Skip to main content

Seefta Madaxweynaha ayaa la Fillayaa in ay Qaadato Wasiiro, Agaasimayaal iyo Hay’adaha Madaxbaan ee Dawlada.

Hargeysa (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siiilaanyo) Ayaa la Fillayaa in uu Isku Shaandhayn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.
Ilowareedyo lagu Kalsoon yahay  ayaa Tilmaamaya in uu Madaxweynuhu waddo Qorshayaasi ah in uu isku Shaandheeyo Dawladiisa,
Waxaana La Filayaa in Todobaadkan aynu ku jirno ay Soo Baxdo isku Shaandhayntaasi oo Saamayendoonta Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha iyo Hay’ada Madaxbaan ee Dawlada
Wararka aanu helayno ee Arrintaasi ku saabsan Waxay intaasi ku darayaan in Ujeedadii Safarkii Madaxweynuhu ay salka ku haysay Sidii uu ula socon lahaa Xaalada Deeganada kala duwan ee Somaliland iyo Waxqabadka Xukuumadii, waxana la sheegay in  Deegano badan oo Madaxweynuhu Booqday ay ka Cawdeen Wasiirada uu u Magacaabay oo ay sheegen in aanay waxba u qabban.
Madaxweyne_Siilaanyo2013Waxa kale oo Jirta in Wali Madaxweynaha Somaliland ay Hortaalo Cabashadii gollaha Dhaqanka ee Gobolada Awdal, Salal, kuwaasi oo ka Cabanayey Saami Qaybsiga Xukumadiisa oo ay Tilmaameen in aanay Wixii ay Xaqa u laahaayeen aanay wali hayn, cabashadaasi hore ee ay Madaxweynaha u soo gudbiyeen Golaha Dhaqanka Goboladaasi ayaa waxa sii Xoojiyey Mid ka mid ah Qodobadii Tobanka ahaa ee laga soo Saaray Shirkii beelaha gada-buursi oo ay Madaxweynaha ka Codsadeen in uu Fuliyo Cabashadooda sida ugu Dhakhsaha Baddan, waxana la sheegayaa in Arrimaha ugu waaweyn ee keenaya isku Shaandhayntu ay ka mid tahay Cabashadaasi Reer Awdal.
Wararka Qaar ayaa sheegaya in Seefta Madaxweynuhu ay la Taagidoonto Qaar ka mid ah Wasiirada ugu Tunka Weyn, kuwaasi oo la Tilmaamayo in uu ku Badalidoono Siyaasiyiin Saaxada siyaasada  ku cusub iyo waliba Siyaasiyiin uu Xisbiyada Mucaaridka ka soo Kaxaysto.
Madaxweynaha ayaa la Fillayaa in uu Xukumadiisa ku Soo kordhiyo Wasiiro dawlayaal iyo Wasiiro ku-xigeeno loo sameyndoono wasaaradaha aanay lahayn Xilalkaasi, iyada oo la sheegayo in lagu qancindoono Xilalkaasi Cusub Qaar ka mid ah beelaha Somaliland oo Saluugsan Saamiyada ay ku leeyihiin Xukumada.
Si Kasta ha ahaateen Mudada Xukumada Madaxweyne Siilaanyo u hadhay ayaa ka yar Shan Billood
source:waaheen

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.