Skip to main content

Xisbiyada Mucaaridka Oo Meel Adag Iska Taagay Sharci Darona Ku Tilmaamay Mudo Kordhintii Uu Madaxwayne Silanyo U Kordhiyey Guddida Diwaan-gelinta Ururada Iyo Axsaabta Qaranka - -


Hargeysa(Nuux kadiye)Okt.16, 2013-Labada xisbi mucaarid ayaa meel adag iska taagay mudo kordhintii uu madaxwayne silanyo u kordhiyey Guddida Diwaangalinta ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka,oo madaxwaynaha Somaliland muddo laba sano ah ugu daray wakhtigoodii hore loo doortay oo hada dhamaaday.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Faysal Cali Waraabe ayaa sharci daro ku tilmaamay mudo kordhinta uu madaxwayne silanyo u sameeyay guddidan oo uu sheegay in aan haatan wax shaqo ah oo looga baahan yahay in ay qabtaan anay jirin isla markaana intii sharciga ahayd ee loo asteeyayna ay dhamaatay,waxa uu Gudoomiye faysal oo maanta warbaahinta Hargeysa kula hadlayey uu intaasi ku daray intaasi cadaynayso in aanuu madaxwayne silanyo dalka maamulin balse saxeexiisa lagu shaqaysto oo ay adeegsato cid gaar ahi,isla markaana ay tani tahay mid ay cid gaar ahi adeegsanayso oo dano gaar ah laga leeyahay sida uu sheegay.
Dhinaca kalena Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa  oo isna warbaahintu arrintan wax ka waydiisay ayaa  ayaa waxa uu ku tilmaamay mudo kordhintaasi mid sharci daro ah isla markaana uu madaxwaynuhu ku tumanayo sharciga dalka u yaala,waxa uu sheegay in guddidan ay Golaha wakiiladu ka saareen miisaaniyadoodii sanadka soo socda isla markana uu madaxwayne silanyo guddi miisaaniyadii ay ku hawl galilahaayeen la baabiiyey uu waliba laba sano oo kale ugu daray,isla markaana aanuu cadayn meesha laga bixinayo miisaaniyadoodii,waxa uu ugu dambayntii Ibraahim Mahdi Buubaa intaasi ku daray in ay arrimahan iyo kuwo kaleba in sharcigii dalka aan la tix galinahayn oo sidii la doono loo adeegsano.

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Xisbiyada-Mucaaridka-Oo-Meel-Adag-Iska-Taagay-Sharci-Darona-Ku-Tilmaamay-Mudo-Kordhintii-Uu-Madaxwayne-Silanyo-Mudo-Xileedka-Ugu-Kordhiyey-Guddida-Diwaan-gelinta-Ururada-Iyo-Axsaabta-Qaranka.html#sthash.fL875XLb.dpuf

Comments

Popular posts from this blog

War deg deg ah dorashada puntland isku dhacyo ka dhacay garoowe

Waxaa goordhaw dibad baxyo Rabshada wata ka bilowdeen Qeybo kamid ah Magaalada Garawe Caasimada maamulka Puntiland, iyadoona lasoo sheegayo in Dibad baxyada ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Dad careesan oo la tilmaamay in ay taageero u ahaayeen Madaxaweynihii hore ee Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa bilaabay Dibad baxa Rabshadaha wata iyagoona dhagxaan ku tuurayay Taageerayaasha Madaxweynaha Cusubee Puntiland Cabdi Wali Gaas iyo Ciidamada amaanka. Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale dhagxaan ku weeraray halka ay kasocoto Doorashooyinka Maamulka Puntiland ee Xarunra Golaha Wakiilada iyadoona Ciidamada goobtaasi ilaalinayay ay rasaas ku rideen dibad baxayaasha. Warar hordhac ah aan helnay ayaa sheegaya in Rasaasta ay Ciidamada Dowlada Puntiland ku fureen Dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dhasheen Qasaarooyin isugu jira Dhimasho iyo dhaawac. Waxii Warar ah ee kusoo kordha Rabshadaha ka socda Garawe kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

BOOQASHADII BROTHER MAXAMED DIINI EE MAGAALADA BOORAMA IYO LACTUREKII UU JEEIYAY

 WAA MARKII UGU HORAYSAY EE UU YIMAADO MAGAALADA BOORAMA EE XARUNTA GOBOLKA AWDAL SIDOO KALANA UU LACTURE QIIMO BADAN HALKAASI UGU SOO JEEDIYAY BOQOLAAL ARDAY OO WAX KA DHIGATA JAAAMACADAHA KALA DUWAN EE MAGAALADA BOORAMA IYO DHALINYARO KALA DUWAN OO ISAGA KALA YIMID.

Daawo Sawirada Haan aan la ogeyn waxa ku jira oo kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa maanta Warbaahinta usoo bandhigay Haan yar oon la ogeyn wax ku jira oo dhawaan kusoo caarisay Xeebta Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Haantan oo u muuqata mid daxaleesatay aadna u yar ayaa dadka Deegaanka Boqol ee Xeebta Jaziira waxa ay ku arkeen halkaasi iyagoona durbo cabasho u gudbiyay Maamulka Degmada Wadajir.