Skip to main content

Fanaan Hilaacii Hirgalay aabihii oo la sii daayay iyo Wariye ibraahim Suxufi oo faalo ka diyariyay xaalku aaabahaasi

Hargeysa {SUXUFI TIMES} C/raxmaan Xassan Oo Ah Aabaha Dhalay Fanaanka Nimcaan Hilaac Sidoo Kalena Ah Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Ayaa Dib U Heley Xorriyadiisa Goordhaweyd Oo Galabtii Gaabnayd Ah,



 Kadib Markii Uu 6-Maalmood Ku Xidhnaa Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Boorama.
Siidaynta Sarkaalkani Ayaa Timid Kadib Markii Amar {Warqad} Ka Soo Baxay Garsoorka Ugu Sareeya Maxkamada Ciidamada Somaliland Ee Magaalada Hargeysa Lagu Cadeeyey In Aanay Wax-ba Ka Jirin Eedaymaha Loo Haystay Maxbuuska.
Sidaasi Darteedna Lagu Amray Taliska Qaybta Ee Gobolka Awdal In Si Degdeg Ah Uu Xoriyadiisa U Siiyo 3-Xiddigle Cabdiraxmaan Xasan Muuse.
Maxkamada Oo Dacwadani Qaaday 2-dii Maalmood Ee U Danbaysay Ayaa Xustay In Waxa Lagu Soo Eedeeyey Ay Yihiin Eedaymo Ka Dhan Ah Shaqsi Aan Ahayn Mid Huwan Magaca Ciidanka Qaranka Somaliland Taasi Oo La Macno Ah In Eedaymo Loo Haysto Wiilkiisa Aan Isaga Marnaba Loo Raacan Karin.
Balse Qoraalka Ka Soo Baxay Maxkamada Laguma Xusin In Raaligelin Laga Bixinaayo Qaabkii LooLa Dhamay Maxbuuska Markii Ay Ciidanku Soo Xidhayeen Oo Uu Tabanaayey Isagu In Ay Ahayd Mid Sharciga Baalmarsan.
Maxkamadani Ayaa Ah Mid Iyadu Qaabilsan Danbiyada Lagu Soo Eedeeyo Saraakiisha Ciidanka Iyo Police-ka Somaliland.
Sida Laga Warabo Sabtidii La Soo Dhaafay Ayey Ahayd Markii Ciidanka Police-ku Ay Gurigiisa Ka Soo Qabteen Isaga Iyo Gabadh Uu Dhalay 3-Maalmood Ka Hor La Sii Daayey. Iyada Oo Loo Haystay Eedaymo Ka Dhan Ah Wiilka Heesaaga Ah Ee Uu Aabaha U Yahay AL-Fanaan Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan {Nimcaan Hilaac}.
                                           Faallada: Suxufi Times
                                               Ibraahim Suxufi 
                                                    Boorama

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g