Skip to main content

Nuxurka Ay Xambaarsan Tahay Daraasad Qarsoodi Ah Oo La Iskugu Soo Dhawaynayo Wada Hadalka Somaliland iyo Somalia



Hargeysa(Boramapost) Hay’adda Conflict Dynamics International, oo fadhigeedu yahay Cambridge ayaa daraasad hor dhac ah oo uu sanadkii dhamaaday soo bandhigay wuxuu ku shaaciyay qorsheyaal la iskugu soo dhawayn karo Somaliland iyo Somalia.

Daraasaddan ayaan la ogayn in Somaliland qayb ka tahay balse waxaa laga dheehanayaa inay ku jirto maadaama daraasaddu ku salaysan tahay talooyin iyo ikhtiyaaro la iskugu soo dhawaynayo Somaliland iyo somalia, waxaana sidoo kale lagu xusay wada hadalada socda.
Daraasaddan ayaa xoogga saaraysa sidii talo ku haboon oo la iskugu keeno Somalia gudaheeda iyo Waliba Somaliland iyo Somalia looga bixin lahaa 6 Qodob oo kala ah Qaabka ugu haboon ee Qaab dhismeedka Siyaasadeed iyo Maalmul daadejinta,Hanaanka doorashada,Dheelitirka Waaxda Fulinta, Waaxda Sharci dejinta,Ka qayb qaadashada dadweynaha iyo isku habaynta dhaqanka iyo Caadada.
Daraasaddan ayaa sidoo kale lagu sheegay in la iskugu soo dhaweynayo Fikraddaha iyo danaha kala duwan ee Shakhsiyaadka,bulshooyinka,iyo Kooxaha Soomaalida ah.
Daraasadda waxaa loogu mahadceliyay Soomaali badan oo ku biiriyay Caqliyadda iyo fikraddaha ay hayaan,kuwaasi oo darafyo ka ah qorshaha ay soo bandhigayso Daraasaddani.
Haddaba wargeyska Himilo ee fadhigiisu Hargaysa yahay ayaa xidhiidh la sameeyay agaasimaha machadkan Conflict Dynamics, Mr Paul Simkin, oo la waydiiyay ujeedada daraasaddan iyo inay qayb ka yihiin Masuuliyiinta Somaliland, waxaanu sheegay inaanay awood u lahayn inay bulshada u bandhigaan waxyaabaha ay Masuuliyiinta labada dhinac la wadaagayaan maadaama arrintani tahay mid qarsoon “Taageerada Hay’adda Conflict dynamics ee hawshan waxaanu u samaynaa qaab  qarsoodi ah,suurto galna maaha inaanu idin la wadaagno fikraddaha dhinacyada aanu la shaqayno” ayuu yidhi Mr Paul.
Agaasimaha hay’addani waxa uu sheegay in masuuliyadda ka warbixinta ay yeelan karaan hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Somalia “Haddii hogaamiyeyaasha Somaliland ama Somalia jecelyihiin inay idinla wadaagaan fikradahooda waxaan kugula talin lahaa inaad toos ula xidhiidho iyaga,xal waara waxa uu ka iman karaa keliya shacabka iyo hogaamiyayaasha somaliland iyo somalia” ayuu yidhi Mr Paul.
Hay’addan ayaa laga dheehanayaa daraasaddeeda inay soo jeedinayso in hanaanka federaalka Somalia keenay guulo ku wajahan amaanka iyo ka bixida dawlad ku meel gaadh ah,sidaas darteeda ay haboon tahay in la sameeyo hanaan maamul daadajineed oo hanaanka federalka ku salaysan, in qaabka doorashada laga dhigo mid yeelan kara Koodo meelaha qaar si awooda loo qaybsido, in hanaanka go’aan qaadashada ee fulinta ay ka jirto isku dheelitiri dhinacyada ah iyo arrimo kale oo dhamaantood ku saabsan awood qaybsiga Somalia lagu midayn karo.
Daraasaddan oo si aada loogu soo lafo guray Qorsheyaal iyo qaabab ku salaysan hanaan federal oo sida muuqata lagu midayn karo Somaliland iyo Somalia waxaanu idiin soo gudbinaynaa Gabogabadii Daraasadda oo Luuqadda Ingiiriga ku qoran:
6. Conclusion
Somalia and Somaliland face the critical task of establishing viable governance arrangements that will foster long-term peace, growth, and build upon a shared Somali culture. The recent history of Somalia and Somaliland has set clan against clan and institutionalized mistrust and conflict. To move away from this destructive past to a more peaceful and prosperous future can only be achieved within systems and processes that take account of the varied interests and objectives of all Somali people. The political accommodation approach offers a means to help design governance systems and processes that can help mutual conciliation. Taking a whole system approach and looking for opportunities for political accommodation across the six strands increases the chance of a successful outcome. Processes and systems that focus only on one aspect of governance, or which fail to take account of the multiple interests of Somali people and communities, have a much more limited chance of bringing sustainable peace. As this Briefing Paper has found, many of the existing legal frameworks across Somaliland and Somalia, while not yet fully accommodating of different interests, do have the potential to be refined to reflect agreements reached - be they between Somalia and Somaliland or within Somalia.
The constitutional frameworks of the Provisional Federal Constitution, the Somaliland Constitution, and the Puntland Constitution allow for adaptation to increase the opportunities for political accommodation within those frameworks, and between the different entities. Whatever arrangements the Somali people decide to adopt, they need to reflect the history, culture, and traditions of the Somali people. Other contexts offer ideas but to be successful the solutions adopted by the Somali people must be rooted in Somali experience. A necessary next stage of this process is focused dialogue, informed by the reality of the Somali situation and by ideas from other parts of the world, to find ways to accommodate political interests between Somaliland and Somalia and within and between Somalia’s constituent entities, including Puntland and communities in southern and central regions. Regions and central authorities need to agree among themselves a process for the establishment of new entities, and means to resolve territorial disputes between emerging and existing authorities.
The six possible option categories that Somali people and leaders may find useful to consider range from a decentralized unitary State at one end, to separate States interacting through treaties and international organizations at the other. When examining the opportunities for political accommodation within these option categories it is important to remember that accommodation needs to happen not only between Somalia and Somaliland but also within all political units.
The option categories demonstrate that there are many ways to accommodate varied, and even competing, interests and that openness to different approaches has helped other societies form strong and responsive political units and arrangements. Long-term stability requires the continuation of dialogue and reconciliation within and between Somalia and Somaliland. The spectrum of option categories presented in this Briefing Paper are designed to offer additional substantive content for this dialogue process, in the expectation that interlocutors from across Somalia and Somaliland can begin to find common ground within those technical components.
As Somali people and leaders consider the future, it is important to remember that governance arrangements gain legitimacy through the support of the people and the reliability of rule of law. In considering a process to refine existing governance frameworks, and to create new ones, Somali leaders will need an approach that is inclusive and iterative. Existing processes between the Federal Government of Somalia and the Government of Somaliland, between Hargeisa and Garowe, or Garowe and Mogadishu, and processes to establish federal member states south of Puntland are all interconnected and will impact on one another. The best means to ensure that this does not result in conflict is to ensure that all processes are accommodating. This Briefing Paper offers ideas to inform ongoing processes within and between Somalia and Somaliland, it does not offer recommendations but suggests approaches that could lead to a more sustainable peace.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g