Skip to main content

Madaxweyne Muuse biixi iyo Ku xigeenkiisa Saylici oo Hargeysa kulan kula yeeshay Diblomaasiyiin Caalamiya oo dalka Soo gaadhay

Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland oo La Kulmay Diblomaasiyiin  Ka Socda Midowga Yurub, Turkiga iyo Qaramada Midoobay
-------------------------------------------------------------
Hargeysa(Kadiye Media )-Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay diblomaasiyiin sarsare oo ka socda midowga reer Yurub, Turkiga iyo Qamada Midoobay.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxana dibloomaasiyiinta kulanka ka qaybgalay oo ay kamid yihiin madaxa xafiiska siyaasadda qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr.Jeffrey Sims , Alberto Fiat oo ah wakiilka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Wakiilka dawladda Turkey-ga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Mr.Ali Noyan Coskun, ayey diblomaasiyiintani ku guddoonsiiyeen hambalyo ay ka sidaan madaxda dalalkooda iyo kuwa xafiisyada ay wakiillada ka yihiin, waxana ay sheegeen inay si dhaw ula shaqayn doonaan madaxweynaha cusub iyo xukuumaddiisaba.


Diblomaasiyiintani waxa ay bogaadiyeen doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay, waxana ay sheegeen inay ahayd mid Somaliland usoo hoysay guul horleh,  kuna tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xagga Dimuqraadiyadda loo qaaday.
Sidoo kale waxa ay diblomaasiyiintan oo uu madaxweynuhu si gooni gooni ah ula kulmay si isku mid ah u sheegeen inay si hagar la’aan ah ula shaqayn doonaan madaxweynaha cusub, kuna dedaali doonaan in lasii wanaajiyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay guud ahaanba dalalka kala duwan ee caalamka iyo qaramada midoobayba.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu ka mahadceliyey booqashada ay diblomaasiyiintani ku yimaadeen Somaliland iyo kulanka ay isaga la qaateenba, waxana uu sheegay inay ka go’an tahay sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka dimlomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee Somaliland la leedahay dunida inteeda kale.

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g