Madaxweynaha JSL Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Kana Dhegeystay Xog-waran Ku Saabsan Dar-dargelinta Shaqaalaha ----------------------------------------------------------------------------- Hargeysa(Warbaahinta Xisbiga Kulmiye ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gudida sare ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka kooban qeybaheeda kala duwan ee Hay’adda shaqaaluhu ka kooban tahay, la qaatay kulan la xidhiidha sidii loo dar-dargelinlahaa loona tayeyn lahaa shaqaalaha Dawladda. Markii kulanku soo dhamaaday waxa saxaafadda la hadlay gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharmaake Axmed Muxumed Geelle, waxaanu yidhi “Saaka gudida sare ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka kooban qeybaheeda kala duwan ee Hay’adda shaqaaluhu ka kooban tahay, waxay kulan xogsiin iyo xoq qaadasho ah ay ugu yimaadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxweyne ku xigeenka, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ...