Skip to main content

Dawladda Iyo Cuqaasha Ku Dhawaaqay Heshiis Aanay Ka Baaraan-Degin Halistiisa

Hargeysa(Borama-Post)-Laamaha amaanka Dawladda, Cuqaasha, Maamulka Gobolka Maroodijeex ayaa shalay  kulan ay ku yeesheen Xafiiska Badhasaabka Gobolka  Hargeysa ka soo saaray qaraarro kale oo qayb ka ah wax ka qabashada falalka amni-darada ah ee ku soo batay Caasimada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Booliska,Arrimaha gudaha,madaxda heer gobol iyo Cuqaasha, ayaa qodobada laga soo saaray waxa ka mid ah inaan mag-dhow laga bixin Dhalin-yarada ku dhimata ama waxyeellada kale ka soo gaadho hawl-galada Boolisku ku qabqabanayo Kooxaha Budhcad-magaaleed noqday ee ay bulshadu khaatiga ka joogto.

Xubno ka mid ah Cuqaasha Gobolka oo kulanka hadalo ka jeediyay ayaa isku waafaqay sida loogu baahan yahay in wax laga qabto dhalinyarada amniga khal-khalinaya“Annigu waxaan taaganahay, Cuqaashana aan leeyahay ha igu taageerto in  kii ku dhinta hawlgalka Booliska aynaan mag ka qaadan… Meel xun bay caruurteenii maraysaa, amaankeena iyo wadankeena yaanay inaga khalkhaline waxan leeyahay mag ma laha ka hawlgalka lagu dilaa” ayey shirka ka yidhaahdeen xubno ka mid ah Cuqaashu.

Caaqil Halac Colaad oo kulanka ka hadlay ayaa isna soo jeediyay in dhalinyarada arrimaha ka dhanka ah amaanka lagu soo xidho xabsiga loo dheereeyo “Waxaan leeyahay Kuwa aan la dilin ee la xidho, Xabsiga ha loo dheereeyo, waliba Gobolka uu u dhashay inta laga qaado Gobol kale halagu xidho” ayuu yidhi Caaqil Halac.

Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Mudane Jeeniyare ayaa isna halkaasi ka sheegay inaanay u dulqaadanayn dhibaataynta amaanka “Annagu Gobol ahaan u dulqaadan mayno in aayar oo dhalatay magaalada fawdo laga sameeyo, oo dadweynaha kala duwan dhibaato loo gaysto, oo magaalada la kala xidho, oo la yidhaahdo Daacish bay la baxeen,waxaasi suuroobi mayso.Dawlad baanu nahay,annaga iyo Innamadu waanu kala adkaanaynaa cuqaaleey” ayuu yidhi Badhasaab Jeeniyare.

Taliye xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa Cuqaasha ku bogaadiyay go’aamada lagu sugayo amaanka “Waxaanu idiinka mahadnaqaynaa inaad nala qaadateen inaad amaanka nala sugtaan iyo go’aanka aad ka qaadateen Ninka Dambiilaha ah inaydaan noogu iman oo haddii uu Nabadgalyada soo weeraro inaanu dilno oo aad nala qaadateen”.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha Cismaan garaad Soofe oo gabogabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in go’aamadan degdeg loogu dhaqmi doono islamarkaana la dar-dar galin doono sugida amaanka Magaalooyinka.

Xukuumadda oo hogaaminaysa laamaha nabad-gelyada, ayaa hore ugu dhawaaqday inay ciqaab adag mutaysan doonaan Dadka lagu qab-qabto falalka tuugada iyo rabshadaha isugu jira, siiba dhalinyarada baxdoobay iyo Waalidiintoodu, kuwaasoo xabsi dheer iyo ganaax lagu ciqaabi doono.

Go’aamada hore ee dawladda uga soo saartay arrimaha nabad-gelyo xumada, ayaa  dadweynuhu si weyn u soo dhaweeyay, hase-ahaatee qaraarkan cusub ee ka dambeeyey kaas hore, ayaa u muuqda mid xaasaasiyad badan abuuraya, isla markaana ciidanka booliska oo aan lahayn tababar fiican, hadana  awood u siinaya inay toogasho badheedh ah sameeyaan, taasoo ay ugu gaban karaan howl-galada ama in naftooda la soo weeraray.

Inkasta oo ay Hay’addaha Sharciga u taallo sida lagu xakamayn karo dhaqan-galka heshiiskan, hadana waxa daruuri ah inaan lagu deg-degin ilaa si qoto dheer looga baaraan, lana dejiyo xeer nidaamiye qeexaya goorta uu askariga Booliska ahi qofka shicibka ah toogan karo iyo sida lagu xaqiiqsan karo inuu ku gudo jiray dhibanuhu ama qayb ka ahaa falal nabad-gelyo daro.

Waayo, xakameyn la’aanta Booliska hubaysan ee nabad-gelyada Shicibka sugayaa, waxay keenaysaa inay kordhaan waxyeelleynta Ciidanku u geystaan shacbiga iyo dhibaatooyinka ka dhasha.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.