Ciidamada booliska dalka Norway ayaa shaaca ka qaaday in nin Soomaali heysta baasaboorka Norway uu ku jiray kooxdii weerarka ku qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.
Waxaa lagu magacaabi jiray ninka Xasan Cabdi Dhuxulow oo 23 sano jir ah,iyadoo booliska dalkaasi ay sheegeen xili ay la hadlayeen barnaamihjka BBC News night in Dhuxulow uu ka mid ahaa raggii fuliyey weerarakii Westgate Mall.
Sanakii 2009 ayuu Dhuxulow tagay dalka Norway,waxa uuna degnaa magaalada Larfik oo ku taal Koofurta caasimadda dalkaasi ee Oslo.
Dhuxulow ayaa ku dhashay Soomaaliya,isaga iyo qoyskiisa ayaa u soo safray sanadkii 1999 dalka Norway oo qaxooti ahaan ay isaga dhiibeen.
Kaamirda qarsoon ee CCTV ay soo bandhigtay afar qof oo ka mid ahaa Dhuxulow oo xiligaasi watay jaakad madaw ah.
Dhawaan ayey ahayd markii hay’adda sirdoonka Norway ee PST ay u dirtay saraakiil baarayaal ah dalka Kenya si ay u soo xaqiijiyaan wararka sheegaya in muwaadin heysta dhalasha dalkaasi uu ka mid ahaa dableydii weerartay Westagate
Xukuumadda Nowrway ayaa aaminsan in dhalinyaro gaaray 20-30 oo heyta dhalashada dalkaasi inay Soomaaliya ku laabteen ayna ku biireen Al-Shabaab.
Comments
Post a Comment
Fadlan Fikirkaaga ka dhiibo hadii aad ku xidhan tahay wararka iyo macluumaadka aanu halkan idinkula wadaagno noona reeb wixii talo iyo tusaale ah