Skip to main content

seddax bilood inay mushahar la,aadaan shaqalaaha dawlada hoose maxaa keenay ? Badhasaabka Gobolka Awdal

Badhasaabka gobolka awdal oo xilkii u kala wareejiyay xoghayaha cusub ee dawlada hoose iyo xoghayihii hore


Waxa magaalada borama ka dhacday xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay xika ku kala wareegayeen xoghayaha cusub ee dawlada hoose iyo xoghayihii hore ee dawlada hoose munaasabadan ayaa wax aka soo qayb galay badhasaabka gobolka awdal maxamuud saleebaan Rumaax taliyaha qaybta ee gobolka maayarka degmada  boorama iyo shaqaalaha dawlada hoose sidoo kalana waxaanan ka maqnayn goobtaasi bulshada kala duwan ee magaalada boorama sidoo kalana waxa goob joog ka ahaa laamaha wasaaradaha gobolka ,Munaasabadan oo ka dhacday hoolka dawlada hoose ayaa waxa ugu horayn ka hadlay xildhibaanada iyo shaqaalaha dawlada hoose kuwaasi oo si wadajira u soo dhaweeyay xoghayaha cusub ee dawlada hoose waxaanay halkaasi ku soo bandhigeen caqabadihii hortaagnaa dawlada hoose tan iyo markii uu khilaaf soo kala dhex galay maamulka sare ee dawlada kuwaasi oo markii danbe keentay in xoghayaha la badalo geesta kalana waxa iyana xusid mudan in dawlada hoose ay mudooyinkii danbe ay shaqaaluhu ka cabanayeen mushahar la.aan muddo seddex bilooda kuwaasi oo saamayn ku yeelatay hawl maalmeedka dawlada hoose ee degmada boorama taasina ay sabab u ahayd khilaafka ragaadiyay ee soo kala dhex galay maayarka iyo xoghayaha dawlada hoose ee boorama oo xitaa ay gaadhay heer saxiixa xoghayaha la joojiyo halka baankuna uu saxiixa ka joojiyay maayarka boorama walaw markii danbe la isku afgartay in xilka laga qaado xoghayihii dawlada hoose ee boorama xasan yuusuf riiraash xilka qaadistaasina ay ujeedadeedu tahay sidii khilaafka dawlada hoose salka loogu dhigi lahaa munaasabada maanta ee ay xilka ku kala wareegayeen  xoghayaha dawlada hoose ee borama Muumin xuseen iyo xoghayihii hore xasan yuusuf riiraash Munaasabada ayaa intii ay socotay waxa hadalo ka soo jeediyay badhasaabka gobolka awdal maxamuud saleebaan rubaax iyo maayarka magaalada boorama sidoo kalana waxa halkaasi hadal ka soo jeediyay xoghayihii hore ee degmada boorama waxaanu ka  sheekeeyay waxqabadkiisii mudadii sanadka ahayd ee uu joogay dawlada hoose waxaanu yidhi
‘’’’’  waxaan halkan uga mahadcelinayaa shaqaalihii mudada sanadka aan soo wada shaqaynay  iyagoo ahaa shaqaale aad u firfircoon  daryeel u baahan oo mushaharku ku yaryahay  laakiin ah shaqaale shaqadooda ka adag shaqaale firfircoon waxaan leeyahay kolay xoghayaha cusub shaqaalaha waa inaad ka war haysaa  hadii aan ka hadlo waxqabadkii intii aan joogay  kolay waxqabadku aad buu u badnaa sanadkaa 2014 anoo mid mid u taabanaya waxan dawlada hoose u soo iibinay gaadhi xaajiyad oo cusub miisaaniyada waan kordhinay haday shan milyan ahayd waxaan ka dhignay toban milyan taasi waxa weeyi boqolkiiba boqol dakhligu wuu kordhay dawlada hoose hoolkiisa waan hagaajinay waxaan dhamaystiran garoonka kubada cagta ee magaalada boorama ee xaaji daahir stadium jidka dhakhtarka mara waan  dhamaynay ‘’’’’’
