Skip to main content

Shirkada Biyaha Borama ee SHABA xagxagashada iyo xajiinta halaga daayo Shacabkuna haka war sugaan Maamulka shirkada

Kadiye Media ( Boorama) Shirkada Biyaha Borama ee SHABA xagxagashada iyo xajiinta halaga daayo Shacabkuna haka war sugaan Maamulka shirkada

Guux ayaa maalmihii ugu danbaysay ku dhex jiray bulshada Borama kaasi oo ku saabsan in shirkada Biyaha Borama ee shaba ay Lacag ku Kordhisay isticmaalka Biyaha ee maalinlaha ah , biyuhu waa nolosha oo lagama maarmi karo , laakiin waayaha iyo isbadalka Nolosha bani aadamku saamayntiisa ayuu leeyahay Shirkada biyaha shaba mudo sanooyin ah ayay jirtaa caqabado kala duwana waa ay soo martay midaasina shirkadu waa ay u dhabar adaygtay waxa jiray wakhti Borama biyuhu ku badnaayeen hase ahaatee isbadalka Bulsho iyo Korodhka magaalada ayaa keentay in shirkadu biyaha u siiso xaafadaha borama si maalin dhaaf ah xaafadba maalin ayay biyo heshaa taasina waxa ugu wacan fiditaanka iyo bulshada baaxada leh ee Borama kusoo kordhay.

Shaba iyada oo ay tahay shirkad wayn oo aad u balaadhan Biyona u qaybisa in ka badan Nus malyuun qof oo u baahan inaanay waayin hal maalin oo biyo ah ayaa fursadaasi shirkadu waxay uga faaidaysay dhalinyaro badan oo halkaasi shaqo abuur ka helay Shirkadu iyada oo biyo ina siisay ayaa hadana waxay shaqo abuur u samaysay dhalinyaro tiro badan oo iyagu ku xidhan qoysas fara badan oo aan tiradooda la qiyaasi karin Shirkada shaba Hambalyo iyo Bogaadin ayay Mudan tahay in la xagxagto oo wax laga sheego maanta uma baahna . dabcan wax way isbadali karaan isbadalkuna iskama yimaad oo duruufo awgeed ayaa keeni kara


Hadiiba maanta shacabka Borama hadal hayaan shirkadii ayaa lacag ku Kordhisay Qiimihii biyaha waa arin wanaagsan shacabka cabashadoodana in laga jawaabo ayay mudan tahay Shirkada shaba Maamulkeeda sare in laga war sugo ayaa haboon waayo iyaga ayaa xog xaqiiqada dhabta ah iyo wax soo kordhay ama isbadalay xagxagashada iyo xajiintaba uma wanaagsana in shirkad dhan oo bulshadaa borama u adeegaysa maalin walba suuqa lala wareego shacabka Borama waxa looga baahan yahay inay ka war sugaan Maamulka shirkada iyo asbaahaba keenay in lacagta lagu kordhiyo ama isbadalba uu yimi kaliyana in laga foojignaado buunbuuninta iyo wararka aan xaqiiqada ku salaysnayn ayaa waajib ah , Shirkada shaba Maamulkeedu iyaga ayaa u dhaga nugul dhagaysiga dhawaaqa shacabkooga , laakiin waxa jiri kara dad dano gaara leh oo iyagu shirkada inay wax ka sheegaan maalin walba la soo taagan

Nuux Kadiye
Kadiye Media
Borama

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida ...

Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Qore Rabiile Xaaji Abiib

  Gadabuursigu ma Soomaali baa, Mise Oromo? Magaca Gadabuursi, waxa inta badan la yidhaa waa naanaysta "Ilma Siciid", sida aan ka akhriyay Buugga taariikhda Gadabuursiga ee uu qoray Cabdiraxmaan Qaadi (AHUN). Qoomiyada Oromadu waxa ay leeyihiin fasiraad dheer oo qodobkan la xidhiidha. magaca Gadabuursi waxa ay si toos ah u la xidhiidhiyaan nidaamka maamul ee dhaqanka Oromada (Gada System). Waa nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku soo doortaan Gandaha Dhaqan oo ah xeerbeegtida bulshada oo uu madax ka yahay (Abaa-gadhe), golaha Difaaca oo ah hogaanka ciiidanka oo u madax ka yahay (Abaan-Duulle) iyo Golaha Sahanka iyo Xidigiska oo madax ka yahay (AbĂ an waare). Nidaamkan GADA ayay ku tilmaamaan in uu ahaa nidaam gadabuursiga la gu majeeran jiray, magaca Gadabuursi na uu kala jabo laba qaybood oo kala ah Gada oo ah "Nidaam" iyo "Biirsi" oo ah hadhaadigii. Macnuhu waa hadhaagii Nidaamka. Siday ku timid? Inkasta oo aanay dhacdadani si cad u gu dhignayn Buugga furash...

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi

Siyaasigii ugu saamaynta badnaa waayahan Somaliland ay Jirto oo Wasiir looga Magacaabay Xukuumada Muuse biixi  Abdinasir Muhumed Hassan Buuni Waa siyaasi Qunyar socod ah kaasi oo la soo dabaashay Marxalado siyaasadeed oo kolba dhinac isku rogayay Mar uu Mucaarad ahaa iyo Hada oo uu ka mid yahay Bahda Xukuumada Somaliland Kuwooga aadka isha loogu hayo Marka ay taagan tahay ka hadalka dhanka Warbaahinta  Abdinasir Buuni oo Markii u danbeysay ahaa Afhayeenka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa magacaabistiisu waxa ay sabab u ahayd inuu markiiba caan ka noqdo deegaanada somaliland iyo guud ahaanba marxalada siyaasadeed ee isbadbadalka badnayd  Difaacida Xukuumada Somaliland ayuu hadh iyo habeenba u taagnaa waxayna arintaasi meesha ka saartay in Gabi ahaanba dhaliisha xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyagoona Ninkaasi ku tilmaameen inuu ku yahay Laf dhuun gashay oo meel loo dhaafi karaaba jirin Xaalku waxa uu Gaadhay Buuni iyo Mucaaradka inay iskugu soo hadhaan Fagaaraha ka had...