Skip to main content

Hubkii sida sharci darada ahaa ee dakada barbara laga helay oo lagala degay iyo xukuumada oo la wareegtay tan iyo inta cida leh la helayo sabab dawo sawiro

Hargeysa:(Boramapost)-Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya markabka Mv Shaakir ee shixnada hubka ah siday ayaa la sheegay inay gebi ahaanba dhulka laga soo dhigay hubkii saareen oo ay xukuumada Somaliland la wareegtay .


Markabkan oo in mudo ah ku xidhnaa marsada Berbera ooku rarnaa bagaash iyo saanad milateri oo culus ,taas oo ahayd mid si shar-cidaro uu ugu soo xidhaya Dekada ,isaga oo aan wax ogaysiis ah soo bixin oo an sheegin inuu hub meelkale loo sido uu saaranyahay ,balse markii mudo alaabtii bagaasha somaliland loo sida la rogayey ayaa ay arkeen xamaaliintii kadib la wargeliyay laamaha amaanka sidaan lagu xanibay markabka ,kabtanka markabka oo sida la sheegay kolba meel ka fadkudiyey isagoo mar sheegay inuu carwo u waday Dubai ku taal ,laakiin aan sheegin cida leh hubka .

Intii ay baadhitaanadu socdeen ma jirto cid sheegtay oo tidhi anaga ayuu noo socday ,taas oo cadasay inuu hub kootaraabaan ah ahaa ,
Xukuumada somaliland oo mudo baadhitaan dheer ku waday ayaa xalay cawayskii go’aan ku gaadhay inay la wareegto gebi ahaanba hubkaas ,taas oo badi laga rogay markabka marka laga reeboo dhawr gaadhi oo cilad farsamo awgeed xalay u baaqday ,kuwaasna waxa laga yaabaa in saacadaha soosocda laga dejindoono , Sidaas waxa somalilandlive.comgoobjoogayaal ku sugan gudaha degada Berbera

Saanadan ayaa xaga ciidanka qaranka waxweyn ka taridoonta ,isla markaan waxa la odhan karaa waa cudud ku soo biirtay awoodii ciidanka qaranka Somaliland waana guul-weyn oo u soo hoytay qaranka oo qarash la’aan ah.

Gebagebadii ma jiro wax war ah oo ay ilaa hadda xukuumad Somaliland ka soo sartay la wareegida hubkaa ,balse waxa la filayaa inay saacadaha soo socda ka warbixiyeen .


http://www.allxiiso.com/wp-content/uploads/2015/02/hubka-casriga-ah-ee-markabka-berbera-saaran-3.jpg
http://www.allxiiso.com/wp-content/uploads/2015/02/hubka-casriga-ah-ee-markabka-berbera-saaran-1.jpg
http://www.allxiiso.com/wp-content/uploads/2015/02/hubka-casriga-ah-ee-markabka-berbera-saaran-2.jpg












































Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.