Skip to main content

Siilaanyo oo Masraxa siyaasada banayn doona kadib kontan sano oo uu Ku dhex jiray

Khabiir 52 Sanno Siyaasadda Ku Jira Oo Beri Macaasalamaynaaya
-----------------------------------------------------------------------------------
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxuu ku dhashayDegmada Burco sannadkii 1936kii. Waxbarashadiisii dugsiyada Hoose .Dhexe. ilaa dugsiga sare wuxuu ku dhammaystay Dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud muddadii u dhaxeysay 1946kii ilaa iyo 1960kii.
1960kii ilaa iyo 1965kii wuxuu Axmed Siilaanyo ku jiray jaamicadda Magaalada Manchester ee dalka Britain, halkaasoo uu ku qaatay shahaadooyinka Bachelar degree iyo Master ee cilmiga dhaqaalaha.


Intii u dhaxaysay 1965kii ilaa Oktoober 1969kii, wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa sarkaal sare oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddii qorsheynta ee dawladdii Soomaaliya ee rayidka ahayd, isagoo gaadhay darejada Agaasime Guud.
Markii militerigu taladii dalkii somaliya afgambi kula wareegeen 21kii Oktoober 1969kii, waxaa Axmed Siilaanyo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta. Muddo kadib waxaa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha qaranka ilaa 1982kii oo uu ka goostay dawladdii kacaanka.
1982kii, oo uu Axmed Siilaanyo tegay London wuxuu markiiba ku biiray jabhaddii dhaqdhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM , isagoo noqday wakiilka xafiiskii SNM ee London.
Muddadii u dhexeysay 1984 ilaa iyo 1990, wuxuu Axmed Siilaanyo ahaa guddoomiyaha ururka SNM. 18 May 1991kii shirweynihii Magaalada Burco ee beelaha Somaliland iyo ururkii SNM kaga dhawaaqeen goonni isutaaga Somaliland wuxuu Axmed Siilaanyo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii hormoodka ka ahaa nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Somaliland wada dega.
Axmed siilaanyo wuxuu xubin ka noqday baarlamaanka Somaliland 1993kii ilaa 1997kii. 1997kii ilaa sannaddii 2000 dawladdii Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Axmed Siilaanyo ka soo qabtay jagooyinka wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo wasiirka wasaaradda Qorsheynta, isagoo markii danbe iskii iskaga casilay.
Sannadkii 2002, wuxuu ku dhawaaqay Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE oo uu guddoomiyena ka noqday. Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee April 2003, tartankii Madaxweynaha waxaa Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax lagaga helay 80 Cod, taasoo ay aqbaleen.
Mar kale ayaa Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE,  u soo Sharraxay Axmed Siilaanyo tartanka doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2010, isagoo madaxweyne ku xigeenna u sharaxay  xisbigiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil  Seylici.
Madaxweynaha Xilka ka degayaa Maalinta beri Waxa uu Somaliland ka qabtay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin bedelka lacagta Somalia shillinka ee gobolada beri  , bixinta darajada ciidanka , dhismaha wadada ceerigaabo , dhismaha wadooyinka galbeedka iyo beriga dalka . horumarinta ciidanka , kordhinta mushaharka shaqaalaha , hirgelinta Idaacada Quraanka Kariimka , keenista idaacad weyn oo laga dhegaysto geeska afrika iyo wadamada Asia qaar .
Waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee doorta Madaxweynihiin bedeli lahaa ka dib markii uu codkiisa siiyey Madaxweynaha bedelay ee Muuse Biixi Cabdi isaga oo sharcigu u baneynaayo inuu dib isku sharaxo .
Madaxweyne Silaanyo waa madaxweynihii ugu horeeyey ee Maalgashi dekeda Berbera ugu doona Waddanka Imaaradka shirkada laga leeyahay oo magaceeda losoo gaabiyo DP World
Dhaliilaha uu Madaxweyne Silaanyo dalka kaga tegay waxa ugu weyn Sicir barar iyo qiimo dhac balaadhan oo soo wajahay shillinka Somaliland  intuu xukunka yahay isaga oo ah Masuul khibrad weyn u leh dhaqaalaha , waxaanay xukumadiisa lagu dhaliila inay tahay Xukumadii ugu boobka badnayd ee dalka soo marta iyo Xukumaddi ugu liitada nidaamka kala danbaynta dawladnimo .
Beri laga bilaabo Axmed siilaanyo waa Oday Somaliland ah iyo Aabe leh  5 caruur ah oo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo ay u dhashay xaaskiisa Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirdde.

Wariye : Saciid Faarax Cagjar
#Share

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g