Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2013
waa warkii wariye Nuux cumar kadiye daawasho wanaagsan 
waa warkii wariye Nuux cumar kadiye daawasho wanaagsan 

Mareykanka oo ka digay in weeraro la mid ah kii Westgate Nairobi in lagu fuliyo dalka Uganda.

Sirdoonka dowladda Mareykanka ayaa ka digay in ay suurta gal noqoto in weeraro lagu qaado magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda,kaasi oo la mid ah kii lagu qaaday bishii la soo dhaafay xarunta ganacsiga ee Westgate. Laamaha ammaanka Mareykanka ayaa la sheegayaa in ay heleen maclumaad sheegaya weeraro lagu qaado Uganda,iyadoo safaaradda Mareykanka ay ku leedahay Kampala ay sidoo kale ka digtay weeraradaasi. Sargaal u hadlay dowladda Uganda ayaa asheegay in ay ka feejigan yihii weerarao lagu soo qaado,laamaha ammaankana ay xoojiyeen sugidda ammaanka dalka. Xarakada Al-Shabaab ayaa ku hanjabay in ay weeraro ka fulin doonaan wadamada ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya. Sanadkii 2010-kii ayey ahayd markii ururka Al-Shabaaba ay ka fuliyeen laba qarax oo mataano ah magaalada Kampala,kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof.

Dableydii weerartey suuqa Westgate Nairobi oo mid ka mid ah la aqoonsadey

Ciidamada booliska dalka Norway ayaa shaaca ka qaaday in nin Soomaali heysta baasaboorka Norway uu ku jiray kooxdii weerarka ku qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi. Waxaa lagu magacaabi jiray ninka Xasan Cabdi Dhuxulow oo 23 sano jir ah,iyadoo booliska dalkaasi ay sheegeen xili ay la hadlayeen barnaamihjka BBC News night in Dhuxulow uu ka mid ahaa raggii fuliyey weerarakii Westgate Mall. Sanakii 2009 ayuu Dhuxulow tagay dalka Norway,waxa uuna degnaa magaalada Larfik oo ku taal Koofurta caasimadda dalkaasi ee Oslo. Dhuxulow ayaa ku dhashay Soomaaliya,isaga iyo qoyskiisa ayaa u soo safray sanadkii 1999 dalka Norway oo qaxooti ahaan ay isaga dhiibeen. Kaamirda qarsoon ee CCTV ay soo bandhigtay afar qof oo ka mid ahaa Dhuxulow oo xiligaasi watay jaakad madaw ah. Dhawaan ayey ahayd markii hay’adda sirdoonka Norway ee PST ay u dirtay saraakiil baarayaal ah dalka Kenya si ay u soo xaqiijiyaan wararka sheegaya in muwaadin heysta dhalasha dalkaasi uu ka mid a

Xisbiyada Mucaaridka Oo Meel Adag Iska Taagay Sharci Darona Ku Tilmaamay Mudo Kordhintii Uu Madaxwayne Silanyo U Kordhiyey Guddida Diwaan-gelinta Ururada Iyo Axsaabta Qaranka - -

Hargeysa(Nuux kadiye)Okt.16, 2013- Labada xisbi mucaarid ayaa meel adag iska taagay mudo kordhintii uu madaxwayne silanyo u kordhiyey Guddida Diwaangalinta ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka,oo madaxwaynaha Somaliland muddo laba sano ah ugu daray wakhtigoodii hore loo doortay oo hada dhamaaday. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Faysal Cali Waraabe ayaa sharci daro ku tilmaamay mudo kordhinta uu madaxwayne silanyo u sameeyay guddidan oo uu sheegay in aan haatan wax shaqo ah oo looga baahan yahay in ay qabtaan anay jirin isla markaana intii sharciga ahayd ee loo asteeyayna ay dhamaatay,waxa uu Gudoomiye faysal oo maanta warbaahinta Hargeysa kula hadlayey uu intaasi ku daray intaasi cadaynayso in aanuu madaxwayne silanyo dalka maamulin balse saxeexiisa lagu shaqaysto oo ay adeegsato cid gaar ahi,isla markaana ay tani tahay mid ay cid gaar ahi adeegsanayso oo dano gaar ah laga leeyahay sida uu sheegay. Dhinaca kalena Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Xildhibaan

Maxaa kasoo baxay kulan Maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia?

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan diirada lagu saaray qorshaha adeega Caafimaadka ee Aasaasiga ah, heshiis Millateri oo ay kala saxiixdeen dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo warbixin laga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan. Kulankan ayaa ugu horeyntii waxaa warbixin looga dhegeystay Wasaaraddaha Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna si gaar ah uga warameen sugida amniga ee magaalada Muqdisho Maalmaha Ciida, taasoo hay’addaha amnigu ay si weyn ula tacaaleen isla markaana ay ka hortageen falal ay maleegayeen kooxaha nabadiidka ah taasoo ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ammaanka shacabka. Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa si gaar ah uga warantay howlgal ay ciidanka amniga ka sameeyeen qeybo ka mid ah Muqisho oo ay ku soo qababteen kooxo abaabul ugu jiray inay khal khal geliyaan amniga

Baarlamaanka Maraykanka oo ansixiyey miisaaniyada iyo Deynta Dowlada

Baarlamaanka Maraykanka ee Aqalka Kongareska (Congress), ayaa xalay ansixiyey in sare loo qaado Deynta loo ogolyahay Dowlada Maraykanka iyo waliba in la ansixiyo miisaaniyada billaha soo socda ee xukuumada. Go’aankan ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, isagoo sheegay in uu saxiixi doono go’aankan, isla markaana Baarlamaanka ugu mahadnahay qaadista xanibaada weyn ee ku timid xukuumada iyo dhaqaalaha Maraykanka. Maanta oo ku beegan 17ka Oktober ayaa waxaa ku ekaa xiliga loo ogol yahay dowlada Maraykanka inay qaadato deynta oo gaartay meeshii ugu sareysay oo ku dhaw 17 Trillion oo dollar, Baarlamaanka Maraykanka ayaa hada sare u qaaday qiimahaasi loo jaan-gooyey deynta dowlada. Shacabka Maraykanka ayaa si weyn ugu dhaliiceeyey Baarlamaanka Maraykanka diidmada ansixinta Miisaaniyada Xukuumada oo keentay in muddo 3 todobaad ah hakad galaan intii badneyd hawlihii dowlada Federaalka Maraykanka.

Sidee Looga Ciiday Magaaladda Borama Ee xarunta gobolka awdal

      (N.K:Borama) Si wayn ayaa guud ahaan gobolka Awdal, gaar ahaana magaalada Caasimada ah ee Boorama looga ciiday maanta, munaasabadan ciidal Adxa iyo tukashadii salaada oo ay dadwaynaha qaar ku tukadeen gudaha masaajida, halka ay qaar kalena kaga oogeen salaada goobo barxado ah ayaa waxa kala qayb galay madaxwaynihii hore ee Somaliland md. Daahir Rayaale Kaahin, wafdi wasiiro ah oo xukuumada ka socda oo uu hogaaminayay Wasiirka Beeraha Md. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Awdaahir iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir. Ugu horayn maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Maxamed ayaa waxa ay salaam balaadhan oo ku aadan munaasabada Ciidal-Adxa u direen Madaxyanaha Jamhuuriyada Somaliland Dr. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Marwadiisa, Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdila

“Mucaaridkii Waxay Ka Soo Hor Jeesteen In La Dhiso Waddooyinkii Dalka”Guddoomiye Aayar

(N.K:Hargaysa) Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar ayaa asaxaabta Mucaaridka ah ee dalka ku dhaliilay in ay caadaysteen falal ku lidi ah dib u dhiska wadooyinka iyo guud ahaan hormarka dalka ka socda ee ay xukuumadu wado, waxana uu tani badalkeeda soo dhaweeyay dhismaha iyo dib u hagaajinta jidadka dalka isaga oo shacabka ugu baaqay in la is barbar taago arintaasi oo la soo dhaweeyo. Badhasaabka Boorame Mudane Cabdoo oo waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay dalka oo dhan ay ka wado oo ay ka socdaan horumar balaadhan oo dhinac walba leh, gaar ahaan dhinaca wadooyinka ah oo gobolka Awdal uu yahay midka astaanta u ah ee lagaga dayanayo hormarkaasi waxana uu yidhi “Waa hubaal in Boorama ay tahay meeshii bilawday in dadku wax qabsan karo oo wadooyinka la dhisto oo dalku isku xidhmi karo, iyada oo taasi laga duulayo, waxa ay xukuumadu u xadhko xidhatay in dalka miyi iyo magaalaba ay isku xidho oo jidadka wax badan ka qabato, waxa ay ka bilawday jidka isku xi

Maayarka Borama Muxuu Ka Yidhi Falal Habeenadii Ugu Dambeeyey Ka Dhacay Gobolka Awdal.??

(N.K:Borama) Maayarka Magaalada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay falal habeenadii u dambaysay ka dhacday magaalada Boorama oo khalkhal galisay nabadgalyada, taasi oo ay ku kaceen qaar ka mid ah dhalinyarada Boorama. Maayarka magaalada Mudane Saleebaan ayaa waxa uu waalidiinta iyo waxgaradka magaalada Boorama ka dalbaday inay caruurta waaniyaan, isla markaana ay uga digaan falalka fool xumada ah ee waxyeelaya amniga iyo nabad gelyada, sidaasi oo kale waxa uu ka digay cawaaqibka ay la kulmi doonaan dhalinta falalkan foosha xun samaynaya hadii ay ka waantoobi waayaan. “Waxaad ogtihiin waxa soo kordhaya maalmahan dame falalka ugubka ah ee ku lidiga ah amniga ee ay dhalinyaradu samaynayso, habeen hore waxa magaalada ka dhacay boob iyo burburin ganacsi iyo hantiyeed oo ay dhalinyaro isku gadooday ka samaysay xaafadaha sare ee magaalada, caruurtaasi waxa ay ka soo baxeen waa guryaheena, ilmo kastana waxa dhalay waalid, marka la soo

CIID WANAAGSAN DHAMAAN MUSLIMIINTA MEEL KASTOO ADUUNKA KAJOOGTAAN

ANIGOO AH WARIYE NUUX CUMAR KADIYE WAXA AANHALKAN UGA TAHNIYADAYNAYAA DHAMAAN MUSLIMIINTA MEELKASTA OO AY ADUUNKA KA JOOGAN ANIGOONA UGU HAMBALYEYNAYA MUNAASABADA CIIDUL ADXA AWGEED SIDOO KALE ILAAAHAY WAXAAN KA BARYAYNAA INUU SANADKAN SANADKIISA INAGU GAADHSIIYO BASHBASH IYO BARWAAQO SIDOO KALE WAXAA AAN HALKAN UGA DUCAYNAYAA DHAMAAN UMMADA MUSLIMIINTA AH MEELKASTA AY JOOGAANBA SIDOO KALE ILLAAAHAY WAXAA AAN UGA BARYAYAA IN MUSLIMIINTA KU DHIBAATAYSAN WADAMADA SUURIYA,MASAR.SOOMAALIYA IYO WADAMO FARABADAN OO ISLAAMA OO KU YAALA DUNIDA INUUKA DUL QAADO DHIBAATADAHAYSATAUMMADAASI MUSLINKA AH GEESTA WAXA AAN HALKAN UGU DUCAYNAYAA DHAMAAN CID KASTA OO XANUUNSANAYSA AMASE JIRAN INUU ILLAAHAYCAAFIYO CIID WANAAGSAN KULU CAAM WANTUM BILKHEYR 'WAA WARIYE NUUX CUMAR KADIYE

FAALO: Maxay Taariikhdu Ka Qortay Shirkada SHABA Ee Reer Boorama Ka Badbaadisay Biyo La’aanta?

{ BOORAMAN.K }Taariikhdu waa mudan, waa jire markhaati ah oo ka marag kaca guulaha iyo guul darooyinka ay aadamuhu ku soo kordhiyaan dunida, hadaba Shirkada Adeega Biyaha Awdal ee magaceeda loo soo gaabiyo SHABA oo ah shirkad la aasaasay horaantii sanadihii 2000 ayaa ah mid taariikhdu xustay wax qabadkeeda iyada oo ku sifowday adeeg wanaag dhinaca biyaha ah iyada oo ay marag ma doon tahay inay Boorama ka haqab tirtay baahidii dhinaca Biyaha ahayd ee magaalada haysatay sanadihii 90aadkii. Ka hor aasaaskii shirkada SHABA, Boorama waxa ay ahayd meel ay biyo la’aantu sal dhigatay isla markaana lagu xusuusto booyado biyaha lagu dhaamiyo iyo dadka oo caagado waawayn iyo foostooyin hor dhigi jiray guryaha hortooda si ay biyo u helaan, iyada oo biyaha la cabi jiray ay ahaayeen kuwo lagu soo dhaameiyay ceelasha afka furan eek u yaala dooxyada isla markaana caafimaad ahaan aanan marar badan wanaagsanaan jirin. Waxa ay ahayd sanadkii 2003 markii laga midho dhaliyay shirar kala duwan oo

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Si Cadho Leh Ugu Jawaabey Hadalkii Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Kenya

R/wasaare Saacid, oo wareysi siinayay wargeyska The Standard, ayaa sheegay in xukuumaddiisu a y doonayso in ciidamada Kenya ay sii joogaan Soomaaliya. R/wasaare Saacid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dhibaatooyinka amni xumo ee ka taagan dalka Kenya. “Aad ayaan uga mahadcelinaynaa ciidamada Kenya caawinta ay Somalia ka caawinayaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, waxaana doonaynaa inay sii joogaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu doonayo in ciidamada Kenya ay isaga baxaan Soomaaliya iyo in kale. Sidoo kale waxa uu sheegay in Kenya iyo Soomaaliya ay ka dhexeyso walaalnimo xooggan, uuna madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto uu kula talinayo inay dhabahaas hayaan. Maanta oo ay bisha Oktoobar tahay 14 ayaa waxay ku beegan tahay markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya laba sano ka hor, iyadoo dhowr jeer oo hore ay xukuumadda Soomaaliay ku baaqday in ciidamada Kenay ay dhibaa

Somaliland Oo Dalab Qoraal Ah U Dirtay Dawladda Federalka Somalia

Hargeisa(N.K)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dawladda federaalka Soomaaliya u dirtay Warqad qoraal ah oo ay kaga dalbanayso inay tixgeliso heshiishkii labada dhinac ku dhex-maray waddanka Turkiga wadahadal dalkaasi marti-geliyey ka dib. Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inuu Warqad qoraal ah u diray dawladda Soomaaliya, isla markaana ka dalbaday inay tixgeliso heshiiska ku wada galeen Somaliland iyo Soomaaliya wadahadalkii Turkigaka ee ugu dambeeyey.   Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo shalay u warramay Wariye  Xamse Cali Bulbul  oo ka mid ah Telefiishanka Qaranka Somaliland( SLNTV ), waxa kale oo uu ka hadlay guulaha Safarkii Turkiga uga soo baxay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland la yeelanayso dalka Turkiga. Waxa uu Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Wareysigaas ku sheegay inuu Wasiirka arrimaha gudah

Maxkamada Maleesiya oo xukuntay in Erayga (ALLAH) ay Muslimka kaliya isticmaali karaan

Maxkamada dalka Maleesiya ayaa go’aamisay in Erayga ALLAH ay adeegsan karaan oo kaliya dadka heysta diinta Islaamka, kadib markii dood xoogan ka dhalatay adeegsiga Erayga AllAh oo ay qaar kamid ah dadka Kirishtaanka adeegsadaan. Kaniisadaha ku yaal dalka Maleesiya ayaa qaarkood kutubtooda ku qoron afka Maleega ku qora erayga Allah oo ay u adeegsadaan tilmaamida Illaahay (swt). Balse arrintan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Muslimiinta oo sheegay in Eraygaasi uu yahay mid Islaami ah oo ay adeegsan karaan oo kaliya dadka muslimiinta ah. Waxayna sidoo kale sheegeen in adeegsiga Kirishtaanka ee eraygaasi uu yahay mid tashwiish lagu gelinayo dadka muslimiinta ah. Dacwadan oo ay maxkamada Malesiya muddo dhageysaneysay ayaa go’aankii ay kasoo saartay sheegtay in Erayga Allah aysan adeegsan Karin dadka Kirishtaanka ah ama aan lagu qori kari qoraaladooda ay ku faafiyaan diinta Kirishtaanka

Dad badan oo ku dhintay Xus ka dhacayey India

Ugu yaraan 111 qof ayaa ku dhimatay dad isbuursaday xili uu socday xus ay qabanayeen dadka Hinduuga ah, xuskaasi oo ka dhacayey degmada Datia ee bartamaha dalka India. Dadkan ayaa isbuursaday kadib markii ay ka baqeen inay la dunto buundada marta wabiga Sindh, xili halkaasi ay marayeen kumanaan kun oo dad ah. Qaar kamid ah ehelada dadka halkaasi ku dhintay ayaa ku eedeeyey booliiska inay sabab u yihiin shilkan, maadaama ay dadka u sheegeen in buundada jabeyso, taasina keentay inay dadka oo baqanaya ay isbuurtaan. Musiibooyinkan noocaan ah ayaa marar badan oo hore ka dhacay goobaha ay ka dhacaan xusaska ay qabtaan dadka Hinduuga ah ee dalkaasi India.

Koox ka socota Bisha Cas oo lagu afduubtay dalka Siiriya

Koox gaareysa todoba xubnood oo ka tirsan hay’ada Caalamiga ah ee Red Cross iyo Bisha Cas ayaa lagu qafaashay nawaaxiga magaalada Idlib ee waqooyiga dalkaasi Siiriya. Kooxda ka socota Bisha Cas ayaa la sheegay inay qafaasheen kooxo hubeysan oo aan weli la aqoon halka ay kasoo jeedaan. Wadanka siiriya ayaa tan iyo intii ay ka dhaceen dagaalada waxaa ka socday afduub xoogleh oo ay sameeyaan qaar kamid ah kooxaha hubeysan. Waa markii ugu horeysay oo kooxo tiro intaas la eg oo ka socda Bisha Cas lagu qafaasho dalkaasi Siiriya. Kooxda la afduubay ayaa la sheegay inay sahay daawo ah geeyeen magaalada Idlib. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in afduubkan ka danbeeyaan kooxda Al Qaida ee dalka Siiriya.

Laba qof ayaa ku dhimatey qarax ka dhacay caasimadda Itoobiya

Qaraxa ayaa dhacay maanta oo Axad ah ah waxaana uu ka dhacay degmada Bole, halkaas oo ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah. Ma jirto cid weerarkan weli sheegatey, inkasta ay farta ku fiiqeyso kooxo degan Koonfurta iyo Koonfur Bari ee dalka Itoobiya iyo weliba kooxda al-Shabaab. Ciidamada amaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu ka dhacay guri ay kireysteen laba nin degmada Bole, waxaana qaraxaas ku dhintey isla labadii nin ee guriga kireystey. Ciidamada Itoobiya ayaa dagaal dheer la galay kooxda al-Shabaab ee ka jirta Soomaaliya, waxaana dagaalkun dib u bilowdey sanadkii 2011 markii ciidamada Itoobiya dib ugu noqdeen Soomaaliya. Bishii la soo dhaafey kooxda al-Shabaab ayaa sheegtey weerar lagu qaadey Suuq ay ka dukaameystaan dadka ladan ee Kenya kaas oo k yala caasimadda Kiinya ee nayroobi, waxaana weerarkaas ku dhintey ugu yaraan 67 qof.

Wasiirka Cadaalada Somaliland Iyo Agaasimihiisa Guud Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ahi Dhexmaray Iyo Khilaaf Ka Taagan Wasaaradaasi Oo Furka Tuuuray.. - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Wasiirka-Cadaalada-Somaliland-Iyo-Agaasimihiisa-Guud-Oo-Dagaal-Gacan-Ka-Hadal-Ahi-Ku-Dhexmaray.

Hargeysa(Nuux.kadiye)Okt.13, 2013 -Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed caydiid iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Abiib Axmed Cali ayaa saaka dagaal kii ugu adkaa xafiiska hoosta isaga soo xidhay isla markaana Gaw-da iska saaray iyadoo la waayay cid kala qabata. Xogaha laga helayo Wasaaradda ayaa xaqiijinaya in khilaaf beryahanba wasaaradda ka dhex taagnaa sababay in labada Masuul maanta isku haad helaan isla markaana inta la ogyahay waxa khasaare soo gaadhay wasiirka oo la sheegay in Nabaro ay ku dhaceen. Lama oga sababta rasmiga ah ee ay labada Masuul isku dileen hase yeeshee waxa la filayaa in ay la xidhiidho arrimo maamul, balse ilaa hada midkoodna kamuu hadal dagaalkaas iyo waxa sababay. Labada Masuul ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa ah laba Baar-qab oo midkoodna aanu Kaftamin waxaana la saadaalinayaa in ay isla jiidheen arrintaas. Xaaladda oo isla markiiba la dambabasay isla markaana laga ilaaliyay in ay duusho oo warbaahinta gaadho awgeed ayay ugu suu

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Talooyin Iyo Go`aamo Ku Ansixiyey Miisaaniyada Sanadeedka 2014-Ka Hay`addo Dawlada Ka Mid Hakiyey Miisaaniyadoodii. - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Golaha-Wakiilada-Somaliland-Oo-Talooyin-Iyo-Goaamo-Ku-Ansixiyey-Miisaaniyada-Sanadeedka-2014-Ka-Hayaddo-Dawlada-Ka-Mid-Hakiyey-Miisaaniyadoodii.

Hargeysa(Nuux kadiye)Okt.13, 2013- Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah  ku meel mariyey miisaaniyada sanadeedka 2014-ka oo ay Goluhu ka doodayeen mudo todobaadyo ah Golaha  ayaa go’aamo iyoTalooyin ku Lifaaqay Miisaaniyadda 2014-ka ee ay maanta Ansixiyeen, go’aamadaas oo ay ku hakiyeen qaar ka mid ah Miisaaniyadaha Hay’addaha Dawladda qaarkood oo ay saluugeen kharashaadka ay hay`adahaasi adeegsadaan.  GO,AANKA ANSIXINTA MIISAANIYADDA 2014  Markaan eegnay qod 54 ee dastuurka faqradaha 1-4 Markaan eegnay qod 55 ee dastuurka Faq 1aad  oo tilmaantay : Golaha Wakiiladu waa uu ka doodi karaa, waxna ka bedeli karaa miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go,aan golei Markaan araganay qodo. 3aad   ee Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada JSL Faqradiisa 4aad Marka Goluhu dhegeystay khudbadka ododroska miisaniyadda qaranka ee 2014 ee Wasiirka Wasaardadda Maaliyadda Marka Goluhu dhegeystay Warbixinta Gudidda Dhaqaalaha , Ganacsiga iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiilada

War deg-deg ah: GAADHI KA MID AH BAABUURTA WEFTIGA WADADA CEERIGAABO OO KU GADOOMAY DULEEDKA GAR\'ADAG

weftigii balaadhnaa ee u sii jeeday Ceerigaabo ee uu hogaaminaayey wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka koobnaa Gudidii Dhawaan madaxweynuhu u magacaabay Hrgelinta Dhismaha Wadada Ceerigaabo oo saaka ka ambabaxay Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaalo madaxdiisa Burco ayaa iyaga oo ku sii jeeda Gobolka Sanaag magaalo madaxdiisa Ceerigaabo waxa jidka kula Gadoomay gaadhi noociisu yahay Land Cruiser. Shilkaasi gaadhi haba yaraatee wax dad ah oo ku dhintay ma jiraan marka laga reebo dhaawacyo furdud oo soo gaadhay dadkii saarnaa oo uu ka mid ahaa Oday Jaamac Saalax oo horena u ahaan jiray Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Wakhtigii Marxuum Cigaal oo isaga hada dib loogu soo celiyey Magaalada Burco. Baabuurkan shilku ku dhacay oo sida ay noo xaqiijiyeen weriyeyaashii saarnaa Gaadhigaasi ay saarnaayeen 6 qof balse marka laga tago jaamac saalax ay intooda kale caafimaad qabaan marka laga tago dhaawacyo sahlan. Shebekada Wararka ee Durdurnews waxa ay u

Malaayiin muslimiin ah oo kusoo uruuray magaalada barakaysan ee Makkah Almukarama…WARBIXIN

 {N.K}Malaayiin muslimiin ah oo kusoo uruuray magaalada barakaysan ee Makkah Almukarama ayaa bilaabay in ay ka guuraan caawa halkaan, waxayna udhaqaaqayaan Mina oo ka mid ah goobaha gudashada waajibaadka xajka. Sida uu yahay qorshuhu Xujjaydu halkaas waxay joogidoonaan ilaa subaxda isniinta ee sagaalka Dil xaj, subaxnimada maalintaas ayay aadayaa Carrafah oo uu ka dhicidoono alle tuugga ugu wayn, maadaama uu Nabi Muxed nabad iyo naxariisi dushiisa ha ahaatee yiri “duco waxaa ugu khayr badan midda Carrafo”waxaana halkaas ay wufuudda ilaah joogidoonaan illaa gabbal dhaca maalintaas. Inta aan la tukan salaadda maqrib ayaa Xujjaydu ka tagayaan carraffo waxaana maqribka loo tukanayaa Muzdalifa oo ah goob ka mid ah goobaha Xajka, halkaas ayayna ku baryidoonaan Xujjaydu habeenkaas. Maalinta tobnaadka Dil Xaj qorrax soobaxa ayaa lagu noqonayaa Mina, waxaana laqabanayaa maalintaas afar Camal oo kal ah:- 1: waxaa todobo dhagax uu Xaaji kastaa ku tuurayaa dhagaxa lagu magacaabo A

Gudoomiyaha jaamacada muqdisho university ayaa manta booqasho ku yimid magaalada boorama

BOORAMA{N.K} Waxa manta magaalada boorama soo gaadhay gudoomiyaha jaamacada muqdisho university ali sheikh ahmed abubakar Gudoomiyaha ayaa socdaalkiisa waxa ku wehelinayay qaar ka mida masuuliyiinta muqdisho university sidoo kalena waftigan uu hogaaminayo gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa manta waxa ay kormeer ku tageen jaamacada camuud university halkaasi oo ay maamulka,macalimiinta iyo ardayda jaamacadu ay halkaasi ugu sameeyeen munaasabad soo dhaweyn ah isagoona halkaasi lacture uga soo jeediyay ardayda jaamacada ee ayagu kala barta kuliyadaha kala duwan ee jaamacada camuud university Ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka jaamacada camuud pro: Boqore isaga oo halkaasina kaga xog waramay taariikhda jaamacada camud iyo xidhiidhka ka dhexeeya jaamacada camuud iyo jaamacada muqdisho university isaga oo sheegay in labada jaamacadoodna uu xidhiidh qoto dheeri uu ka dhexeeyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka jaamacada camuud university waxa uu halkaasi si diiran

Midowga Afrika oo isku raacay in la kordhiyo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan

shirkii Dalalka ku jira Midowga Afrika ee magaalada Adis-Ababa oo la soo geba-gebeeyey ayaa lagu amaaney doorka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, waxaana hoosta laga xariiqey in muddadii ay joogeen horumar ballaaran dhanka nabadda laga gaarey, Shirka ayaa isku raacey in ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya kor loo qaado tiradooda lana gaarsiiyo 24 000 kun oo askeri, halka ay markii hore ka ahaayeen 18 000 kun oo askeri, Qorshahan cusub ayaa la horgeyn doonaa Qaramada Midoobey si loo meelmariyo una noqdo Qaraar UN-ka ka soo baxay. Waxaa la aaminsan yahay in ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan ay ka badan yihiin 18 000 oo askeri, marka la eego ciidanka itoobiya ka jooga oo aan la aqoon tiradooda rasmiga ah iyo kuwa Dalka Kenya ee hadda ku jooga magaca AMISOM. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkii dalalka ku jira Midowga Afrika ka sheegay in ciidamo badan oo Soomaaliya ah la tababaray, kuwaas oo hadda u baahan agabkii ay ku hawlgeli lahaayeen, si loo soo afjaro ayuu yiri dag

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boorama Oo Si Rasmiya Shaqo Oo Laga Bilaabay Run Wayga Ay Diyaaraduhu Soo Caga Dhigtaan

Boorama-(NK) Olole dib loogu caraqaadayo dhabada ay diyaaraduhu ka haadaan soona caga dhigtaan ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Isaaq eemagaalada Boorama ayaa maanta qabsoomay, hawlgalkan oo ahaa mid aad ubalaadhan ayaa waxa lagu bilaabay lacag qaadhaan ah oo ay soo direenhaween ku abtirsada gobolkan oo jooga qurbaha, waxana hawsha meesha kasocota booqday badhasaabka Awdal, Maayarka Boorama, Xildhibaano,odaydhaqameedyo iyo daneeyayaal kale. Ugu horayntii ayaa Caaqil Axmed Kaahin oo halkaasi ka hadlay uu umahadnaqay haweenka bixiyay qaadhaankan hordhaca ah waxana uu yidhi“Mahad badan ayay mudan yihiin gabdhaha qurbaha ku nool ee soo bixiyaylacagta maanta garoonkan lagu bilaabay dhismihiisa, runtii waxa uu ahaagaroonkii u horeeyay ee Somaliland ay yeelato, waxana ka socon jiraydhaqdhaqaaq badan, waa duugoobay oo waxa uu u baahan yahay in gudo iyodibadba la isugu tago oo loo guntado sidii dib loogu furi lahaa” Md. Saleebaan Sh. Cabdilaahi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay intalaa