Skip to main content

MAQAAL: MUDANE MADAXWEYNE GUUXA SHACABKA MAQAL Siyaasi: Abdirahman Mahamoud Jamac ( ABURAAS).


Tan iyo xiligii lagu doortay ee bishii Nov 13, 2017 shacabka Somaliland waxay ka dhursugayeen in ay arkaan isbedel maamul, kobcinta dhaqaalaha, iyo dowlad wanaag. Waayo waxay ku daaleen colaad, qabyaalad  iyo musuq maasuq. Waan garan karnaa in ay muddo kooban talada wadanku gacantaada ku jirtey. Laakiin marka la fiiriyo sida hada wax u socdaan waxaa soo baxaya ifafaale yaal aan shacabku ku qanacsaneyn.

Lama dhihi karo dowladaadu wax horumar ah kuma talaabsan. Waxaa horumar laga gaaray dhinaca nabadgelyada caasimada iyo nawaaxiga ku wareegsan. Waxaa kale oo aan la iska indhotiri Karin xaalada dhaqaale, siyaasadeed, iyo nabadgelyo ee wadanku ku sugnaa markii lagu doortay. Somalidu waxay ku mahmaahdaa “ NIN XIL QAADAY EED QAAD” waxaad u bareertay in aad howshaan dhabarka u dhigato. Hase ahaatee waxaa soo baxaya habacsanaan ku aadan horumar la’aanta ama wax qabadka hey’adaha dowliiga ah. Waxaan meesha ka muuqan yididiilooyinkii aad ku hamineysey xiligii aad tartanka ku jirtay oo haldhigoodu ahaa:
waxaan soo celinayaa Sharaftii Qaranka Somaliland waxaan ladagaalamayaa Musuq Maasuqa Waxaan Kobcinayaa dhaqaalaha wadanka Hadaan dib u milicsano qodobada aan kor ku soo xusnay. Ma ahan suurtagal in aad mudo gaaban ku fulisid; laakiin waxaan ummada Somaliland u muuqan waayey ifafaale tusaya in aad dariiqaas ku socoto. Waxaad ogtahay in aad madax ka tahay dal dadkiisa samirkii ka dhamaaday iyadoo ay u dheertahay caafimaad xumo, shaqo la’aan iyo gaajo ay dhaxleen colaadihii soo maray. Waxay sugeyeen dowlad wanaag, waxay dhowrayeen in aad sharaftii qarankooda soo celisid idigoo ka dheregsanaa in aad wajaheysid cadow badan oo iskugu jira midka gudaha ( maamulo is bar bar yaacaya, baarlamaan qabyaalad iyo laaluush lagu soo xulay, iyo shaqsiyaad raba in ay jeebabka buuxsadan) iyo cadowga dibada ( wadamada deriska, hey’adaha aan dowliga aheyn, iyo wadamada horey u maray) oo midkasta dana gaar ah wato. Waxaan wada ognahay in Wadama shisheeye ay la wareegeen kaabayaashii dhaqaale ee wadanka. Waxaa hortaada lugula wareegay  dekada  Barber. Iyadoon midkoodna sharciga la waafajinin.
Waxaad ogtahay in aan ilaa maanta qofna loo soo xirin ama shaqada looga casilin musuq maasuq lagu so oogay. Waxaa intaas sii dheer, in la abaal mariyey kuwo badan oo mudooyin dheer lagu eedeynayey in ay boobeen dhulkii iyo hantidii shacabka, in ay musuq maasuqeen mushaarkii ciidanka, shaqaalaha iyo in ay si sharcidaro ah u iibsadeen aqaladii hantida qaranku lahaa . Waxaad afkaaga ka xiratay musuqmaasuqii barqo cad meel fagaare ah lagu qeybsaday hantidii shacabka reer somaliland ee ku astaysnaa gadiidka dawliga ahaa . Waxaan oran karnaa waxaa weli meesha ka maqan hey’adihii dowliga ahaa ee ka hortigi lahaa musuq maasuqaas sida( hey’adii la dagaalanka boobka hantida qaran iyo hey’adihii cadaalada) oo ka howlgala wadanka gobaladiisa oo noqdey kuwo madhan oo jooga dalka.
Sidaad horey u tibaaxday wadan qaranimadiisu ma dhameystirna inta uu ka helayo  xaqa, cadaalad iyo wada qaybsi saami. Sidii aad balanqaaday, waxaan u fadhiney in aad u tafaxeydato sidii aad  wadankani u heli lahaa cadaalad ku dhisan horumar taasina way ka suuroobi waydey dhankaaga.. Hase ahaatee ummada Somaliland waxay kaaga fadhidaa dhabar adeyg iyo in aad la timaado siyaad cusub oo aad ku maareynayso si aad u gaarto hadafkii laguu doortay.
Ugu dambeentii, waxaa dowladaada laga sugayey hanaan cusub oo siyaasadeed. Waxaadse moodaa in ay cagta saartay wadadii kuwii ka horeeyey ay mareen. Waxaa mudooyinkaan dambe soo baxayey is bar bar yaac, hadalo is burinaya, cadaalad daro laga tabanayo qaybsiga golaha wasiirada somaliland xafiisyada wadanka laga maamulo. Waxaa dowladii iyo hadafkeedii majara habaabiyey shaqsiyaad qabiil xambaarsan, kuwa aargoosi wata, iyo kuwa u soo shaqo tagey in ay maal ka cootaan. Taas waxay horseeday, in la ilaawo hadafkii horumarinta dhaqalaha dalkeena
Waxaan hadalkeyga ku soo gunaanadayaa, wali lagama quusan in la gaaro himilooyinka aan higsaneyno, laakin waxay u baahan tahay in dowladaadu la timaado maskax furan oo ay ku wajahdo arimaha horyaala iyo caqabadaha ka hortaagan. Mudane Madaxweyne, waa adiga cida shacabka Soomaliland ay doorteen. Waxaa la filayey in aad waqtigaan soo booqato gobolada kala duwan ee dalka, in aad soo dhageysato guuxa shacabka, waxgaradka iyo ganacsatada. in aad talooyin ka doontid aqoonyahnada ku kala baahsan dalka gudihiisa .
Waxaa la sugayey in aad caleen qoyan u fidiso shacabka reer Soomaliland ee adiga ku codeyn mantana aad madaxweynaha  u tahay.
Waxaan garan karnaa in aysan aheyn arin sahlan laakin waxay u baahantahy in xal loo helo. Shacabka Soomaliland  waxaa deeqa cadaalad iyo dowlad wanaag.
Nolo iyo Nabadgalyo.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g