Skip to main content

Midowga Afrika oo isku raacay in la kordhiyo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan


shirkii Dalalka ku jira Midowga Afrika ee magaalada Adis-Ababa oo la soo geba-gebeeyey ayaa lagu amaaney doorka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, waxaana hoosta laga xariiqey in muddadii ay joogeen horumar ballaaran dhanka nabadda laga gaarey, Shirka ayaa isku raacey in ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya kor loo qaado tiradooda lana gaarsiiyo 24 000 kun oo askeri, halka ay markii hore ka ahaayeen 18 000 kun oo askeri, Qorshahan cusub ayaa la horgeyn doonaa Qaramada Midoobey si loo meelmariyo una noqdo Qaraar UN-ka ka soo baxay. Waxaa la aaminsan yahay in ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan ay ka badan yihiin 18 000 oo askeri, marka la eego ciidanka itoobiya ka jooga oo aan la aqoon tiradooda rasmiga ah iyo kuwa Dalka Kenya ee hadda ku jooga magaca AMISOM.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkii dalalka ku jira Midowga Afrika ka sheegay in ciidamo badan oo Soomaaliya ah la tababaray, kuwaas oo hadda u baahan agabkii ay ku hawlgeli lahaayeen, si loo soo afjaro ayuu yiri dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.
Ciidamada al-shabaab daacadda u ah hadda ayaa lagu qiyaasaa 5000 – 7000, waxaana inta badan ay ku jiraan tuuloyinka iyo miyiga Koonfurta Soomaaliya, Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa gaaraya in ka badan 30 000 oo askeri, muddo 15 bilood ah waxaa hoos u dhacay horu socodka ciidanka Soomaaliya. Tan iyo markii uu xilka la waereegay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud waxaa hakad galay dhamaan dagaaladii markii hore lagu hayey al-Shabaab, waxaana dowladiisu la tacaaleysey khilaafyada ka dhextaagan iyada iyo maamulada dalka ka jirey ama ka dhismey.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.