yihiin. Wixii dhib ku ah wuu ka dhowraa, dheefna wuu la doonaa. Mudane Wasiir Cabdi Dhago-weyne wuxu tusaale wanaagsan u noqday da'yarta reer Awdal ee maanta joogta, harraadka badana u qabta hoggaaminta masuuliyiin si dhab ah ugu metala siyaasadda somaliland. Maanta Cabdi dadkiisa ayuu geesi u yahay, mar  hadduu ku dhiiraday isag

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum General Jidhif.

Hargeysa-15-11-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum General Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) oo mansabyo kala duwan kasoo qabtay ciidamada kala duwan ee dalka. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xildhibaanno ka tirsan goleyaasha qaranka, wasiirro, madaxda xisbiga KULMIYE, madax-dhaqameed iyo boqollaal shacab ahi, ayaa ka qaybgalay Aaska marxuumka oo habeenkii xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa. Masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii ka qaybgalay Aaska, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, ehellada, qoyska iyo qarankana beddel khayr qaba siiyo. Ugu horrayn, taliyeyaasha ciidamada qaranka iyo Asluubta sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (libaax) oo halkaas ka hadlay, ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, waxana ay ku dheeraadeen kaalintii mugga lahayd ee uu kasoo

Wasiir Abdicismaan Dhagaweyne oo ku Farxay Xil ka qaadistii Muuse biix ku sameeyay

  Waxaan aad ugu faraxsanahay in xilka la iga qaaday anoo danta dadkayga ka shaqaynaya"...Wasiir Cabdi Cisman dhagawayne.

Xildhibaan Mukhtaar Hassan Maydhane oo Amaan kula dul dhacay Wasiir Abdicismaan Dhagaweyne

Waxaan ku hambalyeynayaa saaxiibkay Wasiir Hore Cabdi Cismaan in muddo gaaban oo uu xilka wasiirnimo hayey kaga korodhsaday reer Awdal sharaf iyo karaamo aan xadkeeda iyo dhakhsahaas oo kale hore loogu arag. Inkastoo in badani fahmi waayi karto, haddana waxaan kuu qirayaa in aad muujisay lexejeclada Soomaalilaan iyo ta Awdalba iyadoo weliba xilligu adkaa lana suuraysanayey in kursiga lagu waayi karo. “Gobee liicoo ha jabin!” Reer Awdal badan maanta waxay la yaaban yihiin isku shaandhaynta Madaxweynuhu sameeyey. Anigu ku mashquuli maayo taas. Mid baa ka horraysa ay tahay reer Awdal inay garawsadaan: Xukuumaddu iyadaa idinka taqaan dadkeeda. Su’aasha markaa imika u taal waa: Idinku ma ka taqaanaan cid kasta dadkiina? Hadda hana ku kaadsoomina, dadkeeda iyo dadkiinuba way idinka wada dhalan karaane… Xildhibaan Mukhtaar Hassan Maydhane ayaa qoraalkan ku baahiyay bartiisa Facebook

Labo ka mid ah isbitaalada ugu waawayn marinka Gaza oo shaqo joojin sameeyay

 Laba ka mid ah isbitaaladii ugu waawaynaa Marinka GAZA ayaa joojiyay hawlihii caafimaad ee ay u qabanayeen bukaanada ku soo dhaawacmay duqeymaha halkaasi ka socda  Labadii isbitaal ee ugu weynaa Gaza ayaa joojiyay inay qaabilaan bukaanno cusub sababo la xiriira duqeymaha ka dhanka ah Israel iyo daawo yaraanta ay weheliso Gabaabsiga shidaalka, iyadoo la sheegayo inay Korortay dhimashada bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka. Al-Shifa iyo Al-Quds, oo ah isbitaallada ugu waaweyn Gaza, ayaa sheegay inay gabi ahaanba Hakiyeen hawlihii shaqo ee Gargaarka iyo daawaynta bukaanada  Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa tilmaamay in qaar kamida shaqaalihii caafimaadka isbitaaladaasi la dilay  inkastoo hayada caafimaadka aduunka ay ka digayso kororka dhimashada bukaanada kuna baaqday in si deg deg ah loo sameeyo Xabad Joojin .