Intaasi kuma eka wax qabadka dawlada hoose ee uu wax ka qabtay xoghayihii hore sidoo kalana waxa u ka hadlay shaqaalaha dawlada hoose oo uu sheegay inuu mideeyay waxaanan ka dhignay dad is jecel khilaafka shaqaalaha waan dhamaynay waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha soomaaliland ee iisoo  magacaabay xilkan marlabaadna u garatay muumin oo waayeela xilkana u garatay oo tidhi meesha dhalinyartii baa ku badatee oday halagu eego isagana waxan leenahay ku soo dhawaw ayuu yidhi xoghayihii hore ee dawlada hoose xasan yuusuf riiraash
Sidoo kale intii ay munaasabadan socotay isna waxa halkaasi ka hadlay maayarka magaalada boorama saleebaan xasan xadi waxaana maayarka hadaladiisa ka mid ahaa
‘’’’ Hawshan halkan taalaa waxa weeyi oday baa yimid illaahay hanagu asturo Muumin xuseen  waxaan u malaynayaa inuu ninkan na dhex joogsan doono xoogaa ulaha ayaan isla dhacaynay wuuna dhex joogsan doonaa ‘’’’  Hawsha ugu muhiimsan waxa weeyi waxaan iskugu nimid waxa weeyi inaynu sidii aan isku nimidnay u fulino  waa shaqo shaqada qofku muduu hayaa oo lama dhalan dhaliil baa kaga iman karta  wuu wanaagin karaa hadii markaa dhaliisha timid ay toosi waydo  wajiyo kale ayay ku tusaysaa  laakiin inta meel wada joogtaa waa isku dan Muumin xuseen khibrad dawlada hoose marka laga sheekaynayo uma dhina xoghayana wuu soo maray oo meelaha wax laga qaloociyo wuu garanayaa meeyarna wuu soo noqday meelaha wax laga qaloociyana wuu garanayaa intaba illaahay ha waafajiyo inuu toosiyo waxbad oo culays qaadanayay waxaan aaminasanahay inuu qaadayo Muumin xuseen fkirka aan ka qabo,,, ayuu yidhi maayar saleebaan xasan xadi maayarka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi ‘’’’ hawsha ugu muhiimsan ee taalaa waxa weeyi  reer booramaaw waaan is ognahay halkana waxqabad baa yaala waxbadan oo qabyo ah baa yaala hadaynaan qofka shaqadiisa ku ixtiraamin kaligii waxba qaban maayo hada xildhibaan baa waxa uu sheegayay waxqabadka intaasi wuu ka sii badnaan lahaaye taayaradaa qaar banjarsanaa waana runtii inkastoo ciidamadii kala yahay hadana waan qirayaa waan qirayaa inay xaaladaasi jirto wuxuuna halkaasi ka wadaa sarbeeb ku aadan xildhibaan ka soo horjeeda maayarka oo isagu dhinac kale raacsan oo mooshino wad wada ayuu hadalkaasi ku fasirayaa maayarka oo hadalka sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray in aanu maayarku shaqadiisa u madaxbanaanayn oo xildhibaanada qaarkood dhinac isku raaceen wuxuuna intaasi raaciyay iyadoo xaaladaasi jirto ayuu xoghayuhu arintaasi soo galay ma maayarka ayuu qaban mise xildhibaanada wuxuuna mayar saleebaan sheegay in xoghayuhu dhankii mucaaridka uu raacay oo uu ka wado xildhibaano mooshino mudooyinkii danbe hadal hayay waanan ka heshiinay arinkaasi oo shaqadu sidaada ayay u socotay ayuu yidhi maayarku seddexda bilood ee roobku nagu da,ayay waxaan filaynaa inaan ka fiicnaan doono shaqaduna way hagaagi doontaa ayuu maayarku yidhi ‘’’’
Gabagabadii ayaa waxa madashaasi ka hadlay badhasaabka gobolka awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax oo soo afmeeray munaasabada xilwareejintaasi  waxaanu yidhi
‘’’’’ Ma doonayo qudbadayda ugu horaysa ee iga baxdaa inay noqoto mid maag sidata noqoto Runtii wax la qaadan karro maaha ama laga dulqaadan karo maaha waxa dawlada hoose ee boorame sidii horaba loo xaqiijiyay Muddo ay sidan la ahayd waa arin aad u fool xun waa arin dhacday waa arinbta galaafatay xoghayaha waa arin galaafan doonta rag kalana waxba idin qarin maayo waayo kaligii maaha qaladku waxa weeyaan seddax bilood inay mushahar la,aadaan shaqalaaha dawlada hoose maxaa keenay ? Waa khalad yaala dawlada hoose waxa dhacay halkan waxaan ku hayaa xilwareejin dakhliga ay tirsanayaane xisaabsanayaan ee xogahayuhu leeyahay waan tirsanayaa waa dakhliga wali wasaarada ku maqan ma bixin karto ma rumaysan karno in dawlada hoose ee boorame mushaharkeeda iska bixin waydo in la yidhaahdo kan bay sugaysaaa runtii wax la qaadan karo ! Boorama waxa ay ka mid ahayd degmooyinka dawlada dhexe dhaqaaleheeda kuwa kaba ayay ka mid ahayd iyadii baa maanta iska bixin karri wayday mushaharka shaqaaleheeda oo laga sugayaa kabka dawlada dhexe ka yimaada runtii waa nasiib darro runtii waxa muhima inaan fahano umada maxaa u dana maxaa reer boorama u dana  295 shaqaale ah baa jooga khasnada caawa waxa ku jira boqol iyo sagaashan hadaan idhaahdo seddaxdii biloodbaa ka idin wada siinayaa sidaan iminka codsanayseen been baan idin sheegaynaa been in dadka loo sheegaa maahe in dadka runta lagu dhaqaa waxaan xoghayaha iyo maayarka kala shaqayn doonaa in kabkoodii degdeg loo soo daayo khaladkan malaha qoladan oo kaliya wasaarada laftigeedaa qayb ka ah laakiin waan saxaynaa khaladku inuu halkaa gaadhaa runtii may ahayn dakhligii dawlada hoose hoos buu u dhacay halkii wiigii 90milyan ay soo gali jirtay 14milyan bay iskugu soo ururtay ma wax la qaadan karaabaa lacagta dibada halagu qabto ma wax maamul la odhan karaabaa khasnada yaan la xarayn wax la odhan karo maahaa runtii waxyaabaha aan la yaabaha jiraaa maaha  qof ama labo iyo seddex lagu tilmaami karro maaha khaladkan meesha ka jiraa  waan u gunto degaynaa haday kalifayso  waan saxaynaa dawlada hoose waan saxaynaa waan saxaynaa waan saxaynaa !cid kastana shaqadeeda ha garato ?! sidaa waxa yidhi badhasaab Maxamuud saleebaan Ramaax
Isku soo wada duuboo khilaafka ka jiray dawlada hoose mudada seddaxda bilood ayaa ahaa kuwo shaqaalaha dawlada hoose ka galaaftay mushaharkooda iyaga oo aanan mudo 3bilooda aan wax mushahar ka qaadan dawlada hoose geesta kalana waxa u badhasaabka gobolka awdal faray maayarka magaalada boorama iyo xoghayaha cusub inay sida ugu dhakhsaha badan ay mushaharka ay siiyaan shaqaalaha Ugu danbaytiina halkaasi ay xilka ku kala wareegeen xogahayaha dawlada hoose Muumin xuseen iyo xoghayihii hore ee dawlada hoose xasan yuusuf riiraash
Waxaana Xoghayaha cusub ee dawlada hoose looga fadhiyaa inuu saxo dhamaan khaladaadkii ka jiray dawlada hoose ee muddaba maaraha loo waayay
Nuux kadiye
Borama Post 

Boorama 

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g