Skip to main content

Malaayiin muslimiin ah oo kusoo uruuray magaalada barakaysan ee Makkah Almukarama…WARBIXIN

Xajka {N.K}Malaayiin muslimiin ah oo kusoo uruuray magaalada barakaysan ee Makkah Almukarama ayaa bilaabay in ay ka guuraan caawa halkaan, waxayna udhaqaaqayaan Mina oo ka mid ah goobaha gudashada waajibaadka xajka.
Sida uu yahay qorshuhu Xujjaydu halkaas waxay joogidoonaan ilaa subaxda isniinta ee sagaalka Dil xaj, subaxnimada maalintaas ayay aadayaa Carrafah oo uu ka dhicidoono alle tuugga ugu wayn, maadaama uu Nabi Muxed nabad iyo naxariisi dushiisa ha ahaatee yiri “duco waxaa ugu khayr badan midda Carrafo”waxaana halkaas ay wufuudda ilaah joogidoonaan illaa gabbal dhaca maalintaas.
Inta aan la tukan salaadda maqrib ayaa Xujjaydu ka tagayaan carraffo waxaana maqribka loo tukanayaa Muzdalifa oo ah goob ka mid ah goobaha Xajka, halkaas ayayna ku baryidoonaan Xujjaydu habeenkaas.
Maalinta tobnaadka Dil Xaj qorrax soobaxa ayaa lagu noqonayaa Mina, waxaana laqabanayaa maalintaas afar Camal oo kal ah:-
1: waxaa todobo dhagax uu Xaaji kastaa ku tuurayaa dhagaxa lagu magacaabo Alcaqabah
2:Waxaa laxiiranayaa madaxa
3:waxaa lagawracayaa xoolaha
4:waxaa lagudanayaa Dawaafka lagu magacaabo dawaaful Ifaaphah, waana maalinta ugu shaqada badan Xujjayda.
Maalmaha 11, 12, 13, Dil-Xajj waxaa        Xaaji kasta dushiisa ah labo Camal maalintii waa in uu 21 dhagax ku tuuraa sadexda dhagax habeenkiina  waa in uu ku hoydaa Mina.
Camalka ugu danbeeya ee xujjayda waa Dawaaful wadaac ama dawaafka sagootinta oo ah kan lagu soo gabangabeeyo Acmaasha Xajka.
Waaxda socdaalka ee dalka Sucuudiga waxaa ay sheegtay in ilaa hadda si wanaagsan ay hawshu usocoto, waxayne sheegeen in ay xireen 173 qof oo lagu haysto in ay sameeyeen Baasaboorro iyo dal-ku gal been abuur ah.
Somaalida oo ka mid ah Muslimiinta sanad walba xajjiya waxaa haysta duruuffo u gaar ah.
Maadaama dalka ay dhibaatooyin ka jiraan mahelaan xuquuq la mid ah tan Muslimiinta kale, gaar ahaan waxaad dareemaysaa in aanay helin dad ku haga nidaamka Xajka oo tusa goobaha cibaadada, sidoo kale dad badan oo ka mid ah Xujjayda Soomaalida waxaa ku adag in ay fahmaan habka nolosha dalkaan taas oo durba la arkay dhibkeeda oo ay ka mid tahay sida ay u isticmaalayaan wadooyinka oo ay Zaxmad ka jirto.
Magaalada Makkah labadii bari ee lasoo dhaafay labo Xaaji oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay Shil gaari.
Waxaa Xusid mudan in aad looga taxadaray in aanay dhumin Xujjaydu, waxaana qof kasta uu haystaa ugu yaraan sadex calaamadood oo si fudud loogu helikaro haddii uu dhumo.
Waxaa jira cibaadooyin aan ka mid ahayn Xajka laakiin aad muhiim u ah oo ay Xujjaydu samaynayaan waxaana ka mid ah, booqashada Masjidka Nabiga c/s/w ee madiina, iyo qabrigiisii oo ay ku dhinac-yaallaan qabuurihii Abuubakar iyo Cumar Bin khadaab ilaah labadoodaba hakka raali ahaadee, waxaa kaloo labooqdaa qabuuraha Baqiic oo ay ku duuganyihiin in ka badan todobaatan kun oo saxaabi iyo masjidkii ugu horeeyay ee uu dhisay Nabigu C/s/w ee Qubaa iyo buurta Uxud oo ay kaabiga ku hayaan qabuuraha todobaatameeyo saxaabi oo ku shahiiday dagaalkii Uxud.
Ugu danbayn halkaani waa meel uu ilaah uga mahadceliyo qofkii uu usaamaxay in uu yimaado kii aan imaanna uu ilaah waydiistu in uu ufududeeyo
Nuux kadiye 

