“Xurmo daro igama aha laakiin Canfar iyo Soomaali Galbeed oo 80kii jooga ayaynu noqonay miyaa?” Cali khaliif galaydh
Hargeysa, (BP)-Siyaasiga ay go,doomisay aragtidiisu ee horjoogaha u ah kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa ka weji dadbay tallo ay u soo jeediyeen qurba jooga badhitaara xarakaddaa Somaliland
diidka ah, isla markaana wuxuu codsigooda barbar dhigay fikir kale oo ka duwan ka ay u soo jeediyeen.
Siday faafisay shabakada Kalshaalenews, waxa shir khadka telefoonka ah yeeshay qurba jooga taageera mashruuca Khaatumo iyo hogaamiyaha barnaamijkaa Cali Khaliif, isla markaana waxay qurba joogu kula taliyeen Cali Khaliif inuu dib ugu laabto deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool oo uu dhaqaajiyo hawsha maamulka. Hase yeeshee siday shabakadaasi faafisay, Cali Khaliif Galaydh wuxuu kaga jawaabay taladaa oo uu yidhi; “Saaxdheer ciiddan iigama horeeyo, idinkuna diide in aad kharash bixisaan, markaa maxaan ka doonaa”. Warkaa shabakada kalshaalenews
s wuxuu intaa ku daray, in Cali Khaliif taladaa bedelkeeda uu soo jeediyay fikir kale oo ah in Khaatumo xafiis looga furo magaaladda Muqdisho, si uu hawlihiisa halkaa uga wato. Hase yeeshee, Fikirkaa in xafiis laga furo Xamar ee uu soo jeediyay Cali Khaliif, ayaa ku noqday qurbajooga lama filaan, isla markaana waxa la sheegay, in laysku celceliyay hadalo is khilaafsan. “Xaalkii shacabka SSC ma wuxuu marayaa aynu xafiis ka furano Muqdisho, oo imika ma sidii ajnabi ayaynu uga dhex dhaqanaa Soomaaliweyn dhexdeeda?”. “Xurmo daro igama aha laakiin Canfar iyo Soomaali Galbeed oo 80kii jooga ayaynu noqonaynaa miyaa?”. Weedhahaa iyo qaar kale ayaa ka mid ahaa warka ay faafisay shabakadaasi ee laysku dhaafasaday shirkaa, oo uu Kalshaalenews sheegay in mar kale loo balamay.
Inkastoo Cali khaliif ku dhawaaqay khaatumo, isla markaana uu bedelay magacii hore ee SSC, haddana ilaa haatan wuxuu u muuqdaa nin sii go,doomaya, oo iska furi kari la, dabarka, isla markaana weli ku sii dhegan caroog colaadeed, oo aanay dadka deegaanku jeclaysan maqalkiisa. Dadka siyaasadda iyo dhacdooyinka saameeya ee mandaqada rogrogaana, waxay u arkaan nin tuhunkii laga qabay uun iska qaaday, balse aan wax kale soo kordhin. Sidaa darteedna ay la gudboon tahay dadka deegaankasi inay la jaan qaadaan dadkooda kale ee Somaliland, iskana daayaan baala daymoodka intooda weli u hanqal taagaysa meelaha kale.
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah