Skip to main content

Baarlamaanka Dalka Turkiga oo Meel Mariyay Arin Farxad Galisay Dowlada Somaliya

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa shalay ansixiyay sharci lagu kordhinayay joogitaanka ciidamada Badda turkiga ee qeybta ka ah howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee ka socda gacanka Cadan.
Baarlamaanka ayaa u ogolaaday ciidamadaasi inay howlgalkaasi kasii mid ahaadaan sanad dheeraad ah, kadib markii baarlamaanka sharcigaasi shalay la horgeeyay.
Sanadkii 2009 baarlamaanka Turkiga ayaa aqbalay in cutubyo ka tirsan ciidamada badda Turkiga ay ka howlgalaan xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan, iyagoo qeyb ka ah howlgalka Nato ay ka wado xeebaha Soomaaliya.
Howlgalkaasi ayaa la kordhiyay marar badan, waxaana ciidamada Turkiga la sheegay inay kahortageen weeraro burcad badeeda ay ku qafaalan lahaayeen maraakiib ganacsi iyo kuwo kale.
Axmed Berat Conkar, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Turkiga ayaa sheegay in tan iyo 2009 kii ciidamada turkiga ay ka hortageen 179 weerar oo ka dhacay gobolka, ayna sii wadi doonaan dadaalkooda.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.