Skip to main content

Sadaxdii dhadhaar ee laga aaminsanaa shacabka gobolka awdal Wax malaga badali doonaa mise xaalku sidii hore ayuu ahaan doonaa

Kadiye Media ( Boorama)  Sadaxdii dhadhaar ee laga aaminsanaa shacabka gobolka awdal Wax malaga badali doonaa mise xaalku sidii hore ayuu ahaan doonaa

Shacabka Gobolka awdal ayaa ah kuwo waayadii ugu danbaysay ay soo kala dhex gashay kala qayb sanaan xoogan oo ay sabab u tahay siyaasada Maamulka isaaq ku hogaamiyo somaliland , inkastoo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal noqdeen marin ama wadadii loo soo mari lahaa kala gaynta shacabka xariirta ah ee ku wada Nool Guud ahaanba Gobolada baaxada balaadhan ee Awdal iyo salal
 Ma jiro siyaasi ka soo jeeda Gobolka oo isagu la odhan karo waa mid u daneeya maslaxada Gobolka kana hadla danaha iyo rabitaanka shacabka awdal ee ku dulman somaliland tan iyo markii somaliland la aasaasay ree awdal waxay ahaayeen kuwo aan si saxa u helin xuquuqdii iyo xaqii ay ku lahaayeen dawlada somaliland ee maanta 27sano jirsatay , Marka ay timaado xillalka dawlada waxa hubaala in Gobolka awdal aanu helin Mansab la odhan karo shacabkii ayay qanciyeen waxaana mudo labaatan sano ka hor shacabka awdal xilalka lagu siiyay 3 dhadhaar oo ay ula jeedaan beelaha gobolkani ku nool ilaa maantadaas kootadaas dhadhaarada ah waxba lagama badalin siyaasi gobolka awdal ka soo jeeda oo arintaasi ka hadlayna ma jiro iyada oona ay hubaal tahay inaanay ka hadli doonin sidii wax looga badali lahaa sadaxda dhadhaar ee halhayska u ah beelaha isaaq ee iyagu marwalba Hogaanka u haya majaraha Somaliland



Hadaba somaliland waxay taagan tahay heer wanaagsan oo maanta ay kaga horayso wadamo ku yaala qaarada Africa doorashooyin hanaan wanaagsan u dhacayna somaliland way hirgalisay dunida oo dhan ayaa il gaara u ky haya jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday inay ka goosatay Somaliya inteeda kale mudada ay somaliland goonida ka tahay wadankii somaliya ma aysan helin aqoonsi caalamiya balse wali waa ay ku taamaysaa Mustaqbalka soo socda, Somaliland waxa lagu dhisay Nidaam beeleed maanta taagan meel wanaagsan oo Qofkastaayi ku faani karo , Nabadgalyada, caafimaadka, biyaha , waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kale isku socodka dadka ayaa ah mid qofka somalilanderka ahi uu si wayn ugu qanacsan yahay rajo wayna ay ka qabaan in somaliland hore u socoto oo aanay dib ugu laaban wakhtiyadii madoobaa ee laga soo Gudbay

Sanadkan 2017 doorashadii somaliland ka dhacday waxa ay ahayd Mid aduunwaynuhu si wayn uu ula dhacay maadaama doorashadaasi ku dhamaatay jawi wanaagsan oo nabadgalyo ku dheehan tahay mudo 21 maalmood oo olole doorasho lagu jiray marnaba wax dhibaato ah lama soo sheegin ilaa markii danbe lagu dhawaaqay natiijadii doorashada somaliland oo dad badani u haysteen in somaliland ku dumayso doorashadaasi xamaasada iyo xaragada ku lamaanayd Musharaxiintii tartanayay ayaa iyaga oo ku qanacsan natiijada komishanka ogolaaday in laga Guulaystay Somaliland haatan waxa madaxweyne ka ah Mudane Muuse biixi cabdi oo bartanaha bishan DECEMBER xilka si rasmi ah ula wareegi doona waana astaan Kor u qaaday Nidaamka wanaagsan ee somaliland kaga horayso Somalia inteeda kale taasina sumcadii iyo jiritaankii Qadiyada somaliland ayay sii xoojisay

Marka ay timaad Gobolka awdal ayaa su,aasha is waydiinta mudani waxa ay tahay dawlada cusub ee somaliland ka dhalatay ma noqon doontaa mid shacabka gobolka awdal ka dhigta kuwa hela cadaalad sinaan iyo inay yihiin dad aan laga lahayn somaliland . maxaase laga badali doonaa qaabka saamiqaybsiga dawladnimada somaliland iyo beelaha daga malaga yeeli doonaa kuwo ku qanca somalilandnimada , waayo waxa jirta in shacabka Gobolka awdal saluug badan ay ka muujiyeen sida ay u helaan kuraasta kala duwan ee dawlada sida wasiirada, shaqaalaha , garsoorka iyo cadaalada ciidamada, baarlamaanka , iyo kuwo kale dawlada cusub ee Madaxweyne muuse biixi ma noqon doontaa dawlad Bogsiisa quluubta shacabka gobolka awdal qaarkood ka biyo diidsan yihiin jiritaanka somaliland ,

Ugu danbayn shacabka gobolka awdal daga waxa la gudboon inay noqdaan kuwo isku tashada kana fogaada aafada qabyaalada si wadajir ahna u doonta xuquuqda kaga maqan saamiga dawladnimada somaliland hadii shacabka awdal ay sida ay yihiin wax ka badali waayaan waxa hubaala in beesha isaaq jaanis u arkayso kana dhigayso somaliland si kasta oo ay rabto gobolka awdalna wixii la siiyo uu ku qanco si sandule ah taasina waxa sabab u ah baylahda iyo kala qaybsanaanta dhaxtaal bulshada awdal ee la yidhaa hooyadii somaliland ayaa tihiin

Nuux kadiye
Borama

Kadiye Media


Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g