Skip to main content

Madaxweynaha soomaliland ayaa ka qayb galay sanad guuurada 21aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka qaranka somaliland daawo sawirada munaasabadaasi

Dararweyne { Booramapost} Madaxweynaha Qaran Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Sanad Guurada 21aad ee Ciidanka Qaran Somaliland oo lagu qabtay Kuliyada tababarka saraakiisha ee Dardarweyne.

Madaxweynaha oo markii uu halkaasi gaadhay ugu horayn salaan madaxweyne ka qaatay ciidanka qaranka Somaliland, ka dibna uga sii gudbay dhinaca kuliyada, isaga oo xadhiga ka jaray mashaariic dhawra oo halkaasi uga hirgalay ciidanka qaranka sanadkii tegay ee 2014 ka oo ay ugu waa weynaayeen, Furitaanka guri balaadhan oo loo dhisay Saraakiisha iyo Saraakiil ku xigeenka Kuliyada tababarka dardarweyne, gurigan oo qaadi doona 250 Sarkaal.
sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray qolka shirarka kuliyadaha oo qaadi doona 250 Sarkaal, waxa kale oo uu madaxweynuhu soo kormeeray dhismeyaal cusub oo loogu talo galay inay ugu yaraan 20 sarkaal ku nasan karaan, kuna qadayn karaan, waxna ku daawan karaan, isaga oo madaxweynuhu uga mahadnaqay saraakiisha iyo taliyeyaasha Ciidamada, dedaalka iyo horumarka ay ka muujiyeen dugsiga tababarka saraakiisha iyo guud ahaanba ciidamada qaranka Somaliland.
madaxweynaha oo ku guda jira mashaariicda kala duwan, wuxuu ugu danbayn xadhiga ka jaray hool weyn oo loogu talo galay inay 200 oo sarkaal ku cuntayn karaan kaasi oo ay u dhamaystirnaayeen guud ahaan qalabkii loogu talo galay, waxaanu mdaxweynuhu soo kormeeray guud ahaan Kuliyada, isaga oo faah-faahina ka siiyey taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, Ismaaciil Shaqale.
ka dibna waxa madaxweynuhu ku soo laabtay xaruntii loogu talo galay inay ka dhacdo xaflada sanad guurada ciidanka oo ahayd isla Dugsiga kuliyada gudihiisa laguna qabtay hool weyn oo loo asteeyey xaflada.
halkaasi oo markii madaxweynuhu soo gaadhay ay ka bilaamantay xafladii sidii caadadu ahaydna lagu bilaabay aayadaha qur'aanka kariimka ah, waxaana ku xigtay riwaayad loogu magacdaray Isma-qabanayaan laba oo uu sameeyey Abwaan gaashaanle sare Cali Barre Xuseen oo kaalin weyn kaga jira dhanka Curinta iyo hal abuurnimada Ciidanka Qaranka.
ka dib markii ay dhamaatay riwaadu waxa la gudo galay khudbadihii munaasibada, waxaana hadalka bilaabay gaashaanle sare Batuun Maxamuud Guuleed waxaanu ku soo dhaweeyey hogaanka tababarka gaashaanle sare Axmed Tansaani, oo isna ku soo dhaweeyey taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale oo isna ku soo dhaweeyey Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji CalI Cadami oo isna ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Qaranka Somaliland.
Madaxweynaha oo isna hadalkiisa ku bilaabay sidan:-
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaah.
Maanta oo ah maalintii aasaaska Ciidanka Qaranka, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidanka Qaranka, xaasaskooda iyo caruurtooda meel kasta oo ay joogaan, anigoo guud-ahaanba Ciidamada kala duwan qalabka sida hambalyo u diraya. Waxaan sidoo kale hambalyaynayaa dhamaan shacab-weynaha Somaliland gudo iyo debadba.
Ciidamadu waxay ka mid yihiin tiirarka qarankani ku taagan-yahay, cududa bulshadani dugsanayso ee ay ku seexato, waxaanay calaamad iyo astaan u yihiin dawladnimada iyo kala-danbaynta bulshadani ku taamayso.
Ciidamadu waa difaaca qaranka, waa dal-jirayaasha u dibjira una dayacma illaalinta dadkooda iyo dalkooda, waana salka iyo dayrka ugu adag ee nabadgelyada aynu ku faano.
Anagoo ka duulayna muhiimada ay cududa ciidamadu dalkan ugu fadhiyaan, isla markaana dareensan duruufahooda gaar ahaaneed waxaanu tacab iyo dedaal gelinay kor u qaadida tiradiina, tayadiina, saanadiina iyo mooraalkiina, waana ta keentay in sadex-jeer mushahar ama gunno laydiin kordhiyo intii Xukuumadaydu talada dalka haysay.
Anigoo ogsoon in dedaalada la sameeyey weli aanay daboolin duruufihiinii gaar-ahaaneed, waxaan idin dareensiinayaa in aad u shaqaynaysaan dalkiinii, uguna dulqaadataan darayada iyo debadyaalka, maxaa yeelay waxaad u soo diyaar garawday in aad dhiigiina u daadisaan, dalkaaguna wuxuu u qalmaa in aad u dhimato.
Waxaad ka war-haysaan in aanu sannad kasta kor u qaadno Miisaaniyadda Ciidammada oo maraysa 57,000,000 USD taasoo iminka kor u dhaaftay gebi-ahaanba Miisaaniyadii Qaranka ee 2010 ee aan dalka kula wareegay oo ahayd 47,000,000 USD, halkaana waxaa qof kastaa uu ka garan-karaa ahmiyadda aanu siinay Ciidammada qalabka sida.
Anagoo sanad-kasta kobcina saanada iyo qalabka aad ku hawlgashaan, isla markaana wakhti iyo dhaqaale badan gelinay derajada garbihiina ka bidhaamaysa oo aan aaminsanahay in ay qayb muhiim ah ka tahay haybadda iyo hannaanka kala-danbaynta ciidamada.
Waxaad ku calool samaataan in dadkiinu ogyihiin waxaad ugu maqantihiin dawlad-ahaan aanu ku hawlan-nahay daryeelkiina, waxaanan idin farayaa in aad mar walba illaalisaan dhisbiliinka ciidanka oo ah waxa aad kaga duwan-tihiin dadka shicibka ah.
ka dib khudbada madaxweynaha waxa iyana halkaasi lagu soo xidhay kuliyada tababarka saraakiisha oo nasiib wanaag la dabaaldegay sanad guurada 21aad ee ciidanka qaranka Somaliland oo ay ka mid ahaayeen balse ay iyagu kaga duwanaayeen tababarka u soo xidhmay maanta, waxaana shahaadooyin la gudoonsiiyey saraakiil ka kala socday Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Badda waxaanu madaxweynuhu abaalmarino qaaliya gudoonsiiyey saraakiishii galay kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad.
Sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf gudoonsiiyey 10 sarkaal oo ahaa kuwii ugu sareeyey saraakiishaasi tababarka kuliyadu u soo xidhmay, kadibna waxa halkaasi ku soo xidhan tahay xafladii loogu dabaaldegaayey Sanad guurada 21aad ee ciidanka qaranka iyo xafladii xidhitaanka tababarka layliska saraakiisha ciidamada oo ka koobnaa xidigle ilaa dhame ama kabtan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KU SAABSAN MUNAASABADAASI

xa wwww ww wwa shaado siilaanyo ee ede dde dararwayne ciro qaran naciida qq sarkaal dararwayne 2 3 4 10375104_714586788655177_4726944497593916371_n 10377088_714585585321964_1174362750836807951_n


Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g