Skip to main content

Masuuliyiinta Hay,ada shaqaalaha Somaliland oo Madaxweyne Muuse biixi kulan la waayay

Madaxweynaha JSL Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Kana Dhegeystay Xog-waran Ku Saabsan Dar-dargelinta Shaqaalaha
-----------------------------------------------------------------------------
Hargeysa(Warbaahinta Xisbiga Kulmiye ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gudida sare ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka kooban qeybaheeda kala duwan ee Hay’adda shaqaaluhu ka kooban tahay, la qaatay kulan la xidhiidha sidii loo dar-dargelinlahaa loona tayeyn lahaa shaqaalaha Dawladda.

Markii kulanku soo dhamaaday waxa saxaafadda la hadlay gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharmaake Axmed Muxumed Geelle, waxaanu yidhi “Saaka gudida sare ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka kooban qeybaheeda kala duwan ee Hay’adda shaqaaluhu ka kooban tahay, waxay kulan xogsiin iyo xoq qaadasho ah ay ugu yimaadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxweyne ku xigeenka, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaa aad iyo aad marka koobaad hay’adda shaqaalaha dawladda ugu sharaf ah uguna farxada in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ay noqoto hay’addii ugu horaysay ee uu u yeedho, si uu xogna uga qaato dardaaran iyo ammarrana u faro, hay’adda shaqaalaha oo loo yeedha waxay la macnatahay cududii shaqaalaha qaranka oo dhan in laysugu yeedhay markaana loo sheegayo dardaaranka iyo dardar gelinta, siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga go’antahay qiimaha uu u hayo shaqaalaha qaranka.

Hay’adda shaqaaluhu iyadoo ajiibaysa Madaxweynaha ayey saaka halkan ugu timi waxaanay ka wada hadleen qodobo doora, ugu horayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxay hay’adda shaqaalaha dawladdu ka warsiisay waxay hay’addu u igman tahay waxay ku aadan tahay iyo mustaqbalka dhow waxaanu higsanayno aanu doonayno in qarankan habkiisa shaqayneed kor loogu qaado, waxaan ka warsiinay Madaxweynaha dardar gelinta, tirinta shaqaalaha dawladda si loo tayeeyo cududooda, inay lagama maarmaan tahay in la tiriyo oo cududooda iyo tiradooda iyo baahsanaantooda intaba lasoo helo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si weyn buu u qaatay islamarkaana uu balan qaaday inuu garab iyo gaashaan buuxa ugu yahay in qaranku si degdega ah uu dib u habaynta ugu horaysa uu ka bilaabo hagaajinta shaqaalaha dawladda.
Hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay dhawaan bilaabaysay tirintii iyo tayeyntii shaqaalaha dawladda si loo helo tiro sugan, marka tiro sugan la helana ay noqoto in lagu daba galo amma la hagaajiyo, intii kulanku socday wuxuu si adag uga hadlay madaxweynuhu daba-galka saacadaha shaqada, la dagaalanka musuq maasuqa wakhtiga in shaqaalaha dawladdu ummadda adeega siiyaan wakhtigana ilaaliyaan, fikir wadaag, dardaaran iyo indho soo jeedana wuxuu ku eegay mushaharka shaqaalaha dawladdu qaataan sida loo kobcin karo halka loo horumarin karo dhammaantoodba.
Hay’adda shaqaalaha dawladdu ugu danbayn halkan waxay iclaaminaysaa in tirintii iyo daba-galkii shaqaalaha dawladdu uu hadda furmayo, madaxweynahana aan uga mahadcelinay garab jooga iyo baal jooga uu arrintaasi ku garab joogsaday, mudada tirinta shaqaalaha dawladda ee la sugayo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda, waxaanay qaadan doontaa muddo Lixdan cisho ah ilaa Todobaatan cisho ku siman.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu amar ku bixiyey in inta la sugayo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda si loo qaato baaxad weyn oo shaqaale in Todobaatankaa cisho aanay dawladdu qaadan shaqaale cusub balse ay kala hufi doonto intii hore ee shaqaale ee qaranka u diyaarsanayd, arrintaasi waxay bushaaro u tahay dhammaanba shaqadoonkii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee dhalinyarada ahaa, inta kala hufayo shaqadii hore ee is dhextaalay si loo helo shaqo abuur wanaagsan si odayaasha iyo waayo araga dalkeenu ay u helaan hawlgab wanaagsan oo ay qaranka uga baxaan si aan usoo ogaano da’dooda, si hawl gabkiina si wanaagsan loogu sagootiyo islamarkaana gacmo aamina loogu ogaado dadkeena da’adu heshay laakiin dedaalka badan qaranka usoo galay, hawshaasi maanta ayey heshay taageerada madaxweynaha iyo baal joogsigiisa.
Waxaan ugu bushaaraynaynaa dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, inuu shaqo abuur wanaagsani uu halkaasi kasoo bixi doono, waxaan sii goodinaynaa cid walba oo doonaysa dheefta qaranka inay qaadato laakiin aan u dhabar jabin, aan doonayn inay ummadda u adeegto ee doonaysa cashuurta dadka laga guro inay ku mushahar qaadato iyagoo aan doonayn inay ummadda u adeegaan iyagana goodi bay u tahay, waxay bushaaro u tahay ee dareemaya siyaasadahooda iyo horumarintooda iyo hawl gabkoodaba ay ka hortaagnayd in xogtooda la helaa inay maanta hawshaasi soo bilaabi doonto, hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay uga mahad celinaysaa Madaxweynaha kulankaasi uu ku qaabilay qiimayntaa uu siiyey iyo sidaa uu u fahamsan yahay una dareensan yahay cududa shaqaalaha oo la kordhiyaa inay tahay qaran tis-qaad shaqo horumarta, qaran dhammaantii u wada jeeda horumar dheer inuu higsado dhammaantiin aad baad u mahadsan tihiin ayuu yidhi gudoomiyaha hay’adda shaqaaluhu”.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g