Skip to main content

Gudoomiyaha jaamacada muqdisho university ayaa manta booqasho ku yimid magaalada boorama

BOORAMA{N.K} Waxa manta magaalada boorama soo gaadhay gudoomiyaha jaamacada muqdisho university ali sheikh ahmed abubakar
Gudoomiyaha ayaa socdaalkiisa waxa ku wehelinayay qaar ka mida masuuliyiinta muqdisho university sidoo kalena waftigan uu hogaaminayo gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa manta waxa ay kormeer ku tageen jaamacada camuud university halkaasi oo ay maamulka,macalimiinta iyo ardayda jaamacadu ay halkaasi ugu sameeyeen munaasabad soo dhaweyn ah isagoona halkaasi lacture uga soo jeediyay ardayda jaamacada ee ayagu kala barta kuliyadaha kala duwan ee jaamacada camuud university
Ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka jaamacada camuud pro: Boqore isaga oo halkaasina kaga xog waramay taariikhda jaamacada camud iyo xidhiidhka ka dhexeeya jaamacada camuud iyo jaamacada muqdisho university isaga oo sheegay in labada jaamacadoodna uu xidhiidh qoto dheeri uu ka dhexeeyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka jaamacada camuud university waxa uu halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay waftiga uu hogaaminayo gudoomiyaha jaamaca muqdisho. Intaasi ka bib waxa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha jaamacada muqdisho university ali sheikh ahmed abuubakar ayaa waxa uu yidhi { wixii wax wada qabsada ayaa wada guulaysta} waxa sidaa yidhi gudoomiyaha jaamacada muqdisho university isagagoona sheegay inay labadaasi jaamacadood ee camuud iyo muqdisho xidhiidh aad u wanaagsan islamarkaana ay iska kaashadaan dhinaca waxbarashada , gudoomiyaha jamaacada muqdisho ayaa madashaasi kulmisay ardayda jaamacada uu ka soo jeediyay hadal nuxur leh islamarkaana ay iskugu soo biyo shubanayeen waanooyin iyo talooyin uu u soo jeediyay ardayda jaamacada camuud university isagoona halkaasi ugu mahad celiyay maamulka iyo ardayda jaamacada camuud sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen isku soo wada duubo waa gudoomiyihii ugu horeeyay eek a socda jaamacada muqdisho university eek u taala koonfurta soomaaliya uu booqasho ku yimaado magaalada boorama ee xarunta gobolka awdal kormeerna ku tago jaamacada camud gabagabadii munaasbada ayaa waxa halkaasi gudoomiyaha su,aalo ku weydiinayay ardayda jaamacada camuud university  isagoono su,aalaha u ga jaawabayay gudoomiyuha ardayda waxa ay wax ka weydiinayeen amase ay su,aalayeen

Wariye : Nuux kadiye



Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.