Skip to main content

Laba qof ayaa ku dhimatey qarax ka dhacay caasimadda Itoobiya

Qaraxa ayaa dhacay maanta oo Axad ah ah waxaana uu ka dhacay degmada Bole, halkaas oo ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah. Ma jirto cid weerarkan weli sheegatey, inkasta ay farta ku fiiqeyso kooxo degan Koonfurta iyo Koonfur Bari ee dalka Itoobiya iyo weliba kooxda al-Shabaab.
Ciidamada amaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu ka dhacay guri ay kireysteen laba nin degmada Bole, waxaana qaraxaas ku dhintey isla labadii nin ee guriga kireystey.
Ciidamada Itoobiya ayaa dagaal dheer la galay kooxda al-Shabaab ee ka jirta Soomaaliya, waxaana dagaalkun dib u bilowdey sanadkii 2011 markii ciidamada Itoobiya dib ugu noqdeen Soomaaliya.
Bishii la soo dhaafey kooxda al-Shabaab ayaa sheegtey weerar lagu qaadey Suuq ay ka dukaameystaan dadka ladan ee Kenya kaas oo k yala caasimadda Kiinya ee nayroobi, waxaana weerarkaas ku dhintey ugu yaraan 67 qof.

Comments

Popular posts from this blog

Kulankii madaxweynaha soomaaliland iyo raysal wasaaraha ethopia ku dhex maray magaalada adis ababa Daawo

Waxa maanta si diiran logu soo dhaweeyay magaalada borama madaxweynihii hore ee awdal state

Borama-Nuux kadiye-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in M\waynihii Hore Awdalstate Rshiid Awnuur sii fiican loogu soo dhaweeyay magaalada Dila dadwaynaha kala hadlay barxada hore isaga iyo wafdigii uu hogaaminayayba waxayna uga mahad naqeen sida fiican ay ugu soo dhaweeyeen dhulkoodii hooyo ay mudo maqnaayeen

Waraysi Gaar ah oo Puntland TV la yeeshay Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdi wali maxamed cali gaas oo arimo badan ka hadlay oo ay ka mid inuu soo celin doono gobolada sool sanaag iyo cayn ee soomaaliland ka tirsan Daawo ...