Skip to main content

Dhinacyadii Koonfurta Sudan oo heshiiyay.lana soo afjari doono dagaladda sokeeye ee dalkaasi ragaadiyay

Madaxweynaha koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha fallaagada Riek Machar ayaa wada saxiixday heshiis ay ugu dambeyn shanta bisha march ee sanadkan ku soo afjarayaan colaadda ragaadisay dalkaasi.
Hoggaamiyeyaasha gobolka ee ku shiraya caasimadda dalka itoobiya ee Addis Ababa ayaa mar kale ku hanjabay in ay tallaabooyin aan la cayimin ka qaadi doonaan laba dhinac haddii ay xilligaasi loo qabtay dhaqan gelin waayaan heshiiskaasi.
Heshiiskani cusub ayaa dhinacyada ay colaadda ka dhaxeysa waxa ay isla garteen in ay ixtiraamaan oo ay dhaqan geliyaan xabad joojin ay kala saxiixdeen bishii janaayo ee sanadkii la soo dhaafay.
Waxa ay labaduba dhabarka heshiis xabad-joojin ah oo lagu soo afjarayo colaadda uu dhiigga badan ku daatay ee soo jiitameysay muddada ka badan halka sano, colaaddaasi oo ay ku naf waayeen kummanaan qof.

Digniin loo jeediyay

Dhex-dhexaadiyaha labadani dhinac Seyoum Mesfin oo ka hadlayay xafladda lagu saxiixayay heshiiskani ayaa waxa uu sheegay in urur goboleedka IGAD uu diyaar u ahaa in uu cuna qabateyn ku soo rogo labadani hoggaamiye haddii ay ku guul dareysan lahaayeen in ay heshiis gaaraan iyo hadii ay jabiyan kan ay hadda gaareenba.
Wadahadalada ayaa haatan la hakiyay ilaa iyo labaatanka Febraayo, xilligaasi oo la filayo in labada dhinac ay ku heshiiyaan sidii ay awoodda u qeybsan lahaayeen.

Awood qaybsi

IGAD ayaa soo jeedisay in madaxweyne Salva Kiir uu sii hayo xilka madaxweynenimada ee dowlad ku meel gaar ah halka Dr Machar loo magacaabi doono madaxweyne ku xigeenka koobaad.
Labada dhinac ayaan ilaa iyo haatan ku heshiinin qorshahani, waxaana hadda la siiyay wakhti ay hindisahaasi uga soo arrinsadaan.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale ka codsaday labada hoggaamiye in ay si dhakhso ah u gaaraan heshiis ku saabsan arrintaasi.
Kummanaan qof ayaa naftooda weyday tiro ka badan hal milyan iyo bar kalena waa ay barakeceen tan iyo bishii December sanadkii 2013-kii, xilligaasi oo ahayd markii ay colaadda ka billaabatay dalkaasi ugu da’da yar caalamka.

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Faadumo Qasiim Hilowle - Nabi amaan qasaaid Ila Daawo