Skip to main content

Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan la yeeshay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Dahir rayaale Kahin

Madaxweynaha La Doortay oo Kulan Salaan iyo Hambalyo ah La Yeeshay Madaxweynihii ho
re Somaliland
------------------------------------------------------------------
Hargeysa(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan salaan iyo hambalyo ah la qaatay madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Somaliland maanta, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii uu madaxweynaha hore Md. Daahir Rayaale madaxweynaha cusub ugu bogaadin lahaa guusha uu kasoo hooyey doorashooyinkii madaxtinimo ee dhawaan dalka Somaliland ka qabsoomay, isla markaana uu talooyin iyo tusaaleyaal lagu najaxi karo  oo ku saabsana hawlaha horyaalla ula wadaagi lahaa, waxana ay labada dhinac wada qaateen waqti ay si hufan isugu hogo-tusaalaayeen.


Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa hambalyada guusha madaxweynaha cusub ka dib ku dhiirriyey inuu sii ambo-qaado dimuqraaddiyadda iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, waxana uu ugu bushaareeyey inuu mar walba diyaar ula yahay wixii talooyin ah ee uu midho-dhal u arko, isla-markaana uu la wadaagi doono wixii khibrad iyo waayo-aragnimo ah ee uu dhaxlay muddadii uu dalka madaxweynaha ka ahaa.
Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxweynaha hore uga mahadceliyey booqashada iyo hambalyada uu ula yimi, waxana uu sheegay inuu kamid noqon doono dadka uu talooyinka uga martida noqon doono, isla markaana uu u baahan yahay khibraddiisa iyo waayo-aragnimadiisaba, si uu uga gudbo caqabadaha kala duwan ee soo wajaha muddada uu xukunka hayo.
Kulanka labada madaxweynaha hore iyo midka cusub, ayaa kusoo dhammaaday jawi farxadeed, waxana ay labada dhinac muujiyeen inay si kal furan uga wada shaqayn doonaan gebi ahaanba arrimaha  ku saabsan horumarinta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida ...

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash...

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi  Abdinasir Muhumed Hassan Buuni Waa siyaasi Qunyar socod ah kaasi oo la soo dabaashay Marxalado siyaasadeed oo kolba dhinac isku rogayay Mar uu Mucaarad ahaa iyo Hada oo uu ka mid yahay Bahda Xukuumada Somaliland Kuwooga aadka isha loogu hayo Marka ay taagan tahay ka hadalka dhanka Warbaahinta  Abdinasir Buuni oo Markii u danbeysay ahaa Afhayeenka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa magacaabistiisu waxa ay sabab u ahayd inuu markiiba caan ka noqdo deegaanada somaliland iyo guud ahaanba marxalada siyaasadeed ee isbadbadalka badnayd  Difaacida Xukuumada Somaliland ayuu hadh iyo habeenba u taagnaa waxayna arintaasi meesha ka saartay in Gabi ahaanba dhaliisha xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyagoona Ninkaasi ku tilmaameen inuu ku yahay Laf dhuun gashay oo meel loo dhaafi karaaba jirin Xaalku waxa uu Gaadhay Buuni iyo Mucaaradka inay iskugu soo hadhaan Fagaaraha ka had...