Wasiir Dhagaweyne iyo Wasiir Sacad maxay ku kala duwanaadeen

Wasiirka maaliyada somaliland mudane sacad cali shire wuxuu inoo sheegay in qaranku jabay oo uu waliba sidii yuhuudii u jabay. Waxa uuna tusaale usoo qaatay dagaalkii qasa sidaas oo ay tahay cidi ma caydhin oo wali waa wasiirkii. Wasiirkii hore hore ee wasaarada maalgashiga mudane Abdi cismaan dhawayne oo maanta la badalayna wax uu inoo sheegay in uu dadkiisa la dareen yahay oo uu yiga wasiirnimada uu ku matalo rabana in tabashadooda wax laga qabto hadalkaasna wax uu ku waayay shaqadiisii. Hadaba su'aashu waxay tahay. 1.Waa maxay farqiga labadaa sawiir udhaxeeya oo midi yidhi qarankii uu dumay xaga midka kalana uu yidhi dawaladnimada hala qurxiyo? 2.Marba hadii ay xukuumadu beegsanayso cidii tidhaahda aynu wax hagaajino somaliland masii jiri doontaa? 3. Reer awdaloow marba hadii cidii danteena ka hadasha labaac sanayo maxaa inoo qorsha ah Wabilaahi tawfiiq Aqoonyahan Yahye Zakariye oo kamida dhalinyarada borama ayaa qoraalkan bartiisa Facebook ku qoray

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi  Abdinasir Muhumed Hassan Buuni Waa siyaasi Qunyar socod ah kaasi oo la soo dabaashay Marxalado siyaasadeed oo kolba dhinac isku rogayay Mar uu Mucaarad ahaa iyo Hada oo uu ka mid yahay Bahda Xukuumada Somaliland Kuwooga aadka isha loogu hayo Marka ay taagan tahay ka hadalka dhanka Warbaahinta  Abdinasir Buuni oo Markii u danbeysay ahaa Afhayeenka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa magacaabistiisu waxa ay sabab u ahayd inuu markiiba caan ka noqdo deegaanada somaliland iyo guud ahaanba marxalada siyaasadeed ee isbadbadalka badnayd  Difaacida Xukuumada Somaliland ayuu hadh iyo habeenba u taagnaa waxayna arintaasi meesha ka saartay in Gabi ahaanba dhaliisha xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyagoona Ninkaasi ku tilmaameen inuu ku yahay Laf dhuun gashay oo meel loo dhaafi karaaba jirin Xaalku waxa uu Gaadhay Buuni iyo Mucaaradka inay iskugu soo hadhaan Fagaaraha ka hadalka Marxalada

Beesha Subeer Awal oo Gurmad Saanadi ku Jirto ku wareejisay beesha Habarjeclo

Warkii Hore war soo dhaaf Beelwaynta Subeer Awal ayaa Gargaar Noocyo kala duwan leh Gaadhsiisay Beesha Habarjeclo Waa Gargaar Qalbi wanaag iyo Walaalnimo ay la socoto oo aan idinku dareensiinayno inaanu idin garab taaganahay Markaa walaalayaal baabuurtaas waxa idin saaran baad kala dagi doontaan idinkaa maaamulan doona naga Gudooma ..

Deegaanka Tuurqeylo ee Waqooyiga Borama Maxaa ka dhacay oo ka soo Kordhay

 

Ciidan beeleedka Subeer Awal oo ku socda Jiida ay isku hor fadhiyaan Habarjeclo iyo Dhulbahante

 

Culumada borama oo u Caqli celiyay beelaha Habarjeclo iyo Dhulbahante

 

Siyaasi Mandela oo beesha dhexe ku eedeeyay inay Cunsuriyad kula kacaan beelaha la degan Somaliland

 

Ma Maamule Maaliyadeedbaa Mise Waa Mukhalas Maaliyadeed Oo Kala Fogaynaya Shacabka Xariirta Ee U Hogaansan Cashuur Bixinta Iyo Dawlada?????........

Ma Maamule Maaliyadeedbaa Mise Waa Mukhalas Maaliyadeed Oo Kala Fogaynaya Shacabka Xariirta Ee U Hogaansan Cashuur Bixinta Iyo Dawlada?????........ Borama(MNN)Xafiiska Cashuuraha Bariga Ee Gobolka Awdal Waxa Uu Kaalinta Labaad Kaga Jiraa Dakhli Soo Xeraynta Cashuuraha Dalka Marka Laga Reebo Caasimada Hargeisa Oo Ka Dhaqaale Iyo Dadweyne Badan Magaalada Borama. Waxaad Halkaasi Aad Ka Garan Kartaa Sida Hagar La’aanta ah Ee Shacabka Borama Looga Qaado Cashuuraha Kala Duwan Ee Ku Waajibay… Marar Kala Duwan Waxaa Warbaahinta ka Soo Muuqda Shacabka Magalada Borama Gaar ahaan Ganasatada U Badan Bacadlayaasha Oo Ka Cabanaya Culayska Cashuuraha Iyaga Oo Farta Ku Fiiqa. In Magaalooyinka Dhigooda ah Ay ka Cashuur Bixin Badan Yihiin. Iyaga Oo Tusaale u soo Qaata Meheradaha Dhigooda ah Ee Ku Yaala Hargeisa Dabcan Ay Leeyihiina Xidhiidh.. Yaa Ku Keenay Culayska Cashuuraha Shacabka Boram????? Shacabka Magaalada Borama Qaybihiisa Kala Duwan Waxaa ay Si Wanaagsan uga Dhagarsan Yihiin Culuska Xad Dhaafk