Skip to main content

Waar yaa yidhi Ciidanka Qaranka Somaliland waxa la asaasay 1994kii? Anigu waxan qabaa oo run ah in la asaasay markii ugu horeysay 1901dii…..Cali Guray

Waar yaa yidhi Ciidanka Qaranka Somaliland waxa la asaasay 1994kii? Anigu waxan qabaa oo run ah in la asaasay markii ugu horeysay 1901dii, ururkii ugu horeeyayna tababarkiisa dhamaystay bishii May ee isla sanadkaasi taliyena waxa u noqday nin Ingiriis ahaa oo la odhan jiray Captain Swayn. Bishii June 26dii 1960kii markii ay Somaliland madaxbanaanida heshay tirada ciidankaasi waxay gaadhay afar urur ama battalion oo 2000 ah. Ciidankaasi oo markii hore la odhan jiray Somali Scout wuxu noqday ciidan qaran 26 June 1960kii.

1dii bishii July markii ay Somalland israac aan shuruud lahayn kula midawday Somalia oo hal askari oo milatari ah lahayn Ciidankii Somaliland ayaa laga unkay Ciidankii Qaranka ee Xooga Dalka Somaliyeed. Markaa hadii la yidhaa Ciidanka Qaranka ee Somaliland waxa la asaasay 1994kii yay ahaayeen 2000 ee ciidanka Somaliland yaase looga tegayaa taariikhdoodii? Ma Somalia oon lahayn hal askari ayaa taariikhda ciidankii Somaliland looga tegayaa? Astaamaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed labada waran iyo gaashaanka waxay ka dhaxleen Somaliland Scout ee noqday Ciidankii Qaranka Somaliland markii ingiriisku tegay.Isteelaha ama xidigta kaladhadana waa biladii NUF. Wax ay iyagu lahaayeenba ma jiro. Markaa xaalku ma sidan ayuu sax ku yahay oo waxaynu taariikhda Ciidanka Qaranka ka bilawnaa 94kii mise in dib wax loo eego ayaa haboon?

Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Comments

Popular posts from this blog

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Fashilka Dawlada hoose ee Degmada boorama iyo Mooganaanta shacabka Reer Boorama

Marka hore waxa aan halkan salaam kal iyo laaba uga dirayaa cid kasta oo magacayga iyo muuqayga taqaana waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka . Bacda salaam

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.