Skip to main content

Buug uu qoray abwaan mustafe barkhad c/laahi dhinbiil oo ka hadlaya arimo dhawra oo ay ka mid tahay jaceylka iyo arimaha bulshada

Buugaan magaciisu waa Milgo Dhawr waxaa ku qoran suugaan ka hadlaysa qaybaha kala duwanee bulshada sida jacaylka nabada, horumarka aqoonta tahriibta oo ah aafo soomalida ku habsatay
waa buuggii labaad ee ay ku dhawrsan tahay suugaanta abwaan dhinbii;l.waxaana buugan uu qoray abwaan dhinbiil uu noqonayaa buugii labaad ee uu qoro buug hore oo uu qoray oo la yidhaahdo Gaaxmaal ayaa waxa uu noqday buug si wayn bulshadu uga faaidaysatay waxaana buugaagta uu qoro dhinbiil ku jira qeybaha suugaanta arimaha kala duwan ee bulshada iyo waxyaabo kale buugan ayaa la filayaa inuu dhawaan soo baxo islamarkaana la soo bandhigo walaw hada buugan daabicidiisa iyo tifaftirkiisa lagu gudo jiro si kastaba ha ahaatee abwaan dhinbiil ayaa ah wiil dhalinyaro ah islamarkaana illaahay ku manaystay suugaan cajiiba taasi oo uu marwalba kaga hadlo hadba marxalada dalka ka taagan ama marxalada ay bulshadu ku sugan tahay walaw lagu xasuusan doono abwaan mustafe barkhad c/laahi maanso uu ka sameeyay siyaasada soomaaliland oo ku saabsanayd isaga iyo marxuum maxamed xaaji ibraahim cigaal ay si riyo leh iskugu warameen kagana hadleen marxalada dalku ku sugan yahay ka dib dhimashadii cigaal mustafe dhinbiil ayaa la filayaa buugiisan in dhawaan daawaha laga qaadi doono taasina ay ka dhigayso buugii labaad ee uu qoro kagana xog waramo hibada illaahay siiyay ee ku saabsan suugaanta ku duugan maskaxdiisa geesta kale mustafe ayaa waxa uu soo saaray abwaano yar yar kuwaasi oo uu macalin u noqday ugana faaidayeeyay hibada illahay uu u siiyay hal-abuurnimada waxaan sugnaaba waa buuga milgo dhawr ee dhawaan uu so saari doono abwaan mustafe barkhad c/laahi abwaan dhinbiil



Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.