Skip to main content

Mareykanka oo ka digay in weeraro la mid ah kii Westgate Nairobi in lagu fuliyo dalka Uganda.

Sirdoonka dowladda Mareykanka ayaa ka digay in ay suurta gal noqoto in weeraro lagu qaado magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda,kaasi oo la mid ah kii lagu qaaday bishii la soo dhaafay xarunta ganacsiga ee Westgate.
Laamaha ammaanka Mareykanka ayaa la sheegayaa in ay heleen maclumaad sheegaya weeraro lagu qaado Uganda,iyadoo safaaradda Mareykanka ay ku leedahay Kampala ay sidoo kale ka digtay weeraradaasi.
Sargaal u hadlay dowladda Uganda ayaa asheegay in ay ka feejigan yihii weerarao lagu soo qaado,laamaha ammaankana ay xoojiyeen sugidda ammaanka dalka.
Xarakada Al-Shabaab ayaa ku hanjabay in ay weeraro ka fulin doonaan wadamada ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya.
Sanadkii 2010-kii ayey ahayd markii ururka Al-Shabaaba ay ka fuliyeen laba qarax oo mataano ah magaalada Kampala,kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof.

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.