Comments

Popular posts from this blog

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wariyayaal Ree Borama ah

 Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi Suxufiyiin Reer Awdal Ah Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday suxufiyiinta gobolka Awdal oo maalmahii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay magaalada Hargaysa. Wafdigan suxufiyiinta ah oo uu hogaaminayay Musharaxa Jagada Gudoomiye-nimo ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Eng. Maxamed Xasan Ismaaiil Sharbi-yare oo ay weheliyaan suxufi Maxamed Nuur Muuse Bilibili & Suxufiyad Fadxiya Yaasiin Buuni ayaa lagu qaabilay hab-maamuus uu maqaamkiisu aad u sareeyay. Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta uga waramay Suxufi & Musharax Eng. Maxamed Xasan Ismaaciil Sharbi-yare waxana uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa kulan midho dhal ah. “Aad ayaan Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici uga mahadcelinaynaa sida kara

Qof ku sugan Magaalada Saylac ayaa duubay Muuqaal Muujinaya diyaarado Gaaf wareegaya Hawada Saylac

  Waxa markii u horaysay magaalada Saylac lagu arkayaa diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo xeebta Saylac dhanka Barri kaga beegan ka soo degay. Diyaaradahan oon la garanayn ayay dadka degaanku shegeen inay ciidamo kasoo dageen iyo gadiidka badda nuuca la naqaseeyo. Cabaar markay ka dageen ee ay naqasaysteen gadiidkii bada ay ku gali lahayeen ayay u kaceen dhanka gudaha badda. Wali lama hayo war intaasi ka faahfaahsan. Mana jirto wali cid maamulka dawlada matasha oo xog intaas ka dheeriya oo ciidankan ku saabsan bixisay. Waxaan se ognahay oo xaqiiqa markaan aqliga ka shaqaysiino in ciidankani aanay ahayn kuwa maraykanka, reer yurub, iyo China ee saldhigyada ku leh dalka jabuuti oo aaney jirin wax ay ugu baahan karaan inay dhulka bariga ee xeebaha Saylac ka soo dagaan diyaaradohoogu isla markaana ku rakibtaan gadiidka yar yar ee badda, Sidoo kale waxaan isla garan karnaa inaaney ahayn ciidamada ilaalada bedhcad badeeda ee badda cas ka haw-gala oo iyagna saldhig ciidan ku leh dalka aynu j

Rumayso ama diid, Farogalinta maantu waxa ay gaar ku tahay deegaanada (Gadabuursi iyo Habarjeclo

  La Dareena Shiinaha! Dhulka qabiilka ayaa iska le, khayraadka ku jirana waa la gu la leeyahay. Ingriisku waxa uu Soomaalilaan u soo dagay xoolaha nool oo kaalin mug leh u gu jiray ciidamadiisa degan Cadan, Talyaaniguna koonfur waxa uu u dagay beeraha oo muhiim u ahaa warshadihiisa. Maanta, waa dagaal dhaqaale, Shiinuhu waxa uu dirayaa fariin ku socota beelaha oo ah (Dhulbahantoow xadkiinu waa ilaa Beer oo Ingriis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa ceelasha Shidaalka ee Deegaankaa ku yaal in uu ka horjoogsado Taiwan, waxa kale oo uu odhanayaa (Gadabuursow Jabuuti iyo Saylac idinka ayaa lahaa, oo Ingriis iyo Faransiis ayaa idinka qaaday), laakiin, Isagu waxa uu u socdaa xeebta gobolka oo qiimo u gu fadhida mashruuciisa Kaabayaasha (BRI) in uu ka horjoogsado Ingiriis iyo Imaaraat. Dagaalka beelaha la galinayo, waa dagaal la gu la jiro reer galbeed (Anti Neocolonial Movement), ee ma aha Jacayl iyo wax la guu gu qabanayo. Beeluhu haday garanwaayaan danaha qarsoon ee